Dowllada Puntlland oo soo dhaweysay Ra’iisul wasaaraha cusub kuna xirtay Shuruudo (Video)

October 7, 2012 - Written by

Garoowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay dowllada Puntland ayaa waxaa maanta lagu xusay in dowllada Puntlland ay si rasmi ah u soo dhaweynayso Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo lagu naanayso Saacid oo xalay uu magacaabay Madax weynaha DFS Xassan Sheeekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta dowllada Puntland Eng.Maxamud Caydiid Dirir oo saaka kula hadlay saxaafada magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in dowlladiisu ay soo dhaweynayso Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS isagoo saxaafada u akhriyey warsaxaafadeed ka soo baxay dowllada Puntlland waxaana uu u qornaa sida tan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland State of Somalia,  Garowe 7 October, 2012.

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.  Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Soomaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran. Waxay kale oo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Soomaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Soomaliya [Constitutional provisions]  sida:• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya.• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah.• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Soomaliya.

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL
Halgan.net , Garoowe

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online