Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Uganda(Masawiro)

October 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud  ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda magaalada Kambala ee xarunta wadanka Uganda.

Madaxweynaha JFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan xukuumadii Cabdi weli Maxamed Gaas iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka ,agaasimaha nabadsugida iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS  Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo ayaa magaalada Kambaala waxay  uga qeyb gali doonaan  sanad guuradii 50 ee ka soo wareegtay markii ay xoriyada qaateen dalka Ugandha waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa inta uu joogo dalka Ugandha madaxada dalkaas.

Safarkan uu Madaxweynaha uu ku aaday dalka Uganda ayaa ah safarkii ugu horeyay oo uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud 10 September 2012.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,959 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>