Abu Xafsa Al-Muritaani oo wareysi siiyey Tv Al-Jazeera kana hadlay arimo Xasaasi ah

October 24, 2012 - Written by

Qadar:-Abu Xafsa Al-Muritaani oo ahaa ninka 3aad ee Ururka Al-Qacida ayaa wareysi Dheer siiyey Tv AlJazeera gaar ahaan barnaamijka  لقاء اليوم  Waxaana uu ka hadlay arimo badan oo khuseysa Al-Qacida iyo Ururka Dhaalibaan iyo dagaalo in lagu qaado madaxada haatan heysata dowladaha Islaamka.

Abu Xafsa Al-Muritaani ( محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني) ayaa sidoo kale u mahad celiyey madaxweynaha dalkaas dowrkii u ka qaatay in uu dib ugu soo laabto dalka Muritaaniya wuxuuna sheegay in uu ku biiray sagaashanaadkii Ururka Al-Qacida.

Abu xafsa ayaa waxaa kale uu ka hadlay maraaxishii uu soo martay Ururka Al-Qacida wuxuuna si cad u sheegay in halgan aysan ummadi ku wada jirin aysan guuleysan karin  waxaana sheegay in ay  ku xukuman yahay  guul darro wuxuuna tusaale u soo qaatay shacabka Masar,Libya,iyo Tunis oo xukunka ka tuuray madaxweynayaashii dalkaas heystay

محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني ayaa waxaa kale oo kuu ka hadlay in qaar ka mid ah hogaankii Al-Qacida ay ka soo horjeedeen weerarakii Alqaacida ay ku qaaday dalka Mareykanka 11Sep wuxuuna ka xusay Sh Abu Khayr Al-Masri ,Abu Maxamed Al-Masri iyo Abu xafsa AlMasri oo ahaa ninka labaas ee Ururka Al-Qacida wuxuuna sheegay in isaga laftiisu uu ka soo horjeeday 11Sep .

Wareysiga محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني ayaa waxaa uu ka kooban yahay laba xalaqood  oo ay sii deysay AlJazeera .Abu Xafsa AlMuritaani ayaa waxaa uu Mareykanka dul dhigay lacag aad u tiro badan  haatana wuxuu ku nool yahay dalka Muritaanaya isaga oo sheegay in ka baxay Ururka Al-Qacida

Abu Xafsa Al-Muritaanii ayaa dhalinta saxwada uga digay ugana naseexeeyey Takfiirka ,Dhiiga Muslinka ,iyo in ay galaan dagaal aysan umada ku wada jirin .

Qeybtii kowaad Wareysigii محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني Tv Al-Jazeera la Yeeshay Hoos ka Daawo.
<Hoos ka Dhageyso Qeybtii labaad ee wareysigii Tv Al-Jazeera la Yeeshay محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني


Aljazeera.
Waxaa tarjumay Cali Muuse Faarax
Abu Cabdulaahi

9 Comments so far

Leave a comment

  1. A/s
    Marka hore waan idin salamay bahda Halgen.net iyo akhristayashisa intaba
    Salaan kadib waxaan raba fikirkayga in ku soo bandhigo marka hore anigoo yar ayaan xadith nabigena yiri NNXH oo ah (Qofka inta uu sameeyo camal khayr marka danbe inta kitabkisa ka hormaro camal ahlu nar sameyo oo sidaa naarka ku galo qofna inta camal ahlu nar sameyo kitabkisa ka hormaro camal ahlu jano sameyo sida Jana ku galo sidii nabigu u yiri) waxaan is oran jiray kitabka haddii uu ku xiran tahay cibadadu maxay taraysaa ilaa aan arkay riwayad ku daraysa halka qofka camal ahlu jano sameyo sida dadka u muqata midna camal ahlu nar sameyo sida dadka u muqato oo ah nina is tusnimo camal khayr u samayn jiray ilaahayna markii cimrigisu dhawado dadka ku fadexadeya oo camalkii uu qarsanayey soo bandhigo oo khatumo xumo ku dhinto midna camal xun samayn jiray laakin uu lahaa acmaal kale oo ilaahay ku cafiyey kadibna camal ahlu khayr ku khatimay.
    Taas waxaan ula jeda Alqacida maanta ayaan gudaha ka fahmay waan la yaabanaa waxa ay isku raacen laakin waxaan maanta bifadli sheikha ku ogaday kolay khayr kama marna aduunka oo dhan ayaa leh koox walba mutadarif iyo muctadil marka waxaan oran lahaa inta somaliya u soodiren waxay ahayd intii nasca takfir ka buuxday waxaana qaba sida sheikha shuruda jihadka in ay tahay natijadisa oo koox faraha lagu tiriyo ayna oran wadan baan badalaysaa ay dulqatan inta dadkan isbadalayan oo dacwada wadan shardi maaha in natijada adiga aragto waxaa shardi ah in xumaantana la reebo wanaagana la faro maraxilkii uu Suubanuhu soo maray waa in la mara durufihi isaga haystay haddii la helo oo ah dacifnimo
    bilaahi tawfiq
    Mida kale waan u mahad celinayaa Halgan wacyi galinta iyo wixii dadka anfacaya

