Guddiga Madaxabaaan ee Baarista dilka Sh.Dr Axmed oo hellay sawirkii Macallin Maxamuud Xassan Cabdullahi
October 27, 2012 - Written by
Guddiga Madaxabaaan ee Baarista dilka sheekha wuxuu u mahad celinayaa walaalaha soomaaliyeed ee had iyo goor la garab tagan hiil iyo hooga, si Gudddigu u gaaro ujeedooyinka loo igmaday, waxaa naga soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh gaar ahaan: Mudane: IAD sawirka Macallin Maxamuud Xassan Cabdullahi oo ah macallinkii dugsiga Quranka ee Masjid Sunnah Garoowe oo ahaa ninkii kaxeeyay dhagarqabe: Axmed Maxamed Cali (Mustaf) ee aad ka daawateen cajalka qiraalka ah, guddigu wuxuu xaqiijiyay sawirkan inuu yahay sawirka ninka ku xusan cajalka, wuxuu kale oo xaqiijiayay in Macallin Maxamud Xassan uu hadda ka tirsan yahay kooxda Amniyaatka ee ururka Al-shabaab.NB: waxaan ka codsanaynaa walaalaha muslimiinta ah inay nagu caawiyaan sawirada ragga hoos ku xusan:
1- Mowliid Maxamed Aaden (Gaashaan ama Cabdiwali)
2- Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar, (Dayax ama Ayaanle) magaca hooyada: Xaawo Maxamuud, ka baxay Dugsiga Sare ee Nugaal secondary School, laascaanood, 2008.
3- Cismaan Axmed-Qaasim aw-maxamed, (Ayuub) ku dhashay degmada Buuhoodle.Fadlan wixii faahfaahin oo aad ka hayso gacan ku dhiigalayaasha la xiriir awaxmad2011@yahoo.com
wadashaqayn wacan
Guddiga Baarista Dilka Sheekha
Guddiga Baarista Dilka Sheekha
Bosaso-Puntland State of Somali

.gif)

