Ogeysiis Muhiim ah oo ku socda reer Minnesota kuna saabsan Fatahaadii Webiga Shabeele ee Baladwayne.[Sawiro]

October 5, 2012 - Written by

Minneapolis: Waxaa ku dhintay 6 qofood, waxaana ku barakacay qiyaastii in ka badan 3500 oo qoys, ka dib markii roobab xoogan ka da’een gobolka Hiiraan, kaasoo sababay fatahaada wabiga shabelle, wiigii hore dhamaadkiisii. Meelaha ugu daran waa Baledwayne iyo nawaaxigeeda waxaa laga cabsi qabaa in roobab kale da’aan, oo xaalada uga sii darnaato, sida ay sheegtay, FAO/SWALIM.

Daadadku waxay Dhibaato xooggan u gaysteen dadkii ku dhaqnaa Gobolka Hiiraan. Sidda ay warisay Qarammada Midoobay, 21,000 oo qof ayaa fatahaada Shabelle ku qasabtay inay guryahooda ka qaxaan. Boqolaal kun oo kalena waxay ku jiraan khatar. Tiro aan la cayim oo Guryo, Buulal, Suuqyo iyo Ceelal ayaa burburay. Qarammada midoobay waxay warisay khasaaraha inuu ka midyahay, Lix dhimasho ah iyo tiro aan cayimin oo dhaawac ah.

no images were found

Fadlan caawi dadkaas dhibaataysan, Waxaad ku bixin kartaa sadaqadaada online adigoo isticmaalaya  Paypal,waa website xafidan, fadlan bixi intaad awoodo. Sadaqadaadu waxay badbaadinaysaa dad dhibaataysan.

Iyagoo ka jawaabaya ARC iyo HARO ee jooga Soomaaliya, waxay gayn doonaan shaqaalahooda oo wada jira goobta dhibaatadu ka dhacday, si ay u soo sameeyaan qiimayn dag dag ah, sidoo kale qaar ka mid ah Ha’ayada Maaraynta Musiibooyinka ee Soomaaliya. Qiimaynta ka sokow, kooxdaa isku dhafan waxay u qaybin doonaan,qoysaska wax yeeloobay, waxyaabaha aan cunada ahayn, Non-food Items (NFI) waxaana ka mid ahaan kara alaabadaan, Maro Kaneeco, Baco, Saabuun iyo Caagadaha biyaha lagu shubto.

“Waxaan walaac ka qabaa hadaad qoysaskaas dhibaataysan loo gurman, inay halkaas ka dilaacaan xanuuno khatara, xaaladuna sii murugto” Sidaa waxaa yiri Hassan Jama (Hassan Dhoye) Masuulka Fulinta ee Ha’ayda Haro. Hay’adaHumanitarian African Organization (HARO) waxay rabtaa inay si dag dag ah u aruuriso $10,000 si ay u gayso goobtaas gar gaar, dag dag ah qoysaska dhibaataysan. Sidoo kalena inay fuliso qiimayn dag dag ah oo ku saabsan baahida banii aadnimo ee halkaa ka jirta.

Fadlan caawi dadkaas dhibaataysan, Waxaad ku bixin kartaa sadaqadaada online adigoo isticmaalaya  Paypal,waa website xafidan, fadlan bixi intaad awoodo. Sadaqadaadu waxay badbaadinaysaa dad dhibaataysan.

Sidoo kale dhaqaalahaaga waxaad noosoo marin kartaa  xawilaadii kuu fudud. Waxaana Akoon ku leenahay Amaana Minneapolis, Account number #5079905288 iyo Tawakal Minneapolis  Account# E-TAWAKAL :HARO

Please donate generously; you can donate online by using Paypal, a very secure transaction website. Put the amount you wish to donate, your donation save lives.

Please donate generously, you can send your donation any Hawala easy for you, we have accounts with Amaana Minneapolis, Account number #5079905288 and Tawakal Minneapolis  Account#  E-tawakal: HARO.

Ogeysiis gaar ah oo ku socda reer Minnesota.
“Waxaa la ogaysiinayaa Soomaalida reer Minnesota inay kasoo qayb galaan kulan dag dag oo dhaqaale loogu aruurinayo dadka ku wax yeeloobay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan.

Maalinta Sabtida October 6, 2012 Saacada 4:00pm iyo Goobta shirarka ee Safaari, dadka ku casuman iyo faah faahin intaa dheer fadlan halkaan ka eeg. Sidoo kalena soo wac xafiiska HARO 612-315-5691″ Wixii Faahfaahin ah oo dhamaystiran halkaan ka eeg

Dadka Goobta ka hadlaya;

1-      Sh. Mohamed Idris Ahmed (Qiblah TV)

2-      Sh. Abdirahman Sh. Omar

3-      Sh. Hassan Jaamici

4-      Sh. Hassan Jama (H. Dhooye) HARO

5-      Deinel Wordswoth ARC 

6-      Abdiwah Ow-Gure

7-      Dr. nuur Farah

8-      Sh. Ibrahim Mohamed Ali

9-      Ibrahim Ishaq Yunis (Sheikh Shukri)

10-   Said Ahmed Malin

Warbixintan Waxaa soo diyaarisay HARO

Hassan Jama
Executive Director
Humanitarian African
Relief Organization (HARO)
3355 Hiawatha Ave South. Ste 202 Minneapolis,
MN 55406
Line: 612-315-5691
Fax: 612-315-5693
 hassan@harousa.org
haro.4needy@gmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ikhwaanii halaga qaybqaato caawinta dadkeena,walaalaheen ku waxyeeloobay fatahaada daadadka somalia waxay u baahanyihiin cunto,dhar,teendhooyin,daawo iyo dhamaan adeega bulshada

Leave a comment

*