Dhagarqabayaashii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan oo la faafiyey sawiradooda(Daawo)

October 23, 2012 - Written by Editor

Boosaaso:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa shalay soo gaaray magacyada iyo weliba sawirada dhagar qabayaashii dilay allaha u naxariistee Sheekh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso  05 December 2011 , Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa ay si rasmi ah u go,aansatayin sawirada dhagarqabayaashii dilka geytay sawiradooda iyo da’dooda la faafiyo inagoo sheegi doona qof walba wax uu  ahaa , inta qof ee dilka loo hayo kooxda ay ka tirsanaayeen haddii alle idmo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ee duniada daafa heeda jooga ayaa waxaa ay ku farxi doonaan warbixintaan aan  ka hellnay xalay gudi baaritaan oo loo xilsaaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xushay baaritaan Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan gudigaas oo howsha loo igmada maalintii la dilay Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ka dib.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen gudi madax banaan oo loo saaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Warsaxaafadeed

Ku: Dhammaan Warbaahinta ka hawl-gala deegaamada Soomaliyeed

Ujeeddo: War-saxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamkaba u soo bandhigayaan warbixintaan oo ka hadlaysa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Taariikhdu markay ahayd 05/12/2011, salaadii subax kadib ayaa ugu yaraan labo nin oo baastoolado ku hubeysan waxay toogteen Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Allaha u naxariistee, isaga oo ka soo baxay masjidka Xasan Ibni Cali ee xaafadda Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.

Ka dibna raggii falka geystey markiiba waxay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

Baaritaan xeeldheer ka dib, Ilaahay fadligiis guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxaa u suurta-gashay inay aqoonsadaan kooxdii dilka gaysatay, dabadeed ciidanka booliiska magaalada Boosaaso waxay gacanta ku dhigeen 15 December 2011 gabadhii masuulka ka ahayd gurigii ay deganaayeen labo ka mid ah raggii falka geystey, gabadhaas oo lagu magacaabo: Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Amooreeye), da’deeduna tahay 30 Jir, gabadhu waa xaaska masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee magaalada Boosaaso: Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (khaalid), da’diisuna tahay 20 Jir, wuxuuna ahaa hogaamiyihii tooska ahaa ee kooxdii Sheekha dishay. Ruqiyo waxaa horey uga geeriyooday Masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee Puntland: Cabdifitaax Maxamuud oo ku geeriyooday qarax uu diyaarinayay magaalada Laascaanood sanadkii 2009.

18kii December 2011 habeen saq dhexe ayaa ciidanka Booliiska Boosaaso waxay u dheceen guri ku yaala xaafadda Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso, gurigaaas oo xarun u ahaa kooxda amniyaadka ururka Al-shabaab ee magaalada Boosaaso, gurigaas waxaa laga soo qabtay saddex ka mid ah kooxdii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka dambeysay dilkii sheekha, saddexdaas nin oo kala ah:

1- Maxamed Abshir Cartan, da’diisu tahay 20 Jir, waana Masuulkii xaruntaas.
2- Axmed Maxamed Cali Cismaan (Mustafe), da’diisu tahay 18 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.
3- Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle), da’diisuna tahay 20 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.Nasiib darro waxaa goobtii ka fakaday Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) oo cagihiisa ku cararay kana mid ahaa kooxdii fulisay dilka sheekha .

19 December 2011 waxaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka mid ah kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Boosaaso, wadashaqayn adagna ay ka dhexeysay kooxda falka dilka geystay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdiqani Nuur Qorane, da’iisuna tahay 22 Jir.
2- Cabdirixmaan Maxamed Cali Ibrahim, da’diiisuna tahay 25 Jir.Bilawgii bishii Janaayo ee 2012 waxaa magaalada Garoowe gacanta lagu dhigay eedaysane: Keyse Axmed Aadan, da’iisuna tahay 26 Jir, Keyse wuxuu ka tirsanyahay kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab wuxuuna xirrir adag la lahaa kooxda falka fulisay.

17, February 2012 waxaa ciidanka booliisku magaalada Boosaaso ku qabteen eedaysane: Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole), da’diisuna tahay 21 Jir, ninkaan oo ahaa madaxa qaybta madax-jabinta, Amniyaadka ururka Al-shabaab ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii fulisay dilkii Dr. Axmed Xaaji.

Waxaa ciidanka booliisku ku guuleystey inuu gacanta ku dhigo Bastooladihii lagu dilay Dr. Axmed Xaaji iyo waxyaalaha qarxa oo farabadan, qalabkaas oo guriga uu ku xabaalnaa uu ciidanka booliiska uu tusay Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole). Guriga qalabkaas lagu hayay wuxuu u dhawaa goobta lagu dilay Sheekha, wuxuuna gabbaad u ahaa qayb ka mida ragga Sheekha diley.

