Daawo qiraal ay sameynayaan kuwii wax ka fuliyey dilkii Sh Ahmed Xaji [Qaybta 1aad]
October 26, 2012 - Written by
Boosaaso:-Shabakadda warar Halgan.net ayaa waxaa ay idiin soo gudbinaysa Baraamijkii 1aad oo ah Video ay qiraal ku samaynayaan qaar ka mid ah kuwii wax ka fulyey dilkii allaha u naxariis tee Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay diyaariyeen gudi madax banaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xulay in ay sameeyaan baaritaan ku aadan cid ka danbaysay dilka Shiikh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.
Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa Video-gan waxaa soo gaarsiiyey gudigii baaritaanka madaxa banaan ee baarayey dilkii Sh Dr Ahmed Xaji oo iyagu soo afmeeray Howshii loo igmaday maalin ka horna saxaafada kale duwan ee soomaalida u qaybiyey war saxaafeed wata sawiro iyo warbixin ku aadan kooxdii dishay Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan inta la qabtay iyo weliba dhagarqabayaal iyagu baxsaday oo weli lagu daba jiro. Video-gaan ayaa ah qaybtii 1aad haddii alle idmana waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybta 2aad ee ha moogaanina.
Hoos ka Daawo Video ay gacan ku dhiiglayaal loo qabtay dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji [Qaybta 1aad] oo Halgan.net soo gaaray
Waxaa diyaariyey:
Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso Halgan.net

.gif)

