ILaahow na Sug -Sheekh Maxamed Idirs Axmed.[Qaybtii 1aad]

October 29, 2012 - Written by

Alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasuulilah, ama bacdu, Warbixinta ay soo saareen guddigii baaritaanka dilkii Dr Axmed Xaji Allaha u naxariistee, iyo qiraalada dhalinyarada falka ka qayb qaadatay, cibrooyin aad u badan ayaa ku sugan, loona baahan yahay in laga faaiidaysto, waxaan isku deyayaa inaan qaar ka mida oo ii muuqday aan tilmaamo:

1) Qallooca ugu xun uguna khatarsan oo qof galaa waa qallooca caqiidada iyo fahamka diinta..wuxuu qofku markaas illaawaa ama laga daboolaa miyirka iyo caqliga saliimka ah, waxaa laga indha tiraa asaaska diinta iyo xaqiiqooyinka sida qorraxda u cad, wuxuuna diin ka dhigtaa mugdiyo aan la garanayn meel ay ku dhamaadaan, isagoo ka weecanaya diinta xaqqa ah iyo xujooyinka ilaahay ee cad cad iyo wadada toosan ee aan caadku saarnayn..waxaa kuugu daliila, wiilka soo kacay 4 subaxnimo fajarka ka hor, oo masaajidka soo galay waqtigii ugu fadli badnaa, oo doonaya meeshaas dhulka ilaahay ugu jecelyahay, waqtiga ilaahay jecelyahay, inuu dhiiga qof muslima, oo culima ah, oo isla goobtaas kula tukanaya, si gaadma ah, khiyaama ah, fulaynima ah, ballan furya ah, ku daadiyo..qofkaasu wuxuu ku duulayaa sida uu leeyahay, arrin uu diin moodey, laakiin xitaa isaga laftiisa mugdi kaga sugan oo berri ilaahay hortiisa aanu xujja u heli karin aan ka ahayn waa laygu yiri..wuxuu hayaa, xaqiiqo qof hortiisa ku tukanaya, ilaahay u sujuudaya, ilaahay u sooman, culimo ah, daaci ah, masjidka kula jira, intaa wuxuu uga tegayaa kana dooranayaa, war aanu hubin, arag, maqal, oo ah, ninkaasu waa jaajuus, la yaabye: ma kuwa warka u sheegay ayaa nebiya ah oo aan warkooda la diidi karin? Ma isagaa arkay oo yaqiinsaday? Hadiise warkaas wax ka jiro isma weydiin aaway cadaaladii islaamka ee maxkamad soo istaajisey ee ku xukuntay? Qof islaan nimadiisu sidaa u cadahay hortiisa, malagu banaysan karaa arrin god hoosti iyo mugdi lagu soo xukumay? Hadey xaq tahay miyaaney ahayn in bannaanka la keeno? Marka qalloocu kaa galo caqiidada iyo fahamka waxaasoo xaqiiqa ah waad dardareysa, waxaadna haysataa wax xuubka caarada ka liita oo aad diin moodey..sidaas darteed ayuu wiilkaasu ninkii muslimka ahaa ee hadeer masaajidka kula tukadey, dhiniciisa fadhiyey, banaanka masjidka xabbad kula dhacay..subxaanallaah..salaadii iyo sujuudii kama celin..derisnimadii uu dhinaca ku hayey salaadda kama celin..ballantii ilaahay kama celin..da’da uu ka weyn yahay kama celin..Cilmiga uu xambaarsanyahay kama celin…khiyaamada iyo gaadmada uu qofka aad la tukatey kaa aamin yahay oo dhiilla kaa qabin kama celin…wax aan la hubin oo dad sheegay amey been noqotaa kama celin…Allaha subxaanahu watacaalaa arkaya ee uu berri haduu is hortaago wuxuu u sheego garanayn cabsidiisu kama celin..aakhiro xusuusteedu kama celin…intaasoo xuduudo iyo xayndaab ah oo qofka muslimkaa nabadgeliya ma celin..waxa keliya oo qofkaa u muuqdey, oo indha tirey,oo caqligiisi daboolay, waa hawada uu cabbey..innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun….
Mohamed Idris Ahmed

14 Comments so far

Leave a comment

  1. Taxiyatullaahi addaahiri calaa shaykhunaa alfaadil. Waxaan ku talin lahaa in la soo qabto mujrimka weyn ee ina cabdi godane waayo waa sharkan oo idil aabihiis.

