Madaxweynaha DFS oo la filayo in uu safar ku gaaro saaka magaalada Beledweyne
October 2, 2012 - Written byHiiraan:-Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xilibaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa saaka la filayaa in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin safarka uu Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga xilibaanada ah ee ku sii jeeda Magaalada Beledweyne balse waxaa la filayaa in u jeedada safarkoodu in uu yahay in ay soo booqdaan dadka reer Beledweyne ee khasaaro maal iyo mid nafeedba uu ka soo gaaray wabiga shabeelle oo ku fatahay, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo ay kulamo gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamo Soomaali ah oo sugaya amaanka, socdaalka uu madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay saaka ku aadeen magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay noqonaysaa safarkii ugu horeeyey ilaa intii xilka loo egmaday.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya Soomaali waxaan magaalada ka baxay ciidankii ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada, magaalada Beledweyne ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka soo jeeda dalka Jabuuti
A/cawaale
Halgan.net