Baaris dheer ka dib dhammaan eedaysanayaasha kor ku xusan waxay qirteen, kuna caddaatay inay xubno firficoon ka yihiin ururka Al-shabaab qaybta Amniyaadka, qayb ka mid ah eedaysanayaasha kor ku xusana waxay qirteen inay wax ka fuliyeen falkii foosha-xumaa ee lagu dilay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Haddaba, Guddiga madaxa banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji waxay caddaynayaan in kooxdii ka dambeysay dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ay ka wada tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka hawl-gali jirtay magaalada Boosaaso, uuna madax u ahaa Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid).

Waxaa xusid mudan inay jiraan Shan xubnood oo ka tirsan Kooxda falka geystay oo lagu raad-joogo waxayna kala yihiin:

1. Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland

2. Mawliid Maxamed Aadan (Gaashaan/Abdiwali) kuxigeenka madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.

3. Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Boosaaso, isla markaana ahaa madaxa kooxdii dilka gaysatay.

4. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

5. Cismaan Axmed-Qaasim Aw-maxamed (Ayuub) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

Intaa ka dib guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji waxay si buuxda u caddaynayaan in lagu guuleystay baaritaankii guddigu wadey muddada dheer, isla markaana gacanta lagu hayo qayb ka mida dhagar-qabayaashii geystay dambigaas fooshaxun, kuwa aan weli la qabana si buuxda loo wada aqoonsaday, Ilaahayna waxaa laga rajeynayaa inuu dhaqso u soo gacan-galiyo.

Gabagabadii guddiga madaxa-bannaan ee baarista dilkii sheekhu waxay uga mahadcelinayaan dowladda Puntland iyo laameheeda amniga siddii ay u soo qabqabteen gacan-ku dhiiglayaashii Sheekha dilay, wuxuuna guddigu si gaar ah uga codsanayaa dowladda Puntland in ay caddaaladda horkeento dambiilayasha la hayo si guudna wuxuu guddigu uga codsanayaa Shacabka Puntland Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland iyo hay’adaha caddaaladda ee caalamiga ah inay gacan ka gaystaan qabqabashada dambiilayaasha aan weli la qaban. Waxaa kale oo guddigu u mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee ku caawiyey hawsha baaritaanka iyo wixii la xiriiray.Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaaan oo PDf ah.

Wixii macluumaad ah oo aad  ka hayso gacan ku dhiiglayaasha ku soo dir  awaxmad2011@yahoo.com
Warbixinta soo socota  ayaa waxaa ku soo lifaaqi doonaa haddii alle idmo  Video si cad  ay uga muuqanayaan qaar ka mid ah dhagar qabayaashii  dilay Sh Dr Axmed Xaaji cabdiraxmaan oo qiranaya in ay iyagu dilka geysteen iyo weliba cida soo amartay.

Waxaa diyaariyey:

Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso 23/10/12012,Halgan.net

66 Comments so far

Leave a comment

  1. waxaan aad ugu xumahay dilkii loo gaystay dr axamad xaji c/raxmaan laakin waxan niman kii dilay ama ka dambeeyay xamay oran doonaan amaamallaah iyo dadka ?waxaan oran lahaa dhalanyarada ha la iska cafiyo WABILLAH AT-TOWFIIQ

  2. masha allah ilaah ayaa mahad leh soo shaac bixiyey dhagar qabayaashii dilay allah unaxariistee d axmad xaaji cabdiraxman
    ciqaab xun ilaahay ha idin tuso akhiro iyo aduunba wxaad disheen naf aan danbi galin waxaad indhaha qabateen umad ilaahay waxaad agoomayseen caruur badan waxaad damiseen faynuus noo baxayey

  3. ACWW, Ilaahay baa mahadle suuro geiliyey daah ka rogista arrinkan. Dilkani markuu dhacay dhowr cisho hurdo ma ledin aniga oo marna ayan ii suurto gelin in aan muxaadaradiisa hoos fadhiisan laakiin yurub kala socon jirey iyada oo aan toos ahayn. Indhaha alla haka rido kuwa ummada indho tiraya.
    Waxaan halkan uga mahad naqayaa qofkasta oo baadhitankankan aan horeba SOOMAALI loogu aqoon daba gal sidan oo kale ka qayb qaatay. Way fiicnaan lahayd in dadka khubarada ah ee daba galkan xirfaddu ku jirto sameeyey cid kasta oo ummaddan danaynaysaa ay ka faaiidaysato haddii ay tahay Dawladda Somalia iyo Puntlandba si waa dad ehel hawsha u ehe loo daba galo dilal farabadan oo sidan oo kale u dhacay.

    Allaa Mahadle.

