Dekedda iyo airport Kismaayo oo dib loo furay iyo Maamulkii KMG oo shaqo bilaabay
October 16, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta dib loo howlgaliyey Dekedda weyn ee magaalada Kismaayo iyo airport magaalada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada huwanta.
Dekedda iyo airport magaalada Kismaayo ayaa in mudo xirnaa ka dib markii ay ciidamada huwanta ay duulaan ku soo qaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab .
Waxaa kale oo maanta si rsami ah u howlbilaabay Maamulkii ku meelgaarka ahaa ee laga dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose
Hoos ka Akhris Maamulka KMG ee J/hoose
Sheekh Axmed Madoobe———–Gudoomiyaha guud ee golaha sare
Yaasiin Nuur(Raadeer)———————–Gudoomiye ku xigeen
Madaxda gudiga amniga………….Maxamuud Qaalib
Madaxa gudiga dhaqaalaha……….Cabdullaahi Xadhuun
Madaxa Arimaha Bulshada………..Cabdullaahi khaalid
Madaxa Arrimaha samafalk……….Macalin Xaashi
Dhanka kale waxaa ka jira gobalka J/hoose dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Al-Shabaab waxaana lagu arkay ciidamo uu horkacyo Sheekh Maxmed Dulyadeen oo ka mid ah saraakiisha Ururka Al-Shabaab deegaanka Goobweyn ,waxaa kale oo ciidamo daacad u ah Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Beerxaani oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Kismaayo.
Ciidamada huwanta ayaa iyagana sidoo kale wada dhaqdhaqaaq ciidan iyaga oo ciidamo ku hubeysan Tikniko saaka soo dhoobay wadad ka baxda magaalada Kismaayo ee aada dhanka Muqdisho ilaa haatan ma jiraan wax dagaal ah dhacay.
Cabdi Yare
Kismaayo