Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo ka hadlay howlgalo ka socda Kismaayo
October 24, 2012 - Written byKismaayo:-Afhayeenka Ururka Raaskamboni C/naasir Seeraar Maax ayaa waxaa uu ka warbixiyey howlgalo ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu sheegay in la soo qabtay 70 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay yihiin Al-Shabaab
Afhayeenka Ururka Raskamboni C/naasir Seeraar Maax ayaa beeniyey in wax dagaal ah uu ka dhacay magaalada Kismaayo wuxuuna meesha ka saaray sidoo kale in ciidamada Kenya ay xirxireen Culuma,udiin ku sugan magaalada Kismaayo
Idaacadaha iyo websiteyada qaar kood ayaa waxay faafiyeen ayuu yiri in qaraxyo iyo dagaalo ka dhaceen magaalada Kismaayo warkaasna meesha ay ka soo xigatay ayaa laga rabaa Idaacada VOA ayuu yiri C/naasi Seeraar Maax oo markaas wareysi siinayey VOA qeybta Afka Soomaalida.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar Maax uu siiyey VOA-da
[audio:rtsp://realaudio.rferl.org/voa/SO/manual/2012/10/24/1e860720-1818-4687-9952-59ccf2cb933d.mp3]