Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo tababar loogu soo xiray magaalada Garoowe(Masawiro)

October 22, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu tababar u soo xirey cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland waxaana tababrkan uu socday mudo dhan 4 bilood iyada oo tababarka uu ka socday xerada ciidanka daraawiishta ee 54-aad ee magaalada Garoowe.

Ciidamada maanta loo soo xiray tababarka ayaa waxaa la gudoonsiiyey qaarkoood Shahaadooyin waxaana tababarka bixinayey saraakiil ka tirsan dalka Itoobiya.Xaflada loogu soo xiray ciidanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo ka tirsan dowlada Puntland waxaana ka mid ah  Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Taliyaha ciidamada melatariga Jen Siciid Maxamed Xirsi ”Siciid Dheere”,wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,taliyaha Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ,qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Mr.Asmalash Walde-Meerat .

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa khudbad kooban u jeediyey ciidamada maanta loo xiray tababarka  waxaana uu sheegay in dowlad aysan dhisnaan karin hadaan la helin ciidan adeg oo ilaaliya,wuxuuna ugu baaqay ciidanka in ay u diyaargaroobaan difaaca deegaanada Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay leedahay cadow kala duwan .

no images were found

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jen Siciid Maxamed Xirsi ”Siciid Dheere” ayaa goobta ka hadalay wuxuuna sheegay in ciidanka uu qaatay tababar kala duwan wuxuuna ku booriyey in ka run sheegaan tababarkii iyo aqoontii ay kororsadeen difaacaana dalkooda.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online