Al-shabaab oo si rasmi ah u sheegtay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

October 4, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa goor dhow shirjaarid ku qabtay magaalada Muqdisho Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere isagoo sheegtay qaraxii maanta ka dhacay xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxa ay fuliyeen guutada Istishhaadiga ah ee ciidanka Al-shabaab isagoo sheegay in cadowga ay dhabarka ka jabsheen.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha ay saldhiga u ahayd  sirdoonka DFKM iyo kuwa reer Galbeed ah isagoo sheegay in qarax maanta hadafkii la rabay laga gaaray in badan ay sirdoonka Al-shabaab ay isha ku hayeen goobta maanta qaraxa lala beegsaday.

Afhayeenka ururka Alshabaab Sh. Cali Dheere ayaa beeniyey in qofka qaraxa fuliyey uu u dhashay dalka Kenya sida uu xusay Sarkaal u hadlay DFKM , Shiikh Cali ayaa waxaa uu sheegay in qofka qarax fuliyey uu yahay wiil arday ah oo Muqdisho wax ku bartay laguna magacaabo Bishaar C/llaahi Nuur.

Afhayeenka ururka Alshabaab Sh. Cali Dheere ayaa beeniyey in qarax maanta ay ku dhinteen arday imtixaan soo eeganaysay isagoo arrinkaas ku tilmaamay been abuur ay faafinayaan madaxda DFKM. 

Afhayeenka ururka Alshabaab Sh. Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ka fogaadaan xarumaha ay degan yihiin madaxda DFKM si aan weerarada dhib uga soo gaarin isagoo ku nuux nuuxsaday in ay dadka u turayaan aysan jeclayn in qof muslin ah uu weerarada ay geysanayaan uu ku dhinto.

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online