  2. anigu waxaan garan waayey waxa laysku haysto oo laysu dilayo. ma xukunbaa ma qabiilbaa ma xisbiyaa, ma caqiidaa, ma manhajbaa. bal maxaa sheekhaas loodilay!
    sheekha cida dishay makadiin duwan tahay? maka caqiida duwan tahay? maka manhaj duwantahay? maka xisbi duwan tahay?

  3. asc wrwb
    xayaaka wabayaak sheeyq maxamed adaacil macruuf an marba qarin xaqiiqda.soomaalaay tuug laqabtay tabar malaha,tuugna waxa ugu xun midka diinta alle wax ku cunayah waxna ku qaribayah. koleeyba alxamdulilaah soomaali weeyn waa fahamtay xaqiiqda qasadkiinuna wuxuu ahaa inaad noo tustaan in culimadeena ay xunyihin laakiin walaahi wabillaahi watallaahi waxaan u qaadnay jaceel mooyeeh wax kale hasheegin. laakiin ogaadah qolo kasta oo diintan ka beensheegtah ciribteeda iskama sheekeeyneeynoh haddaadba tihiin soomaaliyah. diin oo wax laga sheegoh odaygii soomaaliyeed ee 20 sano maamulayey baa god ugu jiroh marka inta been leeysku sheegoh oolayiraahdoh diin alle diinta isagaa iskaleh wuxuuna kusoo dejiyay quraankan macaanka badan suubanahiisa ee macanka badnaay marka alshabaab ama alqaacida ama jini kaleba haatuu burhaanakum inkuntum saadiqiin. museylama nabinimo sheegtay maalinbaa mid kale u tagay markaasuu waxaan jirin u aqriyay kii kalaa kuyiri waxaad sheegi iyo waxa maxamed sheegayoh isma laha marka iska sugah inta qeeyb idinka mid ah uu alle soo hanuuniyoh markaasaan idiin maqlidoonaah sheeyq maxamed idriis uxibuka fillaah adiga sh umal sh shibile sh mustafa dhamaantiinba alle wax xun idiinma tusiyoh.

  4. xafidahulaah shiikha

  5. قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” إن الله لا يقبض العلم انتزاعا ينتزعه من الناس، ولكن يقبض العلم بقبض العلماء، حتى إذا لم يبق عالما، اتخذ الناس رؤوسا جهالا، فسئلوا فأفتوا بغير علم، فضلوا وأضلوا ”
    [متفق عليه]
    قتلوهم قاتلهم الله

  6. xafidulaahi shiikhanaaa maxamed idiris sifiican baad ufaahfaahisay masha allah aniga shiikh axmed dhowr jeer baan dhagaystay muxaadarooyinkiisa boosaaso walaahi shiikh aad uqiima badan buu ahaa reer boosaaso way tabi doonaan ilaahow kuwa jooga cimriga udheer oo cadowga kaqabo iyo caadaystay dhibaatay culumada af iyo adin gaar ahaan kooxahaan dhiiga muslimiinta u macaansaday

  7. Asalaamu calaykum
    Allah ayaa mahadleh shiikhana waan salaamayaa
    Walaalayaal anigu waxaan ahaan jirey reer bosaaso waxaana iigu dambaysey sanad
    Wiilashaa gacanta gaystay qaarbaan aqaaney intii aysan koofur aadin
    Markii dambena inay bosaso joogeen aan arki jirey inay hawlahaa fuliyaana waan dareemeeyey
    Markaa walaal waan hubaa ragaasi inay yihiin alshabaab
    Markii hore waan kayarehe shakisanaa inay sameeyeen alshabaab lkn hadda waan yaqiinsaday

  8. ugu waxaa mahad leh allaah. kadib gudigii isku hawlay baarista dhacdadan foosha xun allaahna ku guuleeyey daah ka rogideeda.waxaan kale oo shiikha uga mahad celinaynaa jawaabta xikmadaysan ee uu ka bixiyey. waxaanunu ka codsanaynaa shammaan culumada islaamka in ay ka hadlaan dhacdadan waayo wixii shalay umadda usheegteen wey soo if baxday!! hadana dhaguhu aad ayey ugu nugul yihiin warkiinna waayo waxaad si dhow idiinku baxaya nuur ilaah. ilaahow xaqa nagu sug. culumo la,aanna hanna dhigin.

