Dalka Soomaaliya oo maanta oo si weyn looga ciiday ciidul Adxaa

October 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Maxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho waxaana isku soo baxay dadweyne ku labisan dhar aad u qurxoon waaxana aad ka dheehan kartaa wajiyada dadweynaha iyo caruurta farxad iyo reynreyn .Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadii ciida kula tukaday Shacabka Masjidka Weyn ee Masjidka Isbaheeysiga Islaamka.

Salaadii Ciida ee maanta ayaa waxaa masuuliinta u sareysa DFS ay ku wada tukadeen Masjidka Isbaheysiga waxaana uu madaxweynuhu ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan al-Shabaab  inay nabadda qaataan ayna iska daayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan DFS

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa si weyn looga ciiday waxaana saaka ka da,yey magaalada Garoowe roob mahiigaan ah taas oo saamixi weysay in lagu tukado barxada weyn ee magaalada Garoowe.

Goobta lagu tukaday salaada ciida ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ,madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdi samad Cali Shire, Raysal wasaarihii hore Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,Culma,udiin  ,Salaadiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad kooban ka jeediyey goobta wuxuuna ka hadlay arimaha kala ah xaalada DFS ,maamul u samaynta gobalada Jubooyika ,Nidaamka Axsaabta badan ee Puntland iyo waxqabadii dowladiisa intii uu xukunka hayey.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa ka hadlay marka hore in ay Puntland qeybweyn ka ahayd soo dhisida Dowladd Soomaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay  hormuud ka tahay hergalinta Roadmabka iyo nidaamka Federaaliisimka ah .

Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta gobalada Jubooyinka wuxuuna sheegay  in looga danbeeyo arinteeda Dadka degan  gobalada Jubooyinka.

Waxaa kale oo ka hadlay masjidka lagu ciiday Raisulwasaarihii hore ee DFS,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,Islaan Ciise Islaan Maxamed waxayna dhamaantood hambalyo iyo duco u direen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo maanta si weyn looga ciiday magaalada Boosaaso ,Qardho ,Dhahar ,Ceerigaabo,Buuhoodle,Laascaanood Baladweyne Ceelbuur ,Kismaayo iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa maanta sidoo kale si weyn u ciiday waxaana dadweynaha ka muuqaday farxad waxayana isigu hambalyeynayeen ciida adxaa.

Cabdi yare
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

Leave a comment

*