  4. waxaan salaamayaa dhamaan gudida soo maaliyeed oo fashilay nimankii gacan ku dhiig layaasha ahaa waan waxaan kutalin lahaa nimankaa marka xogta lagalaysto la dilomaxaa yeelay wax faa iidaa masoo wadaan kuwa maqana laraadiyo iya doo lakaa shanayo dawladaha ay la joogaan

  5. Maasha alaah ilaahay ayaa soo saaray. Gacan kudhiiglayaashii daalimiinta ah oodilay. Sheekha ilaahay umada haka qabto kuwaas kuwa kalane. Ilaah idinkiis so fudud ayaa loo heli waana arin aad loogu farxo dadkii sheekha dilay in la hayo. Wabi laahi towfiiq

  6. allaahu akbar

    aad iyo aad baan u faraxnay markaan maqalay in la qabtay gacan ku dhiig la yaashii umadda ilaahay abuurtay layn jirey. insha allaah kuwa kalena waa la qaban doo wa bilaahi towfiiq

  7. asc wali waxaan sugaynaa dhagar qabayaasha intii hartay waana la helin dhawaan insha allah

  8. Assalaamu calaykum wrwb… Dadku kala nasiib badanaa, Bal sheekha siduu ku dhintay iyo kuwaan foosha xun siday u eg yihiin inay Daallimiin yihiin. Waxa idiin dambeeyo wax fiican Allah kama dhigo, waligayna qof muslim sheeganaya sidaas uma habaarin laakiin adinka waxaad tihiin Ilaah baa og oo aniga waxba kama sheegaayo diintiinna sida aad adinka dadka uga bixisaan diintooda oo kale. Waxaan jeclaan lahaa in kuwaan hal hal qol laygu xiro iyagoo xir xiran. Mid walba suulka iyo faryarayda baan ka jabin lahaa, dhegtana waan ka jeexi lahaa, oo naagta ay ku jirto. Bakhti wajiyo xun. Allaahow i cafi.

  9. Dowladda P/L & guddiga u sarekacay baaritaankii ciddii dishey & sababtii lagu diley Dr Axmed Sheykh C/raxmaan Ilaahay haka ajarsiiyo natiijada qaaliga ah ee ay gaareen aniguna salaam & mahadcelin baan u soo dirayaa.
    Waxaan kaloo ka codsanayaa dowladda P/L & xafiiska wadaagga ah ee baarista & dabaggalka dembiya ee madaxabannaan(indipendent corporation intelligency agency (ICIA) ) in ay hawshooda dembibbaarista waddanka guud ahaan ku ekeeyaan si dalka looga qabto dadqalatada dhammeeyey waxgaradkeenii,dowladda federaalkana waxaan kula talinayaa in ay gargaarsadaan hey-adda dembibbaarista dowladda P/L & (ICIA) labadaba.GUULEYSTA AAMMIIN !!!!.

  10. asc dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaa mahad u sugnaatay allaha soo qabtay dhagarqabayaashii dilay sh dr abdirahman haji ahmed iyo hadaydoonaan dadkale oo badan intaas kadib waxaan u ducaynayaa dadka ku dadaalay in ay soo qabtaan cadowyaashaan meesha waxaan kaloo illahay ka baryeynaa inta kalena in uu kashifo aamiin waad mahadsantihiin dhamaan bahda halgan.net

  11. Ninkaan la leeyahay Malaysia buu joogaa maxay dowladda Puntland iyo mida Somaliaba uga dalban waayeen in loo soo gudbiyo si ay maxkamad usaaraan?

  12. waxaan aad ugu faraxsanahay sida saraaxadda leh ee gudigu ugu dhiiradday soo ban dhigidda dhagar qabayaasha dilaya maalin walba dadka indhaha u ah umaddan soomaaliyeed waxan leeyahay weey cadahay dadkan in eey danbilayaal yihiin waa in tilaabo cad laga qaadaa hadii kale baaritaanki waxa uu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay

  13. soomaalida ninka ugu barwaaqada badan ayaa ugu fidno badan bal ina suratow maxaa ku waalayey maxaase ku hayey markaad Alshabaab ku biiraysay oo aad wadaadada iyo shacabka aad leenaysay waxaad disheen culimo wariyayal xildhibaano saraakiil
    shacab alle ku soo qabay ninka dhibta wadow ilaa intaad puntland ka caradhay dilkii waa ka yaraaday madax jabiska ahaa puntland

  14. Ina surato Ilaahay ku soo qabey

    Waxaan akhriyey qoraal uu ku doonayo inuu isaga bariyeelo jariimada fooshaxun ee uu gaystay. Wuxuu Ilaahay ka baryey inuu kashifo kuwii dilka gaystay, waana hubaal in Rabbi kashifay.

    Waxaa ka yaab badan sida uu u qoray taariikhdiisii u dhexaysey 2006 ilaa 2011 oo uu ku soo koobay maxkamado ayaan aaday, dahabshiil baan u shaqeeyey iyo waan cararay!.