    Ismail

  2. alahayoo nafahnsii diintaada oo xaqa nagusu

  3. Asc

    Halgannet Mahadsanidiin.

    Qofkii Cilmi iyo Caqli saliim ah leh, waa uu ogaay in aysan Alqaacida iyo inta ku fikirka ah, diinta islaamka ka beensheegaan. balse aysan aqoon u laheeyn waxa xalaasha ah iyo waxa xaaraanta ah, marka laga reebo in ay afka ka sheegaan.

    Qofka muslimka ah waa in ay la weeyntahay Diig la daadiyo, marka xarakaadka inta badan sheegta in ay jihaad wadaan haddana marka xoogooda la weeqo dhaho waan ka soo laabanay, dhaba toosan ma,aheeyn. warmarka aad xooga laheeys ee wax laguu sheegayay maxaad u qaadan waaysay waxa dhabta ah ee xaqa ah ee Culumada iyo muslimiinta kugu Naseexeeyeen. marka la wiiqay in uu kolba nin waa kabaxay uu dhaho waa naf jecleeysi ee ma,ahan in uu is badalay.

  4. Is baddallo waaweyn ayaa ku dhacey Alqacida welina waa ay socdaan is baddallada. Sheekhaan hadalkiisa intii la miyirka qabey oo marxalatu tanthiir iyo mas,alada u qiil deyiddeeda sharciyeed ayuu ku saabsanyahey. Hadda xaaladdu heerkaas way ka gudubtey oo al siraac min ajlil baqaa ayaa loo halgamayaa.

    Duruufta dagaalka iyo sidee naftaada u maareysaa? Sideed gaarigaan aan fariinka laheyn ood saarantahey u xakuntaa isteerinkiisa adiguna aad u noolaataa wuxuu marayo yeelkadiise weeye arrintu!

    Taas waxey keentey in ururku uu tajniidiyo da, yar cusub oon diin iyo waayo aragnimo midna laheyn oon su,aal ka keeni karin waxa loo dirayo. Xaashi cad oo wixii la doono lagu qori karo ayaa loo baahanyahey.

    Waa arrintii ay sameyn jireen qabqableyaashii Galbeedka Afrika. Ciyaalkaas yar yarkaa iyo ruug caddaa aan joogin meel uu ka noqdo oo qaamoobey weeye Alqacidee yaad cajalad u rogeysaan horta?

    Ma Sh.Xasan Daahir iyo Sh.Jaamac Cabdusalaam ayaan ogeyn baad is leedihiin waxa wadaadkaan ogyahey?

    Way ogyihiine waxoodu waa “qod u badhey” oo laga wado ku ahaadey tane oo danbaa tiriye iska daa!

    War iyo dhammaantiis nimankaas gaari aan fariin laheyn baa la fakadaye inta gaarigaas aan saarneyni haka faa,iideysato walba xikmaddaan mujarribka!

