Madaxada JFS oo saaka salaadda shacabka kula dukaday Masjidka Isbaheeysiga(Masawiro)

October 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlmaanka, iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalo kooban ka jeediyey goobta, marka hore waxaa hadalo kooban jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hambalyo ka dib umadda Soomaaliyeed u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaarto Ammaan, Barwaaqo iyo Baraare “ Waxaan Allaah ka rajeeynayaa Dowladda iyo dadka oo isku duuban in ciidaan ciideedu ku gaaraan farxad iyo wanaag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlmaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta ayaa u duceeyey umadda Soomaaliyeed isagoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ka codsaday in ay dhax-galaan shacabka si ay uga warqabaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

no images were found

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ka dib waxa uu fariin u gudbiyey dhammaan masuuliyiinta Dowladda isagoona ugu baaq in masuulyiinta ay la yimaadaan wax ka duwan wixii hore.

“Maanta fariinta aan rabo in aan idinla wadaago waxa ay tahay, waqtigaan aan isku dayno wixii hore wax ka duwan in aanu la nimaado, wixii hore ee noo shaqeeyn waayey in aanu ku noqono haddane oo aanu ka rajeeyno in ay noo shaqeeyaan yeeynan dhicin, aan isku dayno wax aanan horay isugu dayin’ ayuu yiri Madaxweynahu.

– Dhamaad –

Xafiiska Madaxweynaha  Moqdishu
Somalia, media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online