Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon
October 17, 2012 - Written byMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen Xildhibaanada baarlamaanka JFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon waxaana kulanka maanta ka soo qeyb galay 215 xildhibaan .
Raysul wasaare JFS Cabdi Faarax Shirdoon oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay inuu xooga saari doono arrimaha amniga , xiriirka arrimaha dibada, iyo la dagaalanka musuq maasuqa wuxuuna balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa khudbad kooban isna ka jeediyey golaha baarlamaanka wuxuuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo magacaabay ka dib wada tashi badan uu la sameeyey waxgarad iyo siyaasiyiin wuxuuna sheegay in Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu u rajeynayo in xukuumadiisa ay noqoto mid wax ka badasha xaalada dalka .
A/Cawale
Halgan.net