Wargeyska Jylland Post oo mar kale baahisay warbixin ku saabsan nin qeyb ku lahaa dilkii Sh Anwar al-Awlaki.[Video]

October 15, 2012 - Written by Bile Osman Keenadiid

Copenhagen:-Wargeyska  Jylland Post  oo ah wargeys ka soo baxa dalka Danmark ayaa waxaa uu daabaca warbixin qoraal iyo muuqaal ah oo ku saabsan Morten Storm oo mudo sannado badan la shaqaynayey Sirdoonka Danmarka PET iyo CID Maraykanka isagoo isku ekeysiinaya in uu yahay Muslin lana baxay Muraad. Bilawgi bishii September 2009 ayaa waxaa  kulan la yeeshay Morten Storm  Madaxii ururka Al-qaacid ee dalka Yemen Sh.Anwar al-Awlaki ,kulanka ayaa waxaa uu ku sheegay Morten Storm in uu Sh.Anwar al-Awlaki ka codsaday in gabar Muslimad ah oo reer Yurub ah u soo hello arrinkaas oo uu u howl galay Morten Storm sidda uu saxaafada u sheegay. Halkaan ka eeg warbixinadii hore ee MortenStrom ay ka qortay Wargeyska Jylland Post

Morten Storm ayaa  waxaa uu bilaabay in uu raadiyo gabar Muslimada ah oo reer Yurub ah isagoo ku jira baadigoobkii gabar Muslimada ah ee  reer Yurub ah ayaa waxaa uu ka hellay barta Facebook oo ah goob lagu wada xiriiro Group ama koox taageero u haya Sh.Anwar al-Awlaki arrinkaas oo u suuro galisay in uu ku biro Groupkii taageerada u haya wadaadka Anwar al-Awlaki waxaan ay iska barteen gabar Muslimad ah oo magaceeda uu ku sheegay Aamina una dhalatay dalka Croatia.

Morten Storm ayaa waxaa uu bilaabay howshiisii ay u igmadeen sirdoonka dalka Danmarka iyo CIA Maraykanka waxaan  uu ogaaday dhamaadkii bisha Janaayo 2010 in Aamin ay danaynyso in ay guursato Anwar al-Awlaki. 17. Febaraayo 2010 ayaa waxaa uu Morten Strom uu fariin u diray Anwar al-Awlaki isagoo ka codsaday in fariin Video ah uu u soo diro Aamin si uu fariintaas u gaarsiiyo Aamino , isagoo u jeedadiisu ay ahayd in Aamin aysan waxba ka shakin , maalmo yar ka dib waxaa soo gaaray Morten Storm fariin Video ah oo ku socota Aamin oo uu u  soo diray Anwar al-Awlaki.

23. april 2010 Morten Strom waxaa uu kulan la yeeshay mid ka mid ah waaxda Sirdoonka dalka Danmarka PET iyo nin ka mid ah waaxda Sirdoonka ee CIA waxaan uu siiyey warbixin iyo xaalka meesha uu marinayo iyo in xiriir fiican u dhexeeyo , Aamino iyo wadaadka Anwar al-Awlaki . 23. april 2010 ayaa waxaa uu Morten Strom uu ka hellay fariin Anwar al-Awlaki waxaan fariintu ku saab sanayd wax ay soo qaadanayso Aamino marka ay imaanayso Yemen waxaan yiri ‘’ ha soo qaadato dharka kulaylka Boorso yar iyo sahay ay ku noolaato 2-bo ilaa saddex bilood.

8. marts 2010 ayaa waxaa  uu Morten Strom uu safar ku aaday  dalka Austrian gaar ahaan caasimada Viena  si uu ula kulmo Aamin oo uu u sido fariin Video ah oo ka wado  Anwar al-Awlaki. Aamina waxaa ay kulmeen Morten Strom waxaa uu tusay Video-gii waxaan uu inta uusan ka dhoofin dalka Danmark  u sii iibiyey xooggaa dhar ah iyo qaamuus Carabi ah oo Elektroonik ah.

