Ciidanka Booliska Kenya oo weeraray guri ku yaal xaafada Majengo ee Mombaza

October 28, 2012 - Written by

Mombasa:-Ciidamada Booliska ee magaalada xeebta ee Mombasa ayaa barqanimadii maanta waxay weerar ku qaadeen guri ku yaala xaafada Majengo ee magaalada Mombasa halkaas oo ay ciidanku sheegeen in ay ku jireen rag rabay in ay weeraro ka fuliyaan gudaha magaalada Mombasa.

Taliye ku xigeenka madaxa dambi baarista Booliska magaalada Mombaza John Gachomo ayaa sheegay inay barqadii maanta magaalada Mombasa ku dileen labo nin ka dib markii ay rasaas is dhaafsadeen ciidanka Booliska waxaana uu sheegay in raga la dilay ay ku lug leeyihiin weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Ciidanka Booliska oo kashanaya kuwa Melatariga ayaa xiray dhamaan isku socodka xaafada Majengo waxayna ciidanka xoog ku galeen gurigii laga shakisanaa iyaga oo soo bandhigay hub kala duwan oo ay ka heleen guriga.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,085 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>