Wafdi ka kooban Isimo iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo gaaray Rako.
October 6, 2011 - Written byQardho:-Wafdi ka kooban Isimo waxgara iyo wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta gaaray degmada Rako ee gobolka Karkaar si ay u soo afjaraan iska horimaad dhexmaray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega goblaka Karkaar .Odayaasha iyo Isimada Gobalka ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan colaadii ka dhextaagneyd labada beelood.
Wafdiga dowlada Puntland ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Jen C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) waxaana sidoo kale socdaalka ku weheliya Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaaladda iyo arimaha diinta Maxamuud Xaaji Siciid .
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Jen C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa waxaa uga sii horeeyey degmada Rako ciidamo iyo taliyo ku xigeenka Booliska Puntland waxaana lagu wadaa in galabta ay bilaawdaan gogal lagu nabadeynayo labada beelood oo ay dirirtu dhexmartay.
M_M Deeq
Halgan.net