Lacag been abuur ah oo maanta lagu gubay magaalada Gaalkacyo

October 29, 2012 - Written by

Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay lacag been abuur ah oo gaaraysa ilaa  $135 kun oo dollar iyo 9,500,000 Sh. Soomaali ah ( sagaal milyan iyo shan boqol oo kun) oo ay ciidanka Booliska ee Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen ,lacagta been abuurka ah ee la soo bandhigay ayaa waxaa ay iskugu jirtay lacag Soomaali ah  iyo Dollar waxaan lagu gubay  meel fagaare ah.

Goobta lagu gubay lacagta been abuurka ah ayaa waxaa ka hadlay  Taliye ku xigeenka Booliska dowlladda Puntlland G/Sare Muxiyadiin Axmed Muuse iyo weliba wasiir ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamaal Cismaan  iyagoo si wada jir ah ula hadlay saxaafad iyo dadweynaha una sheegay in ciidanku ay qabteen lacag been abuur ah oo loo soo geliyo suuqyada  si dadka ganacsatada ah xoolahooda loogu dhaco arrinkaas oo abuuri lahayd dhac baah san iyo dhibaato ku timaada Suuqyada lagu kala ganacsado ee deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenada Amniga iyo maaliyada dowlladda Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa ku goodiyey in talaabo adag ay ka qaadi doonaa cid walba oo ku kacda  danbi noocaan oo kale ah si loo dhibaateeyo dhaqaalaha bulshada rayidka ah ,Wasiirka ku xigeenka amniga dowlladda Puntlland ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo sidda wanaagsan oo ay u soo qabteen lacagtaan been abuurka ah oo haddii ay suuqa geli lahayd lagu dhici lahaa ganacsatada.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland G/Sare Muxiyadiin Axmed Muuse oo qayb ka ahaa ciidankii Booliska ee Gobolka Mudug oo iyagu soo qabtay lacag taan been abuurka ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in lacagta la qabtay ay tahay mid lagu sameeyey gudaha Soomaaliya isagoo ka gaabsaday in uu sheego halka ay taal Makiinada samaysay lacagtaan beenta ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowllada Puntland G/Sare Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa kale oo uu xusay in fal danbiyeeda dhacaya ay yihiin kuwo abaabulan oo ay samaynayaan cid aadan ka filan karin isagoo tusaale u soo qaatay qof kula tukada salaada , mid macalin ka ahaa Macalinkii dugsiga iyo kii Machada diini ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowllada Puntland G/Sare Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay dhacdo khalaadaa ka dhaca ciidanka Booliska marka howlgalku dhaco ama cid eedeysane ah oo  la soo qabanayo arrinkaas oo loo baahan yahay in bulshadu  ogaato
ayna ka digtoonaadaan dadka ay ka kiraynayaan guryahooda , baabuurtooda  iyo weliba Hotellada si wanaagsana loola socodo.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowllada Puntland G/Sare Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in dadka falalka danbiyeedka geysyay ay ka kooban yihiin Burcad badeed iyo kooxo  kale oo la shaqaysata oo ay wax wada qaybsadaan balse ku howl gala urur magaciis  iyo qabiil.

Taliyaha ayaa ugu danbayntii waxaa uu ku booriyey dadweynaha ku nool degaanada Puntlland ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka  si loo adkeeyeyo nabadgelayad waxaan uu ugu baqay dowllada Puntlland in ciidankii soo qabtay lacagtaan been abuurka ah ay siiyaan abaal marin wanaagsan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online