Aamino waxaa ay aamintay Morten Strom waxaan uu ka duubay fariin Video ah oo ay u dirayso  wadaadka  Anwar al-Awlaki waxaan ay Video ku sheegtay in ay caafimaad qabto sida uu ka arkayo Video-ga. 18. maj 2010 Morten Strom waxaa uu safar kale ku aaday  dalka Austrian gaar ahaan caasimada Viena si howshii  loo igmada uu u sii wado waxaan la kulmay Aamino waxaan ay markaas Aamino ku sii jeedaa dalka Yeman gaar ahaan Caasimada Sanca.

Aamino Waxaa ay  sahay u qaadatay lacag gaaraysa ilaa 3000 oo dollar  walow aana Waraysku xusin balse waxaa ku cad Video-ga in Sirdoonka Danmark PET iyo CIA Maraykanku ay qayb weyn ku lahaayeen lacagta ay Aamino ku aaday Yemen iyo tan Morten Strom uu ku galyey safarka   2. Juun 2010 Aamino waxaa ay u safartay dalka Yemen halka Morten Strom uu ku soo laabtay Danmark  waxaan  uu kulan la yeeshay Saraakiishii sirdoonka ee Danmarka iyo Marykanka waxaan ay ku kulmeen guri ku yaal magaalada Helsingor  ee dalka Danmark waxaan ay halkaas kala socdeen  dhaq dhaqaaqa Aamino  ilaa ay tagtay magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

Aamino markii ay tagtay dalka Yemen waxaa ay bilowday in ay gasho iskuul laga barto Afka carabiga waxaan maalmo ka dib ay heshay fariin ah in ay soo safarto balse waxaa ay wadato ay ka soo tagto oo Bac kaliya ay wax ku soo qaadato taas oo buu yiri Morten Strom fashilisay  weerarkii hore ee aan doonaynay in aan ku khaarajino Anwar al-Awlaki ama aan la socono dhaqdhaqaaqiisa.

4-tii Juun 2010 Morten Strom waxaa uu hellay fariin Sms oo ku soo dhacday teleefankiisa waxaan ay ahayd Hanbalyo walaalkiis  waxaad  noqotay taajir , Taajir , fariinta baa waxaa soo diray  mid ka mid ah Sirdoonka dalka Danmarka PET  oo magaciisa lagu gaabiyey “Klang.”  Isla maalintaas Morten Strom waxaa uu la kulmay mid ka mid ah Sirdoonka dalka Danmark  waxaan uu kulankoodu ka dhacay Hotel Hilton oo ku yaal danmark waxaan la siiyey lacag gaaraysa ilaa 250.000 oo dollar ah taas oo uu Morten Strom aad uga farxisay. 9.Juun 2010 Morten Strom  waxaa uu u yeertay wariye ka socda wargeyska Jylland Post oo sawiro ka qaaday  lacagtii iyo weliba boorsadii ay ku jirtay iyadoo kulankuna uu ka dhacay  magaalada Korsør.

