Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdi wali

October 27, 2011 - Written by

Muqdisho:-Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdi Weli Maxamed Gaas ayaa saaka mar kale shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho kaas uu ku faahfaahinayo mowqifka xuluumadiisa ee ku aadan soo galitaanka ciidamada dalka Kenya ee gudaha Soomaaliya waxaana uu soo saaray warsaxaafadeed u qoran sidan.

Waxaan halkan Maanta idiin ku soo gudbinayaa dhowr qodob oo ka tarjumeysa Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta qaar ka mid ah Gobolada Konfureed ee dalka.

a) Waxaa nasiib darro ah warar ka soo baxay saxaafadda qaarkeed in ay si
khaldan u tarjumeen; cabir xuna ka bixiyeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta
Gobolada Konfureed ee Soomaaliya.

b) Wararka sheegaya in Dowladdu qabto Mowqif ka soo horjeeda dadaalka Kenya;
waa been abuur ka fog xaqiiqda dhabta ah.

c) Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay wadajir u soo saareen war
murtiyeed (communiqué) bishan October 18, kaas oo lagu saxiixay Magaaladan
Muqdisho.

d) Dowladda Soomaliya waxay mar kale ku celisay, shalay oo taariikhdu ahayd
October 26keedii, in ay ku taagan tahay, kana leexanayn is afgaradkii usbuuc ka
hor ay la gashay waddanka walaalaha ah ee Kenya.

e) Ujeedada qoraalkii shalay waxay ahayd in meesha laga saaro wixii mad madow
ah ee soo dhex galay is afgaradkii October 18keedii. Waxaan soo saarnay bayaan
taageeraya, xoojinayana is afgaradkii hore. Nasiib darro; waxaa dhacday in
saxaafadda qaarkeed si khaldan uga warbixiyeen una tarjumeen.

f) Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin Mowqif mideysan
ee ku aadan la dagaalanka kooxda argagixisada Alshabab.

g) Waxaan hoosta ka xariiqnay in labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga
colaadaha ay wadaan kooxaha argagixisada ah.

h) Dowladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa Dagaalka ku wajahan Alshabab;
taageero loo fidyey shacabka Soomaaliyeed, waxna ka taraysa xoojinta amniga
Soomaaliya, Amniga Kenya iyo Aminga Geeska Afrikaba.

i) Dowladda Soomaaliyeed waxay amaan u jeedinaysaa Ciidamada Soomaaliyeed ee
horseedka ka ah dagaalka lagula jiro nabadiidka kooxda Alshabab; si ay uga
xoreyaan Gobolada ay xoogga ku haystaan, gacantana ugu soo celiyaan shacabka
Soomaaliyeed.

j) Dowladda Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa Taageerada Beesha Caalamka
IGAD iyo Ciidamada AMISOM.

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online