Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarun ay yeelanayso wasaaradda dalxiiska ee Puntland
October 31, 2012 - Written byGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaarada dalxiiska Puntland waxaana dhagaxdhigaas goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde
Dhismaha xaruntan cusub oo ay yeelaneyso wasaarada dalxiiska ayaa waxaa laga hergalinayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana dhismaha xarunta maalgalin doona hay’adaha World Vision iyo Care
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo dhismaha xaruntan cusub ay yeelaneyso wasaaradiisa.
Madaxweyanha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda dalxiiska ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dowladiisa waxaana uu xusay in dhismaha xarunta cusub ee wasaarada Dalxiiska ay qeyb ka tahay harumarka uu gaaray Maamulkiisa.
Waxaa sidoo kale munaasabada Dhagaxdhiga dhismaha xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaarada dalxiiska Puntland ka soo qeyb galay qaar ka mid ah xukumada Puntland iyo saraakiil ka socta hay’adaha World Vision iyo Care .
M_M Deeq
Halgan.net