Ururka Saxafiyiinta NUSOJ oo dhaqaale gaarsiisay Wariye lagu dhaawacay Gaalkacyo

October 11, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Ururka Saxaafiyinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta lacag gudoonsiiyey Wariye Xorriyo C/qaadir oo bishii lasoo dhaafay koox hubeysan uu ku dhaawaceen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Munaasabad ka dhacdey Isbitaalka GMC oo lacagta lagu gudoonsiinayay waxaa ka soo qayb galay masuuliyinta gobolka Mudug oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey),Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi,ehelada Wariyaha iyo bahda Saxaafada ee gobolka Mudug.

no images were found

Wakiilka NUSOJ ee Puntland C/weli Xassan Gooni ayaa lacag gaaraysa $1,000 (kun doolar) ku wareejiyey Wariye Xorriyo isagoo sheegay in ay ka qayb qaadanayaan oo ay intaas ku ekeen taageerada ay siinayaan Wariyaha. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibtii soo gaartay Wariyaha ay la qaybsanayaan kana mid tahay dhibaatooyinka ay la kulmaan Saxaafiyinta Soomaaliyeed ee xilligaan ku shaqaynaaya marxalad aad u adag.

Gooni ayaa sidoo kale waxa uu mahad gaar ah u jeediyey Bahda Saxaafiyiinta Mudug,isaga oo sheegay in uu kala kulmay soo dhaweyn aad u wanaagsan tan iyo intii uu ku sugnaa Galkacyo, isaga oo tilmaamay in saxaafadda Mudug ay tahay mid tusaale u ah tan guud ahaan Puntland. Rooble Xasan Cabdi oo isaga ka mid ah bahda Saxafadda Gobolka Mudug ayaa isagana muujiyey sida ay ugu dadaaleen in ay wax u qabteen Xoriyo iyo weliba sida bahda Saxaafadda Mudug mar walba diyaar ugu tahay in ay muujiyaan soo dhaweyn iyo taageerida Saxaafadda Soomaaliyeed.

Wariye Xorriyo C/qaadir oo iyana hadalo kasoo jeediyey munaasabada ayaa uga mahadcelisay Ururka NUSOJ deeqda ay soo gaarsiiyeen iyadoo sidoo kale mahadcelin ujeedisay bahda Saxaafada iyo dhamaan dadkii taageeray ama caawiyey mudadii ay
jiiftay isbitaalka oo uu dhaawaca soo gaarey. Xorriyo ayaa intaas ku dartay in ay sii wadi doonto howlaheedi shaqo isla markaana aanay hakad u geli doonin dhaawici la gaarsiiyey aawadeed.

”Shaqadda aan u hayo saxaafadda ma ah mid aan joojin doono ilaa iyo wakhti kasta aniga waxaan u shaqeynayey shacabkeena runtiina dhibta i soo gaartay ma ah mid iga reebaysa shaqadii aan u hayey shacabka Soomaaliyeed”,ayay tiri. Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa isna u mahadceliyey Ururka NUSOJ sida ay usoo gurmadeen Wariye Xorriyo,waxaana uu ku dhiirageliyey in ay howsha halkaas kasii wadaan.

Dr. Dhagacadde oo ah dhaqtarkii daaweynayay Saxafiyada ayaa sheegay in uu Caafimaadka xoriyo yahay mid wanaagsan, isla markaana ay u baahan tahay nasasho iyo weliba in ay hesho meel ka nabad wanaagsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kale sheegay
in saxaafadda laga doonayo in ay muujiyaan wada shaqeyn xoog leh.

Bahda Saxaafada gobolka Mudug oo goobjoog u ahaa munaasabada ayaa uga mahadceliyey Ururka NUSOJ howsha ay qabteen,waxaana ay si heer sare ah usoo dhoweyeen Wakiilka NUSOJ ee gobolada Puntland C/weli Xassan Gooni.

Wariye Xorriyo C/qaadir ayaa bartamihi bishii hore la dhaawacay xilli fiidnimo ah oo ay kusii jeeday hoygeeda kana soo baxday howlaheedi shaqo,waxaana rasaasta la dhacay nin hubeysan oo aan la aqoonsan. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Ururka NUSOJ uu deeq lacageed gaarsiiyey Wariye Xassan Maxamed Cali (Anteena) oo kooxo hubeysan ku dhaawaceen magaalada Bosaaso kana kabsanaaya dhaawici soo gaarey.

Wariye C/weli Gooni
Gaalkacyo, Mudug

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online