Daawo qiraal ay sameynayaan kuwii wax ka fuliyey dilkii Sh Ahmed Xaji [Qaybta 1aad]

October 26, 2012 - Written by

Boosaaso:-Shabakadda warar Halgan.net ayaa waxaa ay idiin soo gudbinaysa Baraamijkii 1aad  oo ah Video ay qiraal ku samaynayaan qaar ka mid ah kuwii wax ka fulyey dilkii allaha u naxariis tee Shiikh  Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay diyaariyeen gudi madax banaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xulay in ay sameeyaan baaritaan ku aadan cid ka danbaysay dilka Shiikh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa Video-gan waxaa soo gaarsiiyey gudigii baaritaanka madaxa banaan ee baarayey dilkii Sh Dr Ahmed Xaji  oo iyagu soo afmeeray Howshii loo igmaday maalin ka horna saxaafada kale duwan ee soomaalida u qaybiyey war saxaafeed wata sawiro iyo warbixin ku aadan kooxdii dishay Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan inta la qabtay iyo weliba dhagarqabayaal iyagu baxsaday oo weli lagu daba jiro. Video-gaan ayaa ah qaybtii 1aad haddii alle idmana waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybta 2aad  ee ha moogaanina.

Hoos ka Daawo Video ay gacan ku dhiiglayaal loo qabtay dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji [Qaybta 1aad] oo Halgan.net soo gaaray

Waxaa diyaariyey:

Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso Halgan.net

 

24 Comments so far

Leave a comment

  1. asc www waa arin farxad iyo dhiiranaanle intii ka qayb qaada tayna ilaahay miisaanka xasanaatka ha ugu daro ani waxaan wataa feker ah in culimada soomaaliyeed ay ka gaabsatay dhibka somalia kajira dhamaan culimada ugu magacaweyn somalia weli qof arimaha noocaasa ama dadkan fekerka qaldan wax ku dilaya oo ku halaagaya umada masaakiinta ah weli ma aanan arag shiyuukhdeena shiikh cambaaraynaya shiikh dhahaya fekerkan waa mid qaldan sidan waa waxaan diin sal iyo raad ku lahayn ilaa laba shiikh mooyaane iyaga laftooduna aan cadayn badan iyo baraarujin shacab muujina labadaa shiikh oo ah shiikh umal iyo shiikh shibili xafida hulaah ilaahay dembigooda hadhaafee waxaan leeyahay culimada soomaaliyeed haka qayb qaadato baraarujinta iyo sheegista xaqa iyo in qolooyinkan magacyada wata aanay ahayn woxoodu wax sal iyo raad kule diinta silaamka ilaahay dhamaanteen quluubtooda ha hagaajiyo hana tuso xaqa asc www

  2. laba hadal baan aad ula yaabay dr axmed xaaji baa jaajuus ahaa subxanalaah oo dadka caalamka jooga oo dhan wad wada jawaasiisee agah cidiba bad badimayse markasee

    w=laain waxan layabay wilku waxa uu leyahay magaciisa xarakigaa qofkii intaas gahma ha iga soo cawiyo

  3. Walahi aniga oo horay u yaqinsanaa ayaan markale ka naxay oo gaas ayaa igu dhiftay subxanalaah walaxawla wala quwata ilaa bilaah

  4. ac
    Lakalxamdu kamaayanbaqii lijalaaliwajhiga wacadiimisuldhaanika yaarabbi.
    intaa ka dib waxaan u mahadcelinaynaa maamulka puntland,beesha leelakase,gudigan howshan filiyay iyo shaqaalaha Halgan.net dhamaantood.Runtii waa soo baxday,dhagarqabayaashiina waan ogaanay, waxaana rajaynaynaa in dhalintaa falka fulisay ee la qabtay looladhaqmo si xigmadaysan,danbiilayaashii falkan soo amrayna lagu dadaalo sidii falkoodan laagu ciqaabi lahaa.
    Suaasha iswaydiinta mudan waxa weeye;ummada soomaaliyeed yaa u maqan?
    wc

  5. ascw walaalaha halgan alaha idin xifdiyo walaal waa dadaasheen walaal waxaan idinku waanin lahaay in arintaan loo qeeybiyo wabsaaydyada kale ee soomalida aad u aqrisato si loo ogaado dhacdadaan, waaxaan ilaah ugu mahadinayaa in ilaah ducadii aqbalay shabaab aay fashilmeen sanad gudahood insha alaah dhabargooya

