Shir looga hadlayo amaanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

October 28, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug shir looga hadlayo amaanka magaalada Gaalakacyo iyadoo shirka ay ka soo qayb galeen xubno kale duwan oo ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey siddii loo adkeyn lahaa amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo si looga foojignaado in mar kale qalalaase uu ka dhaca magaalada dhexmarana beelaha ku wada nool magaalada.

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo maalmahaan ku sugnaa isaga iyo wafdi ka soo raacay magaalada Garoowe oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in bulshada ku nool gaalkacyo ay ciidanka amaanka kala shaqeeyaan siddii loo sugi lahaa amaanka iyo nabadgelyada Gobolka Mudug arrinkaas oo muhiim u ah bulshada iyo maamulkaba.

no images were found

Afhayeenka Baarlamaanka dowllada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dhinacooda ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in wax walba oo amaanka Gobolka Mudug lagu sugayo ay diyaar u yihiin kana saacidio doonaa maamulka Gobolka Mudug .

Dhinac kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Mudug , iyo Duqa magaalada Gaalkacayo waxaan ay ku booriyeen dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka in lagala shaqeeyo maamulka sidii amaanka iyo nabadgelyada loo adkeyn lahaa taas oo dan u ah bulshada ku nool Gobolka Mudug.

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online