Puntllad oo warsaxaafadeed ka soo saartay Khasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ay goballada Puntland
October 28, 2012 - Written byGaroowe:-Roobabkii ka da’ay Goballada Puntland dhowrkii maalmood oo ugu dambeysay ilaa iyo xalay [27 Oct. 2012] ayaa geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal intaba, sida:
Degmada Qandala: Dhimasho 2-qof (wiil iyo gabar); 3-Saxiimadood iyo 2-Laash oo burburay; waxaa nafwaayay 2,098-neef oo Ari ah, 63-neef oo Geel ah, iyo 70-Dameero ah; waxaa burburay 116-Guri oo 4-guri oo ka mid ah ay leedahay Dowladda Puntland; wadaduna way xiran tahay.
• Degmada Boosaaso: 6-buundo oo go’ay;
• Degmada Beyla: 1-Laash oo burburay iyo 3-Cariish oo dumay; 40-guri oo khasaare soo gaaray oo isugu jira dildilaac iyo burbur; waxaa xoolo farabadani ku dhinteen tulooyinka kala ah Dhudhub, Ceel Dhidar, Kulule, iyo Qoton.
• Degmada Xaafuun: Dhimasho 2-qof oo Kulluumaysato ah oo la kala yiraahdo Marxuum Kalaay Cali Cambare iyo Marxuum Kolkooli Cabdullahi Siciid Amiin; 12-Cariish oo dumay; inta ud dhaxaysa tulooyinka Mareer ilaa Noodir waxaa ku nafwaayey xoolo badan oo aan tiradooda rasmiga ah lahayn, wadaduna way xiran tahay.
• Degmada Dangorayo: 5-guri oo dumay; ilaa oo 200-Qoys baa qiyaastii 8,000-neef ka dhinteen; sidoo kale, xoolo u badan Ari ayaa ku nafwaayey tuulooyinka Suuj iyo Xaaji Kheyr.
— DHAMAAD —
Communications Office
794040 / 794776 / 794597 / 799128