    Wuxuu ismoogaysiinayaa in shabaab burburay oo xubnihii amniyaadku la shaqaynayaan buntilan iyo federalka oo ay wax walba bannaanka soo dhigayaan. Wuxuu kale oo hilmaamay inuu ahaa xiddig ka dhex muuqda amniyaadka Alshabaab oo uu ku dhaarto axmed godane, ayna dowladda buntland la shaqeeyaan arggii uu madaxda u ahaa iyo kuwii ay wada shaqayn jireen.

    wuxuu illaaway in Ilaahay u jeeday, aakhiro ka horna adduunka Ilaahay ku kashifay jariimadiisii.

    Ugu dambayn inuu Ilaahay u toobad keeno oo uu isa soo dhiibo si loo qisaaso ayuu ku badbaadi lahaa laakiin Ilaahay ha ka ifiyo calaamad cid walba ku cibraqaadato. hadda lafteedana isaga oo nool baa ilaahay u soo dadajiyey ciqaab xagga maskaxda ah oo uu isla hadlayo, quraan iyo tufidna lagala quustay.

  15. waxaan ku faxsanhay in alle uu soo fududeeyay gacan ku dhiigla yaashii gaystay dilka arxan darada ahaa in shaa alaah waa la soo qaban inta kalene

  16. Ilaahay sida uu nimankaas u kashifay, qaybtoodna u soo qabtay kuwa dhimana ha u soo qabto, ciqaab degdeg ahna ha mariyo iyaga iyo ciddii amartay iyo ciddii soo jeedisay talada dilka sheekha iyo kuwii dambigaas ku caawiyey iyo kuwii dambiilayaasha ku caawiyey iyo kuwa kalee difaaci doonaba.

  17. maasha allaah Halgan waa halagamaysaa wada midda kale waxaa kudhacay inkaar shiikha dilkiisii kadib alle xarigay xiraanba waa kafuraa haziima ayaa kubilaabatay allaha idin jabiyo kuwa muslimka dhiigiisa caruurta yaryar kulaynayoow

  18. ASC WR WB MAANSHA ALLAAH XAQA FEERUHUU KA DILAACAAA BAY SOOMALIDU KU MAAHMAHDAA DUCADA ISLAAMKA WAA LA AQBALAA HADAY XAQTAHAY,ALAAH WAA KASHIFAY KUWII XAQDARADA GAYSTAY OO U GAYSTAY SHIIQII SOOMAALIYEED DR AHMED SHIIKH CABDIRAHMAN ALAYAA RAHMA INTA HARTAYNA SI FUDUD BAA LOO SOO OGAANAYAA INSHA ALLAAG DUCADA HALA WADO.

  19. asc raga raadinaaya qabiilka ay yihiin waa muuqataa hadaad dadka iyo dhulka kala taqaan lakiin ragini waa dhagarqabayaal umana baahna qabiil lagana doonimaayo waa khawaarij hadaanay ilaah u toobad keenin waa khawaarij

  20. asalaama caleykum waraxmatulahi wa barakaat. ciid wanaagsan kula caam wa antum bikheyr. walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin gaar ahaan qorayaasha halgan oo ah dad marka horaba culimo ah. waxaan aad oga xumahay geerida sheikh oo ah wa aad looga xumaado. waxaan ilaah oga baryeeynaa in janadii fardowsa ka waraabiyo. run ahaantii inta aan daawan arinkan shaki ayaa igu jirey oo waxaan lahaa dagaalkan waa fitno ee ka gaabso, waxani diinwaxba kama oga waa mooryaantii shaley dadka xoolahooda dhiigooda iyo sharaftooda baneeystey.waxaanay dadka ku laaynayaan qabiil iyo inaay nin doorka dhameeyaan ilaahyna wuu fashiley sirtoodoodii, waa in xasuun la qabtaa mujrimka sheekh uu yahay ma jiro hadaanahy beesha ogaadeena arinkaa raali galin iyo magdhow baan ka bixineeynaa mana ogolin in waxlayeelo walaalaheena leelkase.

  21. Waxaan mahad u celinayaa Ilaahii kashifay dadqalatadii dishey Dr Axmed
    Sheykh Cabdiraxmaan;waxaan kaloo salaama la soo tiigsanayaa guddiga madaxa bannaan & ciddii gacan u fidisay ee helitaanka xaqiiqada ka taageertayba !!!!.
    Haddaan fikrad ka dhiibto habka xukunka loogu qaadayo qawlahaas,taasu maxkammadaha ayay u taallaa, laakiin kolleyba aniga & nimankaas aragti baa naga dhexaysa,lagama yaabo in aan daayo oo ay dib u raafraafiyaan haddaanba indhaha saaro,waana ballan in aan ugaarsado intaan noolahay.