Hoos Ka Daawo Videoga Warbixinta uu qoray Wargeyska Jylland Post

Source Jylland Post/Dr.dk

18 Comments so far

Leave a comment

  1. Asalamu caleykum
    anigu nimankaan waxaa kaliya oo aan u fahmey in ducaadii soomaaliyeed iyo jiilkii soo korayey ee dacwada uun ay yihiin kuwa loosoo diray oo inay baabiiyaan qandaraas ay ku haystaan maxaa yeelay dhamaan hogaankii alshabaab maanta waa nool yihiin oo maalinba meel bay ka hadlayaan, subax iyo galabna jihaada jihaada, caruur bambooyin lagu xiro, iyo culimo la caayo ayuunbaa laga hayaa, madaxdoodiina gebi ahaanba waa joogaan, bal ma isweydiisay saw iyagu janno uma baahna? ma caruurta oo kaliyaa u baahaan janno hadiiba janno la gelayo maxaa cali dheere iyo fuaad shoongale kolba meel kaga qeylisiinaya may iyagu ugu hormaraa? wallaahi timir lafbaa ku jirta, weli ma maqasheen hogaamiyeyaashooda oo la leeyahay waa shahiideen..?
    meeshan kab baa laysku tuurayaa ilaah baa wax naga og laakiin anigu dareenbaa igalay, dorraad baan qosol la dhacay markaan arkey sh xasan yacquubkii kismaayo waaliga ka ahaa oo ka hadlay galgaduud lana leeyahay waalli cusub baa looga dhigay, waxaanan isweydiiyey ninku xaguu marey tolow dhul ma marine ma baalal buu yeeshay oo duulay, baqo dheeraa!!.
    u fiirso taas sh xasan yacquub why uu kismaayo uga cararey oo u difaaci waayey waa meeshii uu ku hadaaqi jirey hadh iyo habeenbee, xaqse ma tahay in caruurtii yaryareyd laga horgeeyo taangiyo gaalo oo la yiraahdo waddankaan difaaceynaa madaxyaweyntiina ay galgaduud kasoo jeedsato, sidaa waxaa la mid ah cali dheerihii inta saxaafadda ka hadley lahaa kismaayo dhiig badan baa ku daadan qabsashadeeda maalinkii dambana halhaleel kaga baxay , illeen tan oo kale!! weligay hadda ka hor kama fikirin laakiin hadda waxbaa ii baxay, hadiiba sh xasan yacquub uu kismaayo ka daba jeediyey cali dheerana aan arkiisaba la hayn wallee meesha mashruuc baa ka jira.

  2. Salaamu Calayum

    walaalka Barakaale ilaahay khayr ha ku siiyo run baad ka hadashay balse raga Alshabaab ah ha ka yaabin in ay maqlaan nasiixo iyo wacdi waxay gaalo u heystaan cid walba oo fikir ku diida ama ijtihaad qaar ahaan masaa,isha Nawaasisha ah gaaladii ay lahaayeen waa la jihaadeynaa may la jihaadaan oo dalka iyo diinta difaacaan waa iyagii ka cararay Afgooye Marka Kismaayo iyo deegaano kale oo badan

    dalkan ma difaaci karo walaahi Urur kaligiis aan ku socon manhajkii saxda ahaa aniga waxaa qabaa in rag ka mid ah madaxda alshabaab ay Agenti Yihiin oo mashruuuca lagu qabsanayo dalka Qeyb ka yihiin weyna soo bixi doontaa.

    Walaalaha Halgan.net runtii waxaa xusi doonta Taariikhda laga soo bilaabo Maxaakim Islaamiya ilaa haatan sida ay xaqa ula jireen kuwa doc ka yeerka ah ee waxba aan soo kordhin ha iska qeyliyaan culmada Soomaaliya waa la yaqaan nin afduuban waxba noo sheegi maayo cidna u hiilin meyso saa isagii baa shacbkii ku soo noqday oo xitaa dilay Sheekhii ugu cilmi badnaa Soomaaliya Sh dr Ahmed Xaji Craxmaan .

    waxaa ku talin lahaa umada Soomaaliyeed ha u ka shaqeyso sida gaalada dalka looga saari lahaa umadana loo mideyn lahaa sharciga allena aan isigu dhaqi lahayn.

    wasalaamu calaykum

  3. Salaamu Calaykum

    Salaanta Islaamka ka dib waxaan aad ula yaabanahay dadka ilaa haatan aan fahmin in caalamka maanta uu yahay caalam Jaajuus oo ay gaaladu awood iyo dhaqaalo waxay heysay isigu geysay in ay la dagaalanto muslimiinta waxay ahayd in tajaaribta aad looga faa,ideysto hadaan wax yar idiinka Bindhaamiyo Tajaaribta waaqiceena casriga ah

    1-Wadanka Aljeeriya waxaa ka hana qaaday kooxo badan oo dagaal kula jiray dowlada kooxdii ugu diig daadis badneyd waxay ahayd kooxada Al-Jamaca Islamiga Muslaxa oo markii danbe laba u sii kala jabtay waxaana hogaaminayey Cantar AlZawabiri .markii ay dad badan oo muslin ah ay dileen culumadii ugu qaalisaan Aljeeriya ay gowraceen dhalintii ugu qiimaha badneyd dagaal ku dhamaatay ayuu Cantar Al-Zawabiri u soo galay dowlada wuxuuna maanta ku nool yahay qasri weyn oo ku yaal Aljeeriya waxaana ilaasha dowlada .wuxuuna ahaa amiirkii jamaacada.