  9. Salaamu Calaykum

    Ilaahay khayr badan ha siiyo Sheekh Maxamed Idirs Ahmed runtii runta buu taabtay xanuunka uu nagu reebay dilka Dr Ahmed wax yar maaha ha loo duceeyo hana la habaaro kuwii dilay

  10. Ilaah ha xifdiyo sh mahamed iyo walaalaha kale ee dadkooda udanqanaya.wax yalaha layaabkale waxaan akhriyay shabakadaha taageera shabaabka oo aan lahaa waxbay kaqorayaan arinka ama waydiidayaan ama way qiran,midna
    mayna samayn ee waxay isku mashquuliyeen kuwiibaadhitaanka sameeyay inay duraan dadkaas oo wax cad usooban dhigay umada,ayaguse wax madaw ayay umada usheegayaam.waxaan kula talin lahaa shabaab wax lataaban karo soo sheega hadii kale argagixisadii gaaladu sheegaysay ayaad kusifoobaysaan waayo ficilkana

  11. BISMILLAH WABACDU, Arinka uu SHEEKHEENA WEYN E CAALIMKA ah u ka hadlay wa arin hada taagan waqti loo baahna timid. Waxan ALLAH kabaryaya inu nasugu oo xaqa nagu toosiyo waxan leeyahay CULIMADHA KHEER ILLAHEY haidhin siiyo.

  12. Arinculus marka lasameynrabo waxajirto waxfududeyn layirahdo oo ragan ey isticmalan ninkeydamcaan ineydilan kaca sodila kaliyamadahan wa in dalinyarada waxdilirabta cibada ahan lofahansiiya waxan .wa jajus wa gal fatwoyinka culumadoda iyo waxalamidka ah lakin ninka amiirka ah isaga wa ugaar sababta dilka iyo qorshahiisa dr ahmad waxa lodilay namatagersanid oo kaliya

  13. Sheekh maxamadoow waasaad sheegtaye markaan aqriyay qoraalka gudiga een hadana daawaday qiraalka wiilasha waxaa iilayaab badnaa dada wiilasha oo kuwareegaysay 20 jiro, nin saxiibkayah yaan kuiri bal arag wiilasha dadooda wuxuu iigu jawaabay hadal aad u cajab badan xikmadna kabuuxdo wuxuu yiri{Adigu hadaad rabto inaad wax kharibto nin wayn miyaad dirsan lahayd}taas oo macnaheedu yahay in wax lahagaajiyo lamarabee waxaa larabaa in wax lafasahaadiyo oo umada lagumaado,oon lafiirinin masloxo iyo mafsado,oon laga fikirin aduun iyo aakharo midna taasaa keentay in caruurta ladirsado umada haciribtiraane.

  14. Ilaahoow nasug Shekheena Allaah ha dhowro in badan ayuu ka diga khatartaan iyo weiba kuwo kaleba.

    Waxaad ka garan halka baaba umadu gaartay markii waxii xaraanta ahaa la baneestay xuduudihii Sheekhu xusay iyo kuwo ka badnba la jeexay oo laga soo qaaday wax aan jirin, Sheekheeni qaali ahaa ma dhafeen waqtigaas balse waxaa wax lala yaabo ah sida loo baabashay ubadka yar yar maskaxdana looga xaday weliba wax aan diin ahayn diin looga dhigay aniga waxaan qabaa baroortu orgiga ka weyn xalna lama gaarin illaa la helo madxdii soo maleegtay dhibkaan oo ilaa hada isu hasta in ay sax yihiin, waxaan kaloo kula talin lahaa waaridiinta in ay ubadkooda u turaan oo fidnada akhiru sabaanka uga hiliyaan kana war qabaan halka ay maryaaan waqtiga ugu badana geshaan si aysan berito u shalaayin una noqon dad shar wadayaal iyo dhagar qabayaan iyo weliba ehelu naar ku abtirsado, Aloow hanaga beerin cid adiga iyo diintaada la coloowday.

Leave a comment

*