Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho
October 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa maanta Shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho wuxuuna ka hadlay howlgallada ay Ciidamada huwanta ay ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose iyo fatahaadda Webiga Shabeelle .
Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay degan tahay waxaana uu baaq u diray dagaalyahanada Al-Shabaab isaga oo ugu baaqay in ay qoriga iska dhigaan nabadna qaataan .Col Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu intaas ku daray in ciidamada AMISOM ay ilaalin doonaan hantida Shacabka.
Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa waxaa kale uu ka hadlay fatahaadda Webiga Shabeelle iyo khasaaraha uu gaarsiiyey shacabka ku dhaqan B/weyne wuxuuna sheegay in ciidamada Jabuuti ay ee ka mid ah AMISOM ay ks qeyb qaadan doonaan gargaarka shacabka B/weyne.
Ciidamada Al-Shabaab ee ka baxay magaalooyinka Kismaayo iyo B/weyne ayaa sheegay in aysan ciidamada ku sugan B/weyne iyo Kismaayo aysan nabad ku joogi dooni waxaana goodigaas uu ka yimid shalay Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere)
Cabdi Yare
Halgan.net