  5. asc waa sidda uu sh sheegay waana in la iska daayo dhobka iyo wax yaala bdn ee lagu jiro hadda waana in ay alshabab ilahay ka baqaan isna daayaan dhiiga ruux muslim ah halgana.net iyo maamulka waad mahadsan tahiin kun jeer ilaahay ha idinka siiyo ajir aamin waana in lagu qaano qaato dhalinta ay qaaday xamaaska jihaadka sh ilaahay ayaa xaq tusay waana u halbalyaynayaa sh waligaa kunoolow cimri dheer iyo cbdo suban

  6. walaalaha halgan waxaan kacodasanlahaa inay waraysiga sheekh abuxafsa ay webka kasaraan meel jooto ah oo marwalba dadku kadaawan karaan

  7. Assalmucalykum dhamaan walalah dalacda bogaan, waxaan jeclaan lahaa in aan usoo jeediyo waalaha qora bogaan in ay waraysiga shaykha dhamaantii iyada oon aan eray lag tagin loo turjuma dadka soomliyeed dhamaantood .
    shayku cilmi farbadan ooloo bahanyahay in dadka loosharaxo yuu kahadlayaa dadakuna mawada fahmi karaan afka caribga .
    gaar ahaan sababha sheyku ku saleyey sharci dardii sep,11 fikirkiisa xaalda dalka mali oo aad ugu eeg kan soomliya dimuqradiyada iyo waxa islaamku kaqbo iyo sida laysu waa fajin karo , iyo tan ugu muhiimsan oo ah mowduuca galaysiinta “takfiiri” aad baan ugu helay shiekhu markuu soo qaaday hadlkaii mujaahudul casri shiekh cabdalla cazaam oraahduu ka yidhi takfiirka. markaa fadlan shiekh abu-xafsa al-murutaani maahan shiekh iska hadlaya oo casiiriyo xalwoka dhargay waa mujarib caalim ah oo in wax lag barto aad u mudan waxaan aad u jeclaan lahaa in warsigaa loo soomaliyeyo dhalinta xamaasdaysan ee intoo badan jecel u hiilanta diinta islamka lakiin ay ka khaldanthay wadada saxdaa ee loo mari lahaa. ilahay haka aabaalmariyo sheikha waxii uu madaan usoo qabtay.

  8. A.W.B.AAD WAXAAN OOGU MAHAD CELINAYAA HALGAN.NET
    ALAAH WARYAA FAHAMSIIYAH KUWAAN ANAAHIIDA DIINTA LOOGA DHIGAY IN AY DIINTA BARTAAN.SI AY UFAHMAAN XAQIIQADA

  9. yaa ilaahanaa tolow ninkaan maxay ku dhihi doonaan raggii xamaaseysnaa ee alqaacida lafaha ka galeen,Abu xafsin-almuritaaniyi ilaahay ha waafajiyo sawaabka rajul cilmi iyo khibrad isku darsadey iska dheh, oo aanay dabaylaha iyo duufaanada xamaasaddu gilgileyn bal u fiirsada mawqifkiisa jaadka ee uu ka qaatey camaliyaatka alqacidda ee caalamka islaamka iyo caalamka gaaladaba, xaqiiqo ahaan waa mawqifkii uu hore u qaatey hogaamiyihii hore ee alqacidda al-sayed Imam (abulfadal)ee isaga tegey alqacida horraantii sagaashameeyadii, ka dib markii uu ku qanci waayey usluubkooda jihaadka ee waliba uu qorey kutubbo badan oo uu ugu naseexaynayo markii wax laga maqli waayeyna uu isaga tegey, illaa madaxyaweyntii alqacidda sida ayman dawaahiri uu ku sheegay inuu yahay mid gaalada u nuusrenaya oo risaalaadka uu qorey ay Amerika wax ka ogeyd sheekhaas aflegaado loolama harin waa al-sayed Imame.

    laakiinsheekh abu xafsah al-muritaaniyi mawaaqiftiisan xaqiiqo ahaan daba socda kuwaas assayed Imam ma jiro cid ku aflegaadeysay oo jaajuus iyo mid mukhdil ah ku sheegtay, tolow alqacidda dadka ma kala xigsadaan, mise waxbaa iskaga qasan labo nin oo isku fikir ka qaba mawaaqiftooda ayaa midna ay jaajuus ku sheegeen midna aan af loo kala qaadin, hadiibase aysan hore jaajuus ugu sheegin hadda ma ku sheegi doonaan, mawaaqiftiisa baraahiinta cadcadi ka muuqdaan.