  22. Masha Allah, Gudiga iyo dhamaan cidi gacan ka gaysatay baarista dilka Sheekh Dr Ahmed Haji waa mahadsanyihiin. Ninka Sheekha dilay oo raba inuu Malaysia Jaamacad si nabad ah u dhigto hala soo qabto!!! Waa daalin waynaaday, waxaana qabaa Dr ka kaliya ma ahane, inuu rag badan oo indheer-garad ah diley! Kolba caawa ayaa godkiisa biyo ugu soo galeen, meelna gaari mayo Malaysia na waa laga soo qaban. Ina qorane, waxaa qabaa in sifiican arinkiisa loo sii daba galo, oo waxaa jira rag ka agdhow ninkaas oo danbiga kula jira ee sifiican haloo baaro. Sidoo kale waxaan qabaa rag badan oo qarsoon oo Dilka sheekha ka danbeeyay inay jiraan ee arinka yaan laga harin. Xitaa hadaysan sheekha wax ka ogeyn dilkiisa, caruurtaas cidii maal galinta u qaabilsanayd hala soo ogaado, kaliya koonfur waxkama aysan heli jirine, kuwa Puntland joogo oo ganacsato ah oo lug kuleh baa dhici karta ee arinka iyadoon cidna loogu joojineen hala baaro, cidii danbi lagu helo cadaalada hala horkeeno. Allaha u naxariisto Dr. Sh Ahmed Haji, sifiican baan isku naqiinay, waan wada shaqeenay, Allow u raxmad, amin.

  23. SCWW

    Alleylehe bagah, xanuunka ay na gaarsiiyeen maanta ayuu gaarey, xisaabtii Allena waa u dhiman tahay. Anigu ma qabo shabaab in ay shiikh diineed leeyihiin. Waa qowleysato, fallaago, dagaal oogayaal, islaweyni ka buuxdo, aanan raxmad iyo xishood laheyn. Caqli xumadooda waxay jecleysteen in dadku u cabiidsamaan. Laakiin waxaa muuqata in ay iyagu adduun iyo doollar cabiid u yihiin. Denbi culus waxaa qaatey kuwa cimaadaha madaxa saarsadey oo isku dheegaayo in ay culumo u yihiin fikradda takfiiriga ee curyaamisey dadkii iyo dalkii. ilaahow na hanuuni oo waddada toosan ha naga iilin. ilaahow ha naga yeelin kuwo dartood diinta looga cararo. ilaahow inooga aar kuwii DR. Axmad godka geliyey.

  24. Asc wr wb ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH ALXAMDULILAAH waxaa yimi nasrigii alle waxaa ceeboobay kuwii gaystay danbiga wayn alle agtisa ka wayn ALXAMDULILAAH geeridu waa xaq qofkastana waa dhiman waxaa loo noqon alle xagiisa,alle baa xisaabin dadka oo dhan alle jalawacaa baa mahad u sugnaatay keligiis maaliga horay u jiray hadan jooa joogi doonana baaqi ahaanaya war dadow alle habaqa allahaa oo idiin jeeda xitaa guri mugdi ah oo dhagax ka samaysan dhex diis wax hadii aad ku samaysaan alle waa mid idiin jeeda ceqaabta alle waa mid idin haleelaya xitaa aduunka hadii uusan idinku haleelin akhiro buu idinku haleelin waana meesha daran,fadliga alle dhogorta baa laga xayuubiyay dhagar qabayaashii intii badnayd haba u horeeyaan hogaamiyayaasha al-shabaabe alxamdulilaah raximahulaah dr shiikha anagana alle hanooga daba naxariisto yaa arxamu raaximiin

  25. waxaan rajeynayaa in cid waliba la hor keeno cadaalada sax laakiin hebel soo qabo waa dag dag gudiga ayaaba wad a howshooda sax hadaad yar xustay xasan waa la horkeenin cadaalada lkn iska ilaali arrimahasa oo kale anigaa waana kula joognaaye ardeyna waan naheye

  26. war xasan surato malaysia baan lajooga ee sebaan usoqaban karnaa anaga oo ah ardaytha puntland

  27. war caddaadey tanna ma dambeyrey?

  28. allah waxaan ragaas ka aqaanay maxamed abshir nuuur cartan deris ahaan jirnay isagoo cung yariis ah hooyadiis waxay ahayd islaan umuliso ah oo miskiin ah farmasi haysta aniga gacanta qaban jiray dugsi quraanka geyn jiray isagoo cuunug ayriisa ah oo edeb badnaa maanta waxan jooga dalka dibadiisa waan naxay amrkan arkay dilka shiikha wiilkii yaraa ee aan aqaanay loo qabasday walaahi dembigaas ina godane ayaa iska leh caruurta u xilasaaray 20 jir ummad dhan yidhi u taliya ina qorane isgana waan aqaany iskuulkaan wada dhigan jirnay boosaaso any way waa guul la gaaray ilaahay ha soo qab qabto kayseba waa ninka kayse aadan isagana waan aqaanay

  29. Waa run hasan surato malaysia baan la joogaa qaab keee ku soo qaban karnaa ardayda joogta reer malaysia kasoo taliya maxaase nagula tali naysaan in aan samayno

