Ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay magaalada Kismaayo
October 1, 2012 - Written byKismaayo:War hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Raaskaambooni iyo ciidanka dalka Kenya iyo ay bilaabeen in ay gudaha u soo galaan magaalad Kismaayo wallow ay labo jiho ka soo galeen magaalada dhinaceeda Waqooyi iyo Galbeed.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalad Kismaayo ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ay ciidamo ka tirsan kuwa Raaskaambooni ,ciidanka Kenya iyo kuwa DFS ay arkeen iyagoo dhex soconaya magaalada walow dadku ay aad uga taxadarsan yihiin oo ay ku sugan yihiin guryahooda iyo gooba hooda ganacsiga.
Ciidamada huwanta oo wata gawaari Tikniko ah ayaa waxay haatan ku sugan yihiin xaafadaha Faanoole ,Calanley, Guulwade waxayna xireen dhamaan wadooyinka la iska gudbo xaafadahaas waxayna haatan u ruqaansadeen xaafada Farjano. Waxaa laga maqlayaa maagaalada Kismaayo Rasaas ay kor u ridayaan ciidamada maanta gudaha u soo galay magaalada ilaa haatan wax iska caabin ama dagaal ah lama soo sheegin balse waxaa la wada dhowrayaa wixii soo kordha.
Cabdi Yare
Halgan.net