  6. a/s/c qisadaan waxaa ka muuqata arin u eg xaqiiq waana wixii allaah laga baryey markii shiikha la dilay , dhamaan dadkii kahadlay waxay allaa weydiisteen inuu soo shaacbiyo dhagarqabayaasha arxan laawayaasha ah , iyo cidii ka dameysaba , waxaa kaloo la isku waafaqay xiligaas in cidii dishay shiikh ay tahay mid diin la aan ah islaamkana la daagaalamysa , gaaladna u shaqaynaysa , waxaad fiirisaan oo dhagaysataan hadaladii :
    1- hadalkii culimada al ictissam :
    2- hadalkii xarakada al shabaab
    3- hadalkii dawlada puntland
    4- hadalkii majmaca culimada soomaaliyeed
    NB dhamaan waxaa la isku raacay cida shiikh dishay in allaah soo saaro oo cadeeyo ayna dulmiilayaal yihiin ,
    NB hada arintii ma dhacday ?

  7. waxaan aad ulayaabay wiilashan leh falkii foosha xumaa ilaahay ha unaxariisto hadana lehw aan dilnay ilaahay baa xaqiqida og sheekahan ilaahay ha unaxariisto

  8. ومكروا ومكر الله والله خير الماكرين

    waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ugasoo jeedinyaa dhamaan shaqaalaha shabakada HALGAN aniga oo leh illaahay haydiin barakeeyo cimrigiina, caqligiina ,cilmigiina iyo camalkiinaba.

    walaalayaah waxaad ku jirtaan jihaad adag ilaahayna idin mahoojiyo waayo haysaan hawl adag oo aad uxiiso galiyay bulshada soomaaliyeed.

    hadaan kusoo dhawaado kalmada aan rabo in aan kadhiibto commentigan waxaan ku raacsanahay kalmadii uu yidhin qofka kamid ahaa dhiibtaayasha fikradiisa oo yidhi waa qisadii xajaaj iyo siciid bin jubayr oo kale waa run illaahayna ku salidi doo alshabaab sh dambe oo xaqa ugargaaraya in sha allaah.

    walaahi aad ayaan ugu faraxsanahay in aad hawshan adag dhabarka uridataan waxaa kale oo aan ana dhiibanayaa codsi ah in lasoo daayo codka shaydaamada isku xidhka waday allaah ayaan waydiisanayaa in uu abaalkeeda mariyee

  9. ACWW: allaahu akbar kabiiraa! allahu marxam ustaadanaa sh axmed warsuqhu jannaatukal firdowsil aclaa!

    jazaahumullaah walaalaha iska xilsaaray hawshaan muhiimka ahayd ee xaqa loogu nusrinayo! waa in meel loogasoo wada jeestaa daalimiinta falkaan ka dameeyey, kuwa lahayona laxukumaa sida islaamku qabo, kuwa maqanna lasoo qabtaa sida kan Malesia lagu sheegay waa in maamulka puntland iyo kan dawladda dhexeba la xiriirto Interpol iyo dawladda malesia iyo safaaradda somaalida si loosoo qabto dembiilahaas loona mariyo sharciga wayna fududahay i.allaah, shacabkuna waa inuu ka qayb qaataa, guddigana xoog ha saaraan i.allaah wayna sahlan tahay maanta aduunku waa tuulo.

    wajizaakumullaah kheeyr

  10. TO FAARAX walaale nimanku way qaldanyihiin laakiin yaan lagu talaxtagin iyagaa lagu haystay quluwi iyo tdharuf inana aan iska ilaalino inaan iyaga karkaarka waydaarino, calaakulixaal hadii ummadu iskaashato culumadeedana waxka maqasho sifudud ayaa looga adkaan karaa kooxdan dhiigyacabkaa

  11. sheekh Xasan waxaan oran lahaa ma cadayn keen koley cadaaladaada aragnayee ama ka soo noqo khaladaad badan oo aad afka ku gashay haddii aysan suurto gal ahayn in wacdiga iyo waanadu iyo xaqiiqdu xaqa ku waafajiyaan yaa rabtaa inta wax u sheegto inuu waanadaada qaato, horta si adiga wax lagaaga qaato khaladkaaga iyo kuwa aad taageerto waa in aad cadaysaa oo qirataa inaad ka soo laabatay oo waliba ka toobo keentaa wax badan oo ku duuban cajaladahaaga haddii kale sidee sheekh xassaan ku doonaysa inaa khamdri cabem, qaad cuno Zino ku jire inta aad wacdisid ay warkaaga qaataan adiguba xaqa waad ka warwareegaysaaye

