Walaalnimada Islaamka ee Shiikh Yuusuf Aadam (Maqal iyo Muuqaal)

October 28, 2011 - Written by

Finland:- Shiikh.Yuusuf Aadam oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ugu waaweyn socdaal dacwadeedna ku marayey dalalka Yurub qaarkood ayaa waxaa u suura gashay in uu gaaro dalka Finland oo nasiib uu u siiyey in Shiikha Yuusuf Aadam uu marti u noqdo, Sh.Yuusuf Aadam ayaa waxaa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland uu u jeediyey muxaadaro qiimo gal ah oo uu Shiikhu ugu magacdaray Walaaltinimada Islaamka.

Shiikh Yuusuf Aadam ayaa waxaa uu socdaal Dacwadeed ku maray dalalka Danmark.Swedan , Norwey  iyo dalka Finland, iyo dalka Ingriiska  ,Shiikha ayaa muxaadaraad iyo towjiih kale duwan siiyey Jaaliyaadka Soomaaliyeed ee u soo haajiray dalalka Yurub kana soo fogaaday  dhulkoodii hooyo, Fadiilatu Sh.Yuusuf Aadam ayaa waxaa uu ka mid yahay culimadii Soomaaliyeed ee markii ugu horaysay duubay Tafsiirka Quraanka oo Af -Soomaali ah dad badana ay ku xasuustaan.

Culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa markii ay soo gaaraan dalalka Yurub ama dalalka darsika la, ah Soomaaliya waxaa ay arkaan dhalinyaro ay soo tarbiyeeyeen oo iyaguna halgan ugu jira in ay dadka gaarsiiyaan wixii cilmi ah oo ay soo bareen taas oo ah mid ku abuurta yididiilo weyn.

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Walaalnimada Islaamka ee Shiikh Yuusuf Aadam.

Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online