    1-wuxuu qirey in qaabka jiaadka ee alqacidda uusan mid waafaqsan dawaabidda islaamka khaasatan markii tilmaamayey axdaathtii 9/11 ee weeraradii mareykanka lagu qaadey oo lagu laayey dad madiniyiin (shacab) ah oo aan shaqo ku lahayn dagaalada.
    2-wuxuu sheegay in jihaadku uusan ahayn jihaad xaq ah hadii uusan xaqiijineyn ahdaaftiisa alle ugu tala galey, kaasoo ah in kelmadda alle kor noqoto
    3-wuxuu qirey in jihaadku aanu ahayn oo kaliya wax la dilo iyo wax la dumiyo.
    4-wuxuu qirey in axdaathtii sep-11-2001 ay ahayd ballan ka bax oo kuwii fuliyey ay ka baxeen ballantii ammaanka ee la siiyey, isagoo ballantaasna ay ahayd fiisooyinkii iyo dalkugalkii ay haysteen, waxaa kaloo sheegay in ay usoo bandhigeen mafaasidda ka dhalan doonta weeraradaas oo uu sheegay inaysan noqon doonin oo kaliya gantaalo meelo lala beegsado ee ay noqon doonto weerar lagu qaadi doono imaadii islaamka ee afgaanistaan iyo ka takhalusitaan lagaga takhalusi doono dawladda islaamka ahayd ee daalibaan waxaase waxaas oo dhan ku adkeystey ayuu yiri hogaamiyihii alqacidda (usama bin laden) oo sheegay in wixii diin ahaan uu ugu qanco aysan jirin cid ka hor istaagi karta.
    5-waxaa kalo sheegay in ballankii looga baxay xukuumadii talibaan ee martida loo ahaa taasoo buu yiri ku amartey alqacidda inaysan marnaba fulinin afcaal ama camaliyaat aysan daliban ogeyn, sida muuqatana alqacidda ballantaas way ka baxeen oo lamaaney socodsiin daalibaan camaliyaatkii ay ku qaadeen mareykanka sep-11-2001.
    waxaa kaloo uu sheegay inuu waligiis kasoo horjeeday afcaasha noocaas oo kale ah iyo in lagu baxo oo dagaal musallax ah lagaga hortago xukaamta muslimiinta iyadoo aysan faaiideyneyn waxaan dammaar iyo baaba,a ka ahayn.
    wuxuu ugu dambeystii ka hadley inuu alqacidda kaga soo horjeedo gulufka iyo dagaalada ay hadda ka abaabulayaan waddanka galbeedka afrika ku yaal ee Malli, si aysan u noqonan soomaaliya iyo afganistaan, masoo koobi karo walaalayaal waxyaabaha uu sheekhaas ka hadley ee ku aadan afkaarta alqacidda waa cajalkiisa oowaade , hase ahaatee sidaan hore usoo sheegayba maxaa laga rabaa oo loo aflegaadeynayaa amaba loo laynayaa culimada soomaaliyeed markay ka hadleen fikirkaan caqiimka ah ee afraaddiisii ugu sarreysayba ay ka qeylisay ee ay isaga carareen, tusaale ahaan ninkaan wuxuu ahaa xubintii ugu sarreysey ee lajnada sharciga ee alqacidda iyo sidoo kale rag kale oo kusoo xigey intuba waa la maqli waayey hadalkoodii markii ay waxyaabo badan ka digeen oo ay ugu weyneyd axdaathtii sep-11-2001, ilaa imikadana ay ku dhawaaqayaan illaa sheekhaan abu xafsa uu isaga baxey ururkaas , sidoo kalana raggii ka horreyey sida al-sayed Imam ay iyagana ka baxeen urka, saw marka ma muuqato in wuxuba yihiin hawal-nafsi oo cidii ra,yigeedu la qumanaataba ay sameyn waxay doonto, midaase ummad dhan oo caalamka ka jirta ma lagu hogaamin karaa, alleylehe xaq waa dilaacey waxa soo socda ayaana ka badan sida aan rajeyneyno ee ninkii cimrigiisu ku simow shaahid ha u ahaato naftaadu

Leave a comment

*