  12. فقطع دابر القوم الذين ظلموا والحمد لله رب العالمين
    waxaan aad ugu faraxsanahay gacan ku dhiiglayaashii inay maanta intooda badan lahayo ama la aqoonsaday. qof kasta oo yaqaanay sh.dr axmedna wuu ku farxi. waxaan rajaynayaa in ilaahay kitaabkiisa la horkeeni doona lana marin doono waxay ku mutaan.
    doolaala gacan dheer intaan daabada u fuulo ..dakanadayda waan gudanaya dirirna waa koweeeeeeeeeeeee.

  13. EEID MUBAARAK
    Runtii BEESHA shiikha uu ka dhashey waa lala yaaban yahay sida ay uga miro keentay
    1- Dilkii Dr Sh Axmed Xaaji C/raxman
    2- Dilkii Nabadoon Xasan waloore
    3- Ragii looga laayey Masaajida
    4- Maalinkii Jimcaha iyo Cajalkii Been abuurrka ahaa
    Waa BEEL aan cidna gardareysa, cidii Gacanta usoo taagtana ,,,,,,,,, viva LTD

  14. Waxaan soo xasuustey markaaan clip kaan daawadey, Qisdaa raggii dilay Cali Bani Abi Dalib, oo ninii dilay uu Habenkii oo dhan Salaatu leyl u taagnaa oo Allah uu ka baryey inuu Cali dilo, sababtoo ah ninkas wuxuu u heystay in Cali uu ahaa Shaqqi mudan in umadda laga qabto. Calina wuxuu odhan jirey meeyey Shaqigii idililhaaa Ileyn horey baa Rasuul صلى الله عليه ugu sheegay in nin Shaqi ah uu dili doono.
    Walaalaha Halgan waxaan ka codsan in taariikhdaas laso bandhigo iyo meelaha ay iska shabahaaan

  15. ASC wiilashaan yar yar oo la qabtay ma xuma, laakiin maxaa loo sheegi waayey raggii waa weynaa ee dhagartaan soo maleegay? Waxaan u baahan nahay inaan ogaano waxbadan oo ku saabsan howshaan.
    Silsilada ma dhameestirna
    1- Waliba ninka ama labada nin ee GACANTA geestay waa muhiim magacyadooda
    2- Silsilada sidey iskugu xiran tahayna waaa muhiim min fulaan ilaa fulaaan.

  16. As. Ca. Allaah ayaa mahadsan kaibna gudiga farsamada, marka 3aad-na reer Halgan.net.

    Waxaa la sugayey waqti dheer, waase yimid, waxaana sugaynaa qeybta 2aad ee ah dhamaystirka in ay dadku daawadaan.

    Dad qalatadii waxay u guurtay Ducaad qalato, waxaase iiga muuqda dhawr qodob:
    1) Takfiir kula tukanaya, salaadana kugu xidhanaya dilkaagana Allah ugu dhawaanaya.
    2) Diinta oo loogu gargaarayo in la dilo dadkii yaqiinay ee fidinayey iyo dagaal lagula jiro culimada diinta taqaan oo caamo ku jihaadayso.
    Waxaan xasuustay hadal uu yiri hada kahor Ibraahim Afgaan oo ahaa : Jihaadka waxaa wadi kara Caamo iyo Caruur.
    3) Qolada dishay Dr. Axmed ee halkan lagu soo bandhigay waxay jilayaan waxaan horay uga aqriyay kitaab uu qoray Abubakar Naaji oo lagu magacaabo ( إدراة التوحش) oo sheegaya in dhamaan ururada Islaamiyiintu yihiin khawano mudan in la dilo waxii aan ahayn Al-qaacida.
    4) Waxaa kale oo aan ka arkaa dhaqanka ay qiranayaan wiilashani waxii horay uga dhacay Al-jeeriya ee uu wax ka qoray Abuu-Muscab Al-suuri kagana sheekeeyay sida culimada loogu laayay qaab u eg midkan.
    5) wadaadkii wiilashan u fatwooday dilka culimada uu kamidka yahay Dr. Axmed waxuu u egyahay ninkii horay ugu fatwooday nimankii Jazaa’ir ee aan soo sheegay laguna magacaabi jiray Abuu- qataada Al-filastiini

    Waxaan filayaa in aan wali fari ka qodnayn waxay rabaan qolada dishay ee Allaha fududeeyo, waxaana mudan is waydiin su’aasha ah:

    ( Ma diin difaacba sidani mise waa diin dumin ) ??!!