  30. war xasan surato malaysia ayuu joogaa ardey ayuu ka yahay jaamacad islamiga ee IIUM

  31. jazaa kumullaahu khayran tani waa ducadii umada oo illaahay aqbalay

  32. xassaan hada hala weeysiiyo balaayada ppw buufin jiryay hala taageero ayagaa jihaadka ugu dhaw asigaa dhihi jiraye ma waxeey ku jihaadaayeen in culimada la dilo oo dadka wax garadka ah umada laga laayo masaakiinta ee gaalada hoos tagaan oo aqoonta dhulka la galsho illaahoow alshabaab iyo kuwa muhaajiriinta isku sheegaa umada somaaliyeed ka qabo dalkoodi ,eey ka fuliyaan hadeey islaam wadaan waa sida kii c i a denmarka u shaqeeyhaayay caruurteeyni wax barasho la aan ayey ka dhigaeen aan iska qabano walaayaal kuwaas

  33. jazakaa kulaahu khayran waad mahad santihiinn galgan waa in looga aargooooooyaa ooabaal marintooda lasiiyaa gacankudhiiiiiglayaashaa

  34. asmc walaalayaal aad baan idiinku mahad celinayaaa sida aad noo tusteen nimankaas waxay yihiin waxaadna badbaadiseen dhalinyaro farabadan oo ay khaldi lahaayeen waxaa laga yaabaa in dhalinyaro badan oo niyadoodu wanagsanayd ay khaldeen marka shaqada laban laaba videogana waan raagsanay wcs

  35. aad baan ugu faraxsanahay ragan laqabtay olaahay khyr haka siiyo cidii gacan ka gaysatay inta dhiman hala soo qabto ayaan leeyahay oo uu ka mid yahay ninkan lagu magacaabo surato oo ah nin puntland khatar ku ah dadka uu dilayo waa macalimiintiisii ilaahay umada haka qabto

  36. Ilaahay inta dhagarqabayaasha kahadhayna hasoo fududeeyo qabashadooda.

  37. Acww
    waxaan gudiga madaxa banaan ka codsanayaa in ay soo raaciyaan dadkaan qabiilooyinkooda iyo gobalada ay ka soo jeedaan,si ay ufududaato soo qabashada dhagar qabayaasha.arinkaas waxaan u arkaa in ay gacanwayn ka gaysandoonto soo qabashada dhagar qabayaasha, waayo waa sumada runtaa ee soomaalidu leedahay.

  38. Allahu akbar.
    Allah baa mahadaas iska leh,oo ka shifay dhagar qabayaashii.
    waxaax Alle wayne ka baryaynaa in gacanta soo galiyo kuwa baxsaday

  39. waxaan la kulmay mid ka mid ah dadkaan la raadinayo laakiin uma maleynayn inuu yahay Al-shabaab. See ula xiriir karaa Police waxaan hayaa details halka uu joogo.

  40. walaayaaal gacan ku dhiigala culimada lay naayo haa lasoo qabto aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay

  41. Qoral pdf kadaya sicadi ah uso galiya

  42. Salaamu calaykuuuuuuum waxrmatulaah

    maanta maalin iiga farxad badani ma jirto hadii la soo bandhigay qaar ka mid ah kuwii dilay alaha u naxariistee Sh Ahmed Xaji oo ahaa aabihii dacwada Puntland ahaana ragii asaasay Jamacada Bariga Afrika

    ilaahay waxaan ka baryayaa in uu soo gacan galiyo inta dhiman inshalaah

  43. Salaamulaahi calaykum yaa muslimiin

    waxaan u mahad celinayaa saxaafada Soomaaliyeed ee maanta faafiyey mujrimiintii dishay Dr.Ahmed waxaana u horeysa Halgan.net ilaahay khayr badan ha siiyo ducadii Muslimiinta waa la aqbalay

  44. Allahu Akbar umada Islaamka maanta waxay u tahay farxad hadii la soo bandhigay qaar ka mid ah dhagarqabayaashii dilay Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah Nin walboow faafi sawirada si loo qabto inta dhiman

    ws

  45. Salaamu calaykum

    waxaan u mahad celinayaa marka hore gudigii howshaan u qumay iyo sida ay uga soo baxeen marka labaad nimanka dilay dr.ahmed waa in unuunka la jaraa waa khawaarij kuwa soo dirayna waa la yaqaan ee ha lala xissbtamo Soomaaliyeey gaar ahaan beesha uu ka dhashay Dr Ahmed xaji alaha janatul Firdow geeyo

  46. Ascaleykum
    illaahbaa mahad leh waan umahad celinayaa dadkii baaritaankan hufan waqtigaa dheer qaatay hawl iyo qarash badana ku baxshay ducaddii umada iyo waliba culumadaba dhamaan khayr allaha idinka siiyo iyo waliba halgan net wabilaahi altowfiiq

