Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo
October 17, 2012 - Written byKismaayo:-Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxada DFS ,Saraakiisha ciidanka Kenya iyo Madaxada Ururka Raaskambooni.Wafdigan oo saaka gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay u Jeedadiisu ahayd sidii dhinaca Sharciga looga Gacansiin Lahaan Dadaalka Urur Goboleed ka IGAD ay ku Doonayaan in Maamul Goboleed Loogu Dhiso Gobolada Laysku Oran Jiray Jubba Land.
Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD markuu Muqdishu Tagay shalay ayaa wuxuu la Kulmay Madaxda ugu Saraysa Dowladda Federalka ee Soomaaliya, waxayna isla Soo Garteen in ay Muhim tahay in horay loo wado Dadaalka ay Dadka Deegaanku ku Doonayaan in Maamul loo Sameeyo Gobolada Gedo, Jubada Dhexe & Jubada Hoose.
Wafdigan wuxuu Daqiiqado Ka Hor ka Duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose asagoo ku sii Jeeda Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Socdaalka wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo qiimeeyeen xaalada Magaalada Kismaayo ka dib markii laga saaray Ururka Al-Shabaab iyaga oo marka ay soo gaaraan magaalada Nairobi ka xogwarami doona wixii ay la soo kulmeen .
A Sahal
Nairobi