ILaahow na Sug -Sheekh Maxamed Idirs Axmed.[Qaybtii 1aad]

October 29, 2012 - Written by

Alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasuulilah, ama bacdu, Warbixinta ay soo saareen guddigii baaritaanka dilkii Dr Axmed Xaji Allaha u naxariistee, iyo qiraalada dhalinyarada falka ka qayb qaadatay, cibrooyin aad u badan ayaa ku sugan, loona baahan yahay in laga faaiidaysto, waxaan isku deyayaa inaan qaar ka mida oo ii muuqday aan tilmaamo:

1) Qallooca ugu xun uguna khatarsan oo qof galaa waa qallooca caqiidada iyo fahamka diinta..wuxuu qofku markaas illaawaa ama laga daboolaa miyirka iyo caqliga saliimka ah, waxaa laga indha tiraa asaaska diinta iyo xaqiiqooyinka sida qorraxda u cad, wuxuuna diin ka dhigtaa mugdiyo aan la garanayn meel ay ku dhamaadaan, isagoo ka weecanaya diinta xaqqa ah iyo xujooyinka ilaahay ee cad cad iyo wadada toosan ee aan caadku saarnayn..waxaa kuugu daliila, wiilka soo kacay 4 subaxnimo fajarka ka hor, oo masaajidka soo galay waqtigii ugu fadli badnaa, oo doonaya meeshaas dhulka ilaahay ugu jecelyahay, waqtiga ilaahay jecelyahay, inuu dhiiga qof muslima, oo culima ah, oo isla goobtaas kula tukanaya, si gaadma ah, khiyaama ah, fulaynima ah, ballan furya ah, ku daadiyo..qofkaasu wuxuu ku duulayaa sida uu leeyahay, arrin uu diin moodey, laakiin xitaa isaga laftiisa mugdi kaga sugan oo berri ilaahay hortiisa aanu xujja u heli karin aan ka ahayn waa laygu yiri..wuxuu hayaa, xaqiiqo qof hortiisa ku tukanaya, ilaahay u sujuudaya, ilaahay u sooman, culimo ah, daaci ah, masjidka kula jira, intaa wuxuu uga tegayaa kana dooranayaa, war aanu hubin, arag, maqal, oo ah, ninkaasu waa jaajuus, la yaabye: ma kuwa warka u sheegay ayaa nebiya ah oo aan warkooda la diidi karin? Ma isagaa arkay oo yaqiinsaday? Hadiise warkaas wax ka jiro isma weydiin aaway cadaaladii islaamka ee maxkamad soo istaajisey ee ku xukuntay? Qof islaan nimadiisu sidaa u cadahay hortiisa, malagu banaysan karaa arrin god hoosti iyo mugdi lagu soo xukumay? Hadey xaq tahay miyaaney ahayn in bannaanka la keeno? Marka qalloocu kaa galo caqiidada iyo fahamka waxaasoo xaqiiqa ah waad dardareysa, waxaadna haysataa wax xuubka caarada ka liita oo aad diin moodey..sidaas darteed ayuu wiilkaasu ninkii muslimka ahaa ee hadeer masaajidka kula tukadey, dhiniciisa fadhiyey, banaanka masjidka xabbad kula dhacay..subxaanallaah..salaadii iyo sujuudii kama celin..derisnimadii uu dhinaca ku hayey salaadda kama celin..ballantii ilaahay kama celin..da’da uu ka weyn yahay kama celin..Cilmiga uu xambaarsanyahay kama celin…khiyaamada iyo gaadmada uu qofka aad la tukatey kaa aamin yahay oo dhiilla kaa qabin kama celin…wax aan la hubin oo dad sheegay amey been noqotaa kama celin…Allaha subxaanahu watacaalaa arkaya ee uu berri haduu is hortaago wuxuu u sheego garanayn cabsidiisu kama celin..aakhiro xusuusteedu kama celin…intaasoo xuduudo iyo xayndaab ah oo qofka muslimkaa nabadgeliya ma celin..waxa keliya oo qofkaa u muuqdey, oo indha tirey,oo caqligiisi daboolay, waa hawada uu cabbey..innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun….
Mohamed Idris Ahmed

Leave a comment

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online