  47. a/c
    walalayaal khayr allah idinka siiyo hawshaa aad qabateen tan kale waxaan leenahay kuma filan soo bandhigid oo kaliya waa in la toogtaa kuwii dilay iyo kuwii fatwada bixiyay iyo kuwii soo diray
    intaba

  48. Assalaamu calaykum
    Umada somaliyeed walaalayaal xaqiiqadaas baahi wayn bay u qabtaa inay faahfaahinteeda kor istaagaan waxaanan halkaan idinkaga sheegayaa qofna daah kama saarna cida gumaadaysa soomaali wax garadkeediina dhamaysay hadana nooc kasta oo bulshadu tahayba laynaysa qofka kaliyoo maanta dhagartooda ka aamin ihi waa qof aan wax macno ah bulshada ugu fadhiyin sidaa awgeed anigu waxaan dhihi lahaa si umadu u wada baraarugto heeryadana isaga rogto arinta sheekha xogta ku saabsan si fiican u gaarsiiya umada.
    1) tusaale ahaan youtube-ka iyo websaytyadu way ku filan dadka jooga dhulka horumarsan.ee waxba ma gaarsiin karaan bulsho waynta soomaaliyeed oo aan khidmadaas haysan ama la macaamilin ama isbiidkuba uusan gaarsiisnayn in wax lagu daawado.
    2) waa in lasameeyo gudi iclaamiah oo tekniko ahaan arintaan u faafiya sida in lagu baahiyo moobaylada oo dadku isugu diro iyo in lagu baahiyo janalada soomaalidu daawato in doodo laga qabto idaacadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
    3)in culumada waa wayni sameeyaan nadwooyin caama oo arintaan lagu soo bandhigayo inlaga sameeyo CDyo iyo cajalado kaaseet ah oo laga heli karo maktabadaha.
    4) ugu danbayn waa ogahay wadaado maanta isku dubaridan oo maanta hawshaas u qumi karaa iima muuqdaan ee maamulayaasha webkaan waxaan ka codsanayaa inay maanta arintaan ayagu xilgaara iska saaraan awalba hawlaha wacyigalinta uma idinkaa kaligiin nitooxsanayey
    waadmahadsan tihiin

  49. Ninka muftiga u ah shabab wuxu ka xishoon waayay ku been abuurashada culuma dhimataye ma mid u isaga isku difaacayo ayu kaxishon? Tankale haduba yiri culumada halalaayo hadda tacsida xaguu u wada waayabe inuu ku farxo ayaa la qaatay geeridi digtorka madaama u amarkub ixiyay in ladilo wa raadgadasho waxaas oo kale

  50. alxamdulilaah ilahay aya mahadaas leh, walee habaar baden wa lagu yufay xaqiiba soo qabtay iyo ducadii muslimiinta in ilahay kuwaas maalin kashifo, waanu sugayna insha,llah kuwi ilahay kashifay warkooda jzk kheyran inti kaso shaqysay

  51. A/c inkasta oo uu nagabaxay daaci qooli ah oonaan halmaami doonin, ducadii muslimintana in ilaahay aqbalay ayey u muuqataa. ilaahayna waan ku mahadimeynaa. walow marhore aan maqlay in ragii dilka gaystay qayb ka mid ah la hayo kuwii kalana magacyadooda lahayo lana soo bandhigi doono natiijada baaritaanka waxayna qaadatay sanad waxyar dhiman ilaahow ducaada inteeda hadhay noo xifdi -noo ilaali AAMIIN

  52. waad mahadsantihiin,si loo ogaado dadka banaystay dhiiga muslimiinta iyo dadka ka danbeeyey si loo udxiyeeyo sidii jacdi

  53. Asc, halgan.net wa mahadsan tihiin. Alle wa aqbalay ducadii muslimiinta soomaliyeed meel walba ay joogan ay Alle ka baryeen inuu soo kashifo cidii sheekha dilka u gaysatay, Wana sugayna wajiyadooda gacan ku dhiig layaasha.

  54. ASalaamu caleku JAZAAKUMULLAHU KHEYR waanu sugi la,nahay soo dadajiya

  55. Asc wa arin muhiim ah oo loo baahna waayo daba galku wuxu yareeynaya in Diiga Culimada si fudud lagu galo sidha darted waxan leeyahay walalaha Halgan, hor usocda oo Halganka wadha.

