R/W Gaas oo gudi wasiiro ah u magaacabay wax ka qabashada masiibadii ka dhacday Baladweyn.

October 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa masiibada ka dhac day magaalada Balad weyn, iyo Hambalyo loo diray Ciidanka Qaranka iyo kuwa Amisom.

Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhagaystay xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ku wehliyey booqashadii uu Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud uu ku tagay magaalada Baladweyn, waxayna sheegeen in ay ka jirto magaalada Baladweyn xaalad aad u qalafsan oo dhanka nolosha iyo deegaanka taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dadkii ka bad baaday fatahaada iyadoona magaalada ay dhex jiifaan biyihii walina ay jiraan robab da’aya kuwaas oo hakad galin kara in xitaa diyaaraduhu ay ka dagaan garoonka mac-malka ah ee magaalada Baladweyn.

Sidoo kale Goluhu waxay sheegeen inay jiraan dadaalo kala duwan oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada kuwaas oo lagu doonaya sidii wax looga qaban lahaa masiiibada dabiiciga ah ee ka dhacday magaalada Baladweyne, waxaana maanta Ra’iisul wasaare Gaas magacaabay gudi wasiiro ah oo ka shaqeeya sidii gar-gaarka deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn.

Waxaana ka mid ah Gudiga.

1.    Gudoomiyaha Gudiga. Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen.

2.    Xiriiriyaha Gargaarka.Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: Cabdulaahi Goodax Bare.

3.    Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane:C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn.

4.    Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane: C/qaadir Maxamed Dhicisow

5.    Wasiirka Diinta iyo Awaqaafta. Mudane: Axmed Xassan Goboobe

6.    Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Isboortiga. Mudane: Cabdulahi Sheekh Ali Qaloocow

7.    Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Ugu danbaytii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa baaq caalami ah u diray hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay gar-gaar la soo gaaraan dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn, wuxuu sidoo kale Hambalyo u diray ciidanka Qaranka iyo kuwa Amisom guushii ay ka soo hooyeen gobolada Jubooyinka iyo sidii nabada ahayd oo ay ula wareegeen magaalada Kismaayo.

>>>DHAMAAD<<<<

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online