Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abubakar Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah (Dhageyso)

October 5, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta waxaa khudbadiisa Jimacaha uga hadlay Sunanka kowniga ah ee rabi uu kula macaamilo Adoomadiisa waxaana uu Sheekh uu soo sardiyey adilooyinka ku soo arooray arinkaas,

Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ayaa waxaa uu ku bilaaabay sunanka hadii la khilaafo ay dhibaato ka dhalaneyso balanta oo laga baxo balantaas ha ahaato mid lala galay Muslimiin ama gaalo waxaaana ka dhalanaya hadii laga baxo balanta rabi wuxuu umada ku saladayaa gaalo ka awood badan oo ka qaata wax walba oo muhiim ah.

Sunada Labaad oo hadii la khilaafo laga dhaxlayo dhibaato weyn ayaa waxaa ka mid ah in Kitaabka alle la khilaafo la iskuna xukumi waayo waxaa ka dhasha faqri  ,gaajo iyo qax iyo in iyaga madax la isku galiyo oo ay is laayaan waana waxa maanta heysa Umada Islaamka ee dunida ku nool iyaga oo alle siiyey nimcooyin aad u badan .

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sii waday Sunooyinka  hadii la diido lagu jabayo hoos ka dhageyso Khudbadii maanta ee Masjidka Abu bakar ee Nairobi .

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShUmal_Kh.mp3] ama Halkan MP3

Yaasiin Cabdi
Nairobi
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Jazaakumullahu kheyran reer halgan dedaalkiina dacwada iyo sidaad ugu taagan tihiin, annana alle ha naga dhigo kuwii ku intifaaca.

    Intaas kadib walaalayaal aawey baaqigii muxaadaraadkii uu sheekh abyad bilaabey, aad baa loo sugayey welina wax kale lama hayo oo aan ka ahayn muxaadaradii istiftaaxa ahayd, mise sheekha safar galey amaba dib u dhigay, ilaahay ha idin barakeeyo muxaadaraadkaas muhiim bay ahaayeen aad baana loo sugayey ilaahayna ha soo fududeeyo.

Leave a comment

*