Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarun ay yeelanayso wasaaradda dalxiiska ee Puntland

October 31, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaarada dalxiiska Puntland waxaana dhagaxdhigaas goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde

Dhismaha xaruntan cusub oo ay yeelaneyso wasaarada dalxiiska ayaa waxaa laga hergalinayaa magaalada Garoowe ee xarunta  dowlada Puntland waxaana dhismaha xarunta maalgalin doona hay’adaha World Vision iyo Care

Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo dhismaha xaruntan cusub ay yeelaneyso wasaaradiisa.

Madaxweyanha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole  oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda dalxiiska ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dowladiisa waxaana uu xusay in dhismaha xarunta cusub ee wasaarada Dalxiiska ay qeyb ka tahay harumarka uu gaaray Maamulkiisa.

Waxaa sidoo kale munaasabada Dhagaxdhiga dhismaha xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaarada dalxiiska Puntland ka soo qeyb galay qaar ka mid ah xukumada Puntland iyo saraakiil ka socta  hay’adaha World Vision iyo Care .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online