  17. Walaahi waa fududahay in hadal layska yiraahdo…bal eega hadalad lakala yiri qoloba meel bay saartay
    ILLAAHAY waa ogyahy….
    ILLAAHAY ha muujiyo xaqa Hana fashiliyo kuwa ka danbeeya meelaay joogaanba,
    AAMIIN

  18. NIMANYAHOW WAA CAJAB.NIMANKA DHALINYARADA MA SIXREEN MISE WAXAA DANBIGA LEH WAALIDKII IYO CULUMADII KALE

    DHALINYARAII YARYAREED 100/90 NIMANKAAN AYAY U GALEEN.
    RAGII SOMALIYAA OOGU CILMI BADNAA SISAHLAN AYAA LAGU BANAYSTAY DHIIGOODA.SAHAL!WAA FBI.CIDNA ISDAYDIINMAYSO.HADII AAN KA FAALOODO SABABTA INA GODANE UU CULUMADDA ULAYNAYO,WAXAAN ISLEEYAY.WAXA UU QASANAYO AYUU DIDANYAHAY IN LAGA HADLO.LAAKIIN WAXWALBO WAA LAFISHAAYE,IN UU SIRDOONO KALE OO UMADDA HORMARKEEDA RABIN U SHAQAYNAYO!AMA KHAARIJI XAGJIR AH UU YAHAY.

    LABADAA WAA MID

  19. Kii dili lahaa ayuu ku dhinac tukaday cajiib

  20. ninkii la oran jirey xajaaj ibnyuusus athaqafi maalintii uu diley saciid ibnu jubeyr wuxuu saciid ku yiri waxaan allaah karajeynayaa inuusan qof danbe oo wanagsan kugu salidin, waana ay dhacday in xajaaj asagiina aanu kadameyn saciid ibn jubeyr attaabici aljaliil,allaahu akbar maxaa shalay maanta uga ekaan badan, qisadana qisada uga ekaan badan,

  21. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

  22. asc walaalayaal qeyba kamid ah vedoga wax halaga badalo xag farsamada quraan ayaa daaran oo cod gaaban ah waxaana hadlaayo nin marka waxaa waajib inagu ah in aamusna marka quraanka aan maqlo mana fiicno in laga hormariyo cod makhluuq codka khaaliqa waana mahadsantihiin

  23. Scw, illaahay ajar iyo xasanaad allaha idinka siiyo halgan, dadaalkana sii badiya.
    Runtii waxaan mooday dilku inuu dhacay hadda, waan ilmeeyey, waxaa mahad leh illaah, ducadii muslimiinta soomaaliyeed waa la aqbalay, eebbe waa kashifay shaydaan(shabaab), kuwii soo diray iyo kuwii fuliyey illaah naarta haku fogeeyo, waxaan ka codsan jaalliyada soomaaliyeed ee malaysia inay gacankudhiiglaha surato ay soo qabtaan, weliba reerkiisa ciise maxamuud ha loo adeegsado, waxaan jeclaan lahayn naagta meesha ku jirta oo isku xirka iyo hawsha boosaaso ka waday in codkeeda la soo geliyo ama qaybta 2aad lagu soo daro,
    Waxaan illaah uga baryayaa waa maalin ciid ah, in jana fardowsa fadhigiisa illlaah ka yeello shiikh axmad, kuwii soo abaabulay, fuliyey, qariyey, lacagta iyo gadiidka u fududeeyey (logistico) in uu aduunkana masiibo ku dhacdo oo calaamad alle ka ifiyo aakhira jahanaba xageeda hoose ku waaraan , aamiin aamiin aamiin illaahow

  24. Allaahu akbar waaladabar tiridoonaa alshabaab inshaa allaah waa daalimiin
    Munaafiqiin mulxidiin khawaarij zanaadiqo ah
    Waa mahadsantihiin GUDIGA Allaahu macakum

Leave a comment

*