Weerar Qarax ah oo lala beegsaday Xero Jarmal oo saldhig u ah AMISOM

October 29, 2011 - Written by

Sabti, Oktoobar 29, 2011 (Halgan) — Dhalinyaro aad u hubaysan oo ka tirsan cidanka Al-shabaab ayaa ku qaaday weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxa qarxa iyagoo sidoo kale qarax ka dib dagaal culus la galay ciidanka AMISOM ee ku sugnaa Xero Jarmal.

Sarkaal ka tirsan Dagaal yahanada ururka Al-shabaab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay iyagu masuul ka yihiin weerarka ayna filayaan in weerarku u dhacay sidii loogu tala galay khasaaro balaarana ay gaarsiiyeen ciidanka AMISOM ee fariisamaha ku lahaa xero Jarmal.

Dhinac kale Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Al-shabaab ee weeraray xero Jarmal ay u suuro gashay in ay gudaha u galaan Xerada isagoo sheegay in xerada uu ka dhacay dagaal. Goob jooge ku dhawaa goobta qaraxu iyo dagaalku ka dhacay ee Xero Jarmal ayaa saxaafada u xaqiijiyey in qarax weyn uu ka dhacay gudaha xerada ka dibna dagaal xooggan uu ka bilowday kaas oo weli socda.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaal kula jira ciidanka Al-shabaab iyagoo dagaalku uu hadda yeeshay weji kale ka dib markii ciidanka DFKM oo ay taageeraan kuwa AMISOM ay isku baahiyeen xaafadaha magaalada Muqdisho halka ciidanka Al-shabaab ay ciidamadooda u qaybiyeen kooxo yar yar oo qaada weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, fuliyana weeraro loo adeegsado miinooyinka.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online