  56. as/
    waa war lagu farxo in la ogaado dadka ku hayay dhibaatada umada soomaaliyeed iyo caqligeeda dhaafi wayay kuuwii uguntanaa badbaadda umada
    ilaahay waxaan uga rajaynayaa intii ka gaysatay gacan ina loo cadeeyo dadkaas kansarka ku ah umada inuu khayr baddan siiyo
    waxaana udardaar mayaa ina ay noo soogud biyaan iyagoo aad iyo aad umahadsan war sugin

  57. as/c ikhwaani keeb layuurur baad nagadhigteena lasoo dhaqsada as/c

  58. Allaahu akbar waa wax hammuun loo qabey in mar uun indhaha laga qaado dhagarqabeyaashaas, ilaahii soo qabtey ayaa kun jeer mahadsan, waan rajeyneyney in alle kashfin doono cadawgaas, tolow maxay oran doonaan kuwii isku dayey inay marada saaraan dha/qabeyaashaas weli ma aanan illaawin sh xasaan xuseen sidii uu isugu dayey in uu maro saaro dhagarqabeyaashaas dhul iyo cirba qarin waayeen, alla muxuu isku dayey sheekh xasaan inuu qariyo “sheekha waxaa dilay niman uu arrin gar haweeney ku dhexdhexaadiyey oo hadda galgaduud bey joogaan ,ninka ay walaalo yihiin ninka PSta puntland ayaa diley ” ku lahaa, yaab badanaa markaasuu haddana shaki geliyey hadalkii qiraalka ahaa ee raggaasi ay iyagu qirteen, war adduun maxaa wax la arkey, iyadoo kooxdii dilkaan ka dambeysey(alshabaab) hogaankeeda aan mar kaliyana laga maqal iyagoo beeninaya arrinkaas, macnaha sh xasaan wuxuu doonayey inuu ka galgasho dilka sheekha oo fatwadiisii la yaabka lahayd loo cuskaday “Alqaatilu-mujaahid, walmaqtuulu shahiid” cajaaib badanaa.
    Alshabaabna sidii ay dilkaas waxshinimada ah ugu dhaqaaqeen alle waa dabargooyey oo tusbax dabada ka fuirtey ayay noqdeen, kolley waan filayaa in cid kastaaba oo shacabka soomaaliyeeda alle u bariday in cidii ka dambeysey dilka sheekha uu alle baabiiyo oo uusan wax ka reebin, taasina waa muuqataa oo gaalo madow baa alle ku salliday. hadal iyo dhammaantiin waxaan ilaahay kheyr fara badan u weydiinaynaa walaalaha reer halgan.net oo door weyn kasoo qaatey kashfinta iyo akhbaaraha waaqicooyinkaas iyagoo galab iyo subaxba u taagnaa taqdiyadooda.walaalayaal soo bansdhiga dhagarqabeyaasha ummaddu ha aragtee.

  59. Jasaakumullaah khayran aad baa loogu baahan yahey in la ogaado dhagarqabayaasha iyo inta dulmiga ku walaaloodey,aakharo iyo adduunba allah hahoojiyee.

    wasalaamucaleykum.

  60. shiikha allaha unaxariistee waa in loobaaraa dadki kadambeeyey si cadaalad ah ileen masahlana dhiig in dusha lagasaaro dadaan kulug lahayn.

  61. halgan ilaahay jar haydinkasiiyo muslimiinta hawsha jabaarka ah eed u haysaan wixii kadanbeeyay dilkii sheekh dr amedna waxaakasoo bixidoonta hadaarkii sheekh c/qadir nuur farax maladidoonaan insha alaah

  62. Jazaakumu allah ikhwani waa war aad loogu baahan yahay ee lasoo dhakhsada

  63. Asalaamocaleykom wr wbr, Aad baan u salaamaa webkan iyo inta kheyrka jecel ee ka shaqeysa ama wax ku qorta.Salaan ka dib aad baan u daneynayaa aam aan du daneeynaynaa qof kasta oo sheekh jeclaa allah ha ka waraabiye jannatul firdowsa al aclaa allah ha la soo saaro kuwii u u necmeeyey sida ambiyada nabiyiinta shuhadada saalixiinta, allahuma amiin, Faa,ida ay leedahy soo bandhiga mujrimiintii dilay sheekh dr daaciga caaqilka ahaa, inkasta ummadda soomaaliyeed uu ka lumay caqligii ay ku dhowran lahaayen dadka wax ku oolka ah , waxa laga faai,iday marka hbore kuwii dilay cida soo dirtay iyo cida ay yihin yacnii kooxda dishay, Wwaayo haddaad tiraadid waxaa dilay sheekh ALshabaab waxa af labdii yeeray kuwa been beenta u taageera alshababa oo jooga waddooyinka yurub ,laga yaabe in qaar ku soo hanoonjo waa haddi ay caqli leeyihin waayo qofka dilay sheekh ma ah qof kheyr qabe ahaa ka soo dirayna ka sii daran, haddi uu ku dilay magac diina dee caliba kii dilay ee la oran jiray cabdiraxman ibnu muljam wax uu aha xaafid quraan, laakin quraankasi waa mid aan dhaafin xinjirka yacnii dhuunta. oo cilmigu marka uu dhuunta ka gudbo qalbiagan galo buu noqda cilmi naafic jazaakumallah kheyran wada hawsha ummada alaah ha tuso xaqa allahuma aamin,

Leave a comment

*