    Waxaad aad u eegtaan dalalka Sacuudiga,Masar,Urdun, iyo Yemen wax ka socda akhriyana Taariikhda.

    Walaalaha Halgan.net warbixinta ay soo gudbiyeen anaga bay noo tahay nasiixo iyo in ay dadka Muslinka is waansadaan ee ma aha in alha unaxriistee Sj Anwar wax la sheegayo Al-Shabaab Jawaasiis baa ka buuxda yaa dilay Aden Ceyrow ,Nabhaan,Fasuul ,Birjaawi iyo rag kale oo badan war alle ka baqa oo xaqa qaata ..

    Al-Shabaab markii ay maqli waayeen Culumadii waa taas dalkii si fiican loo hantiyey oo ciidamo shisheeye ay sidan u qeybsadeen

    Kenya Dhoobley ilaa Baraawe
    Siraliyoon Gedo
    Ugandha iyo Burundi Muqdisho ilaa Sh Hoose

    Itoobiya iyo Jabuuti G/dhexe ilaa Jowhar
    Itoobiya Bay iyo Bakool

    S/land iyo P/land itoobiya baa heysta

    Marka Al-Shabaab shacbna taageeri maayo culumane diide Shacabkii u banaanbaxayey waa kuwaas maalintii ay ka baxeen gobalada bililiqeystay xarumahoodii

    Waxaan soo jeedinayaa Abnaa saxwa Shacbka Somaliya ma dhawa wax loo hiiliyana maaha ee diinta ha la baro gaaladana si farsameysan aan isaga bixino ama dagaal ama siyaasad balse waxaa ka horeeya in salafku midoobo

    wasaalamu calaykum

  4. Asc, waxa iska cad sirdoonka Al-qaacida iyo shabab in uu yahay mid aad u liita oo anigu waxan qaba shabab-ayagan warka hayaye-%25 waa jawasis warna iskuma hayaan. Sababtoo ah dadkii askarta wawayn aha iyo culumadii walagu dhameyay meelahay joogan,habeen walba mid ba la leyahay qorigisa ba ku qarxay! Marka Alle intay ka baqaan dadka ehelka u ah ha u dayaan qiyadada oo umada ha fasaxan inay culumadooda kula laabta wixii gabash ah.

  5. khadarow khawaarij waxa laguu yiri waad ogtahay oo dhammaan wixii aan adiga ku raacin ummadda murtad baad u taqaan oo dhiigiisaad ku qabeysatey oo masaajiddada hortoodaad ku layay, midda kale sheekhaagii aad weligaa taqaaney eed tan iyo noloshaadii hoos fadhiday eed ka soo aflaxdey ilaahayna indhaha kuugu furey, tawxiidka fahankiisana kuugu sabab ahaa ayaad murjio ugu yeertay ugu dambeystiina aad xerada ka saartey dhiigiisiina fil-xilli wal-xaram ku banneysay, tasaa khawaarij laguugu bixiyey, ee sheekada meel kale ha saarin.
    tan kale kuwii shalay ay kuugu horreysay ee ay mudneyd in laga digtoonaado ayaad furayaashaadii oo dhan u dhiibtay sida cadnaan sheegayaba oo mawlahaaga khaaska ah ka dhigtay, marka walaalow ilaahay ka cabsada oo diinta marinkeedii kusoo celiya afkiinana runta u ogolaada.
    tusaale ahaan sanadkii 2009 culimadii soomaaliyeed ee dacwada ee la yaqaaney ee lagu kalsoonaa ayaa bayaan kasoo saarey xamar ay kaga digayaan in dagaal ummaddu ku rogmato lasii wado, uguna naseexaynayaan dhinacyadii soo dagaalamay inaanay iyagu xabadda isku jeedinin ee ay maslaxadda shacabka fiiriyaan, laakiin inteysan xataa alshabaab hadlin ayaa waxaa hadley usama bin laden oo jooga afghanistan isagoo culimada soomaaliyeed ku tilmaamaya inaanay waaqica la soconin oo ay warmoogayaal yihiin sidaa darteedna aan la dhegeysanin, markaasaa waxa ku xigey axmed godane waa hogaamiyaha alshabaabe oo isaguna hadalkii usaama ku raacey culimadana aflegaadeeyey oo ku timaamey culamaau’suu, fiiri marka waataas waxa khawaarij laguu leeyahay khadaroow ee culimadii ahlul-xilli walcaqdi ahaa intaad ra’yigoodii tadliilisay aad nin kumanaan mayl soomaaliya u jira aad hadalkiisii tasxiixisay, marka sheekada aad sareyso naga daa ninyohow.

  6. Hadii aan aminana jaajuus bay nagu noqonayaan hadaan aaminina waxaaa la leeyahay waa khawaarij oo muslimiinta ma aaminaan waa af salax ku dhage maxan samaynaa?

  7. ku: Ahmed

    Axmedow walaalle hadaan ka jawaabo suaalahaaga aad isoo weydiisay:
    1-waxaad i weydiisay qaddarka rabbi ma ka hortagi kartaa, hadaan ka jawaabo taasi waxaad ogaataa qaddarka rabbi lagama horatagi karo, laakiin waxaa jira wax xadar iyo dedaal la yiraahdo oo qof kastaayi hadii inta bannaan cidla ah iska seexdo meel laysku halaagayo uu yiraahdo ilaahay wixii uu ii qorey waa igu dhacayaa oo ma xidaareysanayo taasi waa khalad, oo alle ayaaba leh “wa-khuthuu xidrakum” cumar ibnu khadaabna waxaa laga hayaa hadal aan filayo inuu ahaa( nafirru min qadarillaahi ilaa qadarillaahi) oo macnaheedu yahay qaddarka rabbi ayaan ka cararaynaa qaddarkiisa ayaanan u carareynaa (waa hadii ay athartaasi asaxdey), marka saaxiib saas ula soco oo yeysan isaga kaa qasmin bahashu, waxaana la yiraahdaa akhdul-asbaab wactimaad calallaah, taasoo macnaheedu yahay dedaalkaana la imow allena talo saaro, waa tii ninkii nebiga(csw) u yimid ee inta hashiisii iska sii daayey ee rasuulku ku yiri war hasha dabro(xiro) ee ninkii ku jawaabey rasuul allow allaan talo saartey ee rasuulku ku yiri” hasha dabro allena talo saaro” marka waa khalad inaad asbaabtii aad ku badbaadi lahayd inta ka tagto aad tiraahdo qaddarka rabbi lama dhaafayo,sida inaad tiraahdo inta meel fariisato hadii rabbi ii qorey cunto waan heli.
    2-waa tan labaade waxaad tiri khulafadii 3da ahayd ee ugu dambeysay waa la dilay horta jawaabta saxda ah waxaa ku siiyey “sheekha” walaalka kore ,waxaadse ogaataa in khulafada iyo nimankaan ururka alqaacida ah iyo xulafadooda inaysan isku meel iman karin maxaa yeelay khulafadii rag alle ayay ahaayeen oo taladooda iyo tallaabadoodaba si toos ah ugu xiran diinta alle oo aan kana hormareyn kana dib dhaceynin, waxa ay ku meel maraanna ay tahay shuuro iyo talada muslimiintu u wada dhan tahay, ra’yigoodana dadka kumaanay ijbaareyn ee hadba maslaxadda muslimiinta ayaa ay fiirin jireen, oo “wa amruhum shuuraa beynahum” ayuu xaal ahaa, laakiin nimankaan alqaacidda iyagaa iska dhigay cabqariyaal raganimo ku dhamaatey, oo bad iyo cir kala haya, oo nin kaga daba dhufan karaayi uusan jirin ra,yigoodana waxaa ay ka dhigeen sidii mid muqaddas ah oo aan meella looga leexan arin, si kastoo loogu naseexeeyona ama wixii sawaab loo arko loo sheegana tooda iyo mabda,ooda ayaa ay ka raaceen ,culimadii muslimiinta ee weligood dacwada soo wadeyna marba haday ka fikir duwanaadeen oo wixii diin ay u arkeen ay ku hadleen inta tiimbare jaajuusnimo ku dhejiyeen iyo magacyo kuwii ugu xumaa ayaa haddana ay dhiigooda banneysteen oo ay birta ka asleen, oo alle ugu dhowaadeen, taasaa waxaa ay gayeysiisay in talo farahoodii ka baxdey oo kuwii ugu sokeeyey ee ay soo dhaweysteen lagu imtaxaamey oo qoorta loo surey carabtuna waxay tiraahdaa “aljazaau min-jinsil-camal” kamaa tadiinu tudaan oo inkaartii culimadaa kasoo baxdey ay afkey qaadaanba wadaad xume iyo jaajuus ku oranayeen, wakaas marka mid mid loo ugaarsanayo oo meel kasta oo ay cag dhigaanba burbur iyo baaba,waxaan ahayn aan laga dheefin, oo dad abriyo ah oo masaakiin ah lagu baabiiyey, bal eeg muxuu ku dambeeyey xaalkii masar markey dad iyo duunyaba halaageen oo kummanaan xabsiyada laga buuxiyey, kumanaanna la laayey oo dacwo islaam god ku rideen, baa aakhirkii waxay isku qireen inay khaldanaayeen, kana soo laabteen wixii ay ku jireen, raadso oo dib u akhri kutubta taraajucaadka ee ay qoreen hadaad run sheegayso, jazaair waa la mid, oo wixii la ogaa baa ka dhacay maantana halka xaal ka marayo waa wax iska cad, liibiya sidoo kale , ciraaq inta gaalo laysay iyo inta alqaciddo laysay inta alqacido laysaa badan amaba waa isla egyihiin, soomaaliyaa waxaad aragtay hadda ka taagan yahay oo ina godane soomaali kalabar uu bara kiciyey gaalo oo dhanna uu sabab u noqday inay waddanka isugu yimaadaan ka dib markuu taladii culimada iyo ummadda soomaaliyeed ku gacan sayrey,markaasaa inta naftii la hirweynaatay uu kolba meel u cararayaa, haduu runsheegayo oo janno rabo muu raadsado shahaadada uu caruurta dabka ugu gurahayo marka uu kolba meel ka cararayo ee wareegaysanayo.

    marka Axmedow waxa aan ka hadlayo wa taas ,hadiiba aad shalay dibi geeso weyn oo indho badan oo cabqari ah aad iska dhigeysay, maantana aad nin shalay soo islaamay oo cid taqaan iyo cid kale aan la garaneyn aad qalbigaagii oo dhan u dhiibto oo aad isku kala daadiso, kii kuugu dhowaa ee ab iyo isir aad u taqaaneyna aad fogeysay ood jaajuus ku summadday,marka ninkii talo kugu cadaatey oo waxaad fileysay lidkeed kuu soo baxeen oo , saw gar ma ahan inaan farta kugu fiqo oo aan ku garwaaqsiisyo inaadan xaq u lahayn inaad la keli noqoto talada ummadda oo aad garawsato khaladkaaga, taas weeyey sxb waxa aan ka hadlayo, soomaaliya ayaana tusaale kuugu filan ina godane wax alla iyo wixii rag ku wareegsanaa ee Almuhaajir iyo al-ansaari iyo al-mujaahid uu u wada bixiyey mid uu isku amini karo ma jiraan, oo waakaas hal hal loo gurubsanayo iyaga dhexdooda ayuunbaana sidii bisadii iyo jiirkii isgaadaya. ha igu oran marka cumar bin khadaab iyo khulafadii ka dambeysay baa la laayey oo hakusoo matalin raggaan wada keligood taliyayaasha ah.

  8. Waa yaabka yaabkiis. Muxuu jaajuus dad dheexaa jaray!

  9. somaliyey,dadki gaalada eey dileen miyaa idinka baxsan la, subxanallah,waxaan idinkula dardaarmaa shiikh cadow gacantiisa kubaxay inaadan, eedeynin ee aad wax kasheegtaan ninka jaasuuska ah,kwrn haddii qof muslim a kugu yiraahdo kuma aamini karo sow kuguma noqoneyso murugo iyo haddi mar walba shaki lag mujiyo, marka shiikha hala yaabina haddii uu aaminay jaasuuskaas muslimka sheegtay,mida kale qadarta alle lagama baxsan karo geeri kuuqorneyda magafeeysid.

  10. ku . axmed

    khulafada gaaladii ay la dagaalamayeen ma dilin , dabinna umay dhigin , labo ka mida khulafada khawaarij baa dishay oo ilaahay ugu dhawaanaysay.

    nibankan munaafiqiinta iyo jawaasiistu ka buuxdo inaad saxaabadii nabiga ku matasha waa gaf, shabaabku intaa dhalin yaro safkooda ku jirta bay laynayaan iyagoo leh gaaladay jawaaasiis u ahaaayeen .

    axmadoow nibankan waa lagu dhex milmay oo kii xadka masar lagu dilay asbuucan baa u danbeeyey , kolka iyagay dani ugu jirtaa inta aan cid kaleba la gaadhin in la yiraahdo waaar bi i waayee sidan isu dhaama .

  11. Jazakumu laahu khayr ahmed iyo amatalaah .

  12. subxaanallaah….dadkaan comentska bixinaya waan layaabaa….shiyuukh dimtay baa kabaxsanla’. walaalayaal dhelecaynta iyo inaad yaabtaa waxaa idinkamudan ninka jaajuuska ah ee sh.Anwar awlaki idinkama mudna.feejignaan intuu awooday wuu sameeyey shiikha, ee kasooqaada ninka jaajuuskaa naftiinoo kale…soo miinaan jeclaateen in islamnimada darteed la idinku aamino?soo islaamku masiinayo qofka islaam muujisanaya inla aamino islamnimada darteed? nafsu shay’ weeye tan shiikha kudhaday. tankale shiikhu wuu fashiliyey dilkii lalmaaganaa markii gabadhu utagto.. waxay tahayba wuu shahiidaye aniyo idinkay udambaysaa dhimashaduye qofkastaa camilkiisa ha hagaajiyo,alle hanadhowree. camalkaaga ood hagaajisaan kabilaaba comentisyada aad kabixinaysaan dhacdooyinka.

  13. Nimankaan waxay geysteen baa laga goynayaa, afkey qaadaanba waxay qawlayaan in culimadii soomaaliyeed ee sanado dacwadaan soo wadey ay ku tiimbareeyaan inay jawaasiis yihiin, oo da’yartii soo koreysay ku diraan, oo dhiigooda ku banneystaan, markaasaa alle cuquubo kaga dhigay oo wax aysan ka soo kabaneyn la daba dhigay.
    ma aanan illobin hadalkii axmed godane ee uu culamada soomaaliyeed ee xamar ku shiray 2009kii uu ku baal marey talooyinkoodii iyo nasaaixdoodii isaga oo ku sheegay in culimadaas ay yihiin (culamaa’u suu), waxna aan laga dhegeysanin isla markaana uu u dhawaaqey nin buuraha afghanistaan ku jira oo aan soomaaliyaba waxba ka ogeyn isagoo leh Labbeyka yaa Usaamah.
    waxaa ku xigtey in waxaad aragteen oo dad iyo duunyaba ku rogmatey, oo loo aabo yeeli waayey sheekh iyo shariif, duq iyo waayeel, xasuusta xasuuqii ka dhacay hotel shaamow, ardeydii lagu gubey hargaha iyo saamaha qaraxii tiyaatarka ,xasuuqii horel muna , illaa ay kasoo gaartey in duhur cad shirqoolkii baydhabo lagu banneystay culimada soomaaliyeed dhiigooda, lagagana billaabey ninkii ugu qiimo badnaa ee dacwadaan doorka dheer kusoo qaatey alle ha u naxariistee sh Dr axmed xaaji c/raxmaan oo dilkiisa ilaah loogu dhawaadey.
    Lag billaabo maalintaasna shacabka soomaaliyeed dacwadoodii alle waa aqbalay oo alshabaab tusbax dabada laga furey ayay noqdeen, illaa maanta hogaamiyeyaashoodii laga saarey halkii ay sanadada ku dhuumaalyesanayeen, oo waxaa lagu salliday yuusuf dhegabadan iyo axmed madoobe iyo gaalo mdow ka kala timid meel jin iyo meel jaan, shacabkii soomaaliyeedna wax u diir naxa waa waayeen.

  14. ninka cadaan la yiraah ee qoralak dheehr leh kuna shegaya in alqaacida iyo qolyaha limid ka ah ku dhaleecaynaya digtooni la,aan suaal an kuwadiyee mawaxaad ilawday in ilahay qoray waqtiga iyo sida ad u dhimanayso mid kale waxad ku dhaleecaynaysaa ragi laha umadan hogaaminaynaa ayaa si fudud lo laynayaa suashaydu waxay tahay cumar ibnu khadaab osmaan binu cafaan cali ibnu daalib sidee loo dilya ma is wadisay kuwasna bal ka waran ma ku canaanaysaa feejiga lanata jawab ayan ka sugaynaa

  15. jaajuus kastana ilaahaa shaacin doono,bi,idnillah.

  16. Nin baa waxaa laga sheegay … “waraabe ma arage’e saancadoole ayaan arkay…intii aan wararkan kala socday Wargeysyada sida Jp, bt,iyo extra bladet oo kuligood ka soo baxa Dk,waxaa iiga soo baxay in ay jirto feejignaan darro,weligeedba basaas waa jiri jiray….waxaanse aad ula yaabay ninkan(ANWAR)ee bari iyo galbeedba laga raadinayey, ee haddana nin ka soo jeeda dadkii raadinayey ilaa calooshiisa oo dhan u furay xitaa heer uu u dirsaday naag Euripian ah isagoo hore u lahaa 2 xaas.waa haddii ay run yihiin waxaan film ahaanta la isugu aad aadiyey…ma yaman oo dhan buu ka waayey gabadh muslimad ah oo uu garanayo meesha ay ka soo jeeddo…arintani waxay i xasuusisay dec 2011 ayaa habeen qol PALALK lagu soo xiray masuul al shabaab ah oo KISMAYO jooga sida uu sheektay, wuxuu habeenkaas jeediyey qorshaha caskari ee al shabaab ee 20 sanno ee soo socda ,runtii aad baan ula yaabay ilaa aan ka duubay,waxaan qolka ku jiray 250 aduunkoo dhan ayaa laga dhagaysanaýey murad, muslim iyo munaafaqba waa wada dhagaysanayeen,erayada aan ilaa hadda laqi kari waayey waxaa ka mid ahaa haddaannu nahay alshabaab waxaanu diyaarinay qorshe isku xidhan oo xuduntiisu tahay isku xidhka dhalinyara wax ku baratay Europe in laga faaidaysto aqoontooda iyo xoogooda ayna ka hawl galaan bar walba iyagoo adeegsanaya technology…. waxaan is weydiiyey hadda yuu la khidaabayaa, fariimahan uu dirayo yuu ugu u dirayaa yuuse ka dirayaa?? anigu yaab baan ilaa hadda ku maqanahay…bal idinna….

  17. Waxaa xaqiiq ah in xaqu cad yahay