Al-Shabaab oo ku dilay Degmada Baardheere Maxamuud Ibraahim Nuur

October 31, 2012 - Written by

Baardheere:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku dileen duleedka Degmadaas nin xoolo dhaqato ah oo si weyn looga yaqaaan Degmada Baardheere.

Al-Shabaab ayaa ninkan ay toogteen waxay ku eedeeyeen in uu xiriiri la lahaa ciidamada DFS waxaana ninka la dilay magaciisa lagu sheegay Maxamuud Ibraahim Nuur .Ehelada Maxamuud Ibraahim Nuur ayaa beeniyey in wiilkooda uu wax xiriir ah la lahaa ciidanka DFS iyo kuwa Kenya.

Ma aha markii ugu horeysay ay ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay si gaadmo ah ku dilaan dad ay ku tuhmaan in ay xiriir la leeyihiin ciidanka DFS .


Cabdi Yare

Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,071 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>