Raisulwasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo safar ku tagi doono dalka Kenya

October 29, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa  in maalinta birito  ah u dhoofo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya  ka dib markii khilaaf uu so kala dhex galay dowlada Kenya iyo DFKM .

Socdaalka Raisulwasaaraha DFKM iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doono madaxada dalka Kenya waxaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo kordhin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo tababarka ciidamada DFKM.

Soo galitaanka ciidamada dalka Kenya gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhex abuurtay khilaaf siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan madaxada iyo xildhibaanada DFKM.

Dowlada Kenya ayaa ku andacoonaysa inay ay ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya ka dib markii amnigeeda uu khatar galay iyada oo ku eedeysay Al Shabaab afduubyo iyo dilal ka dhacay gudaha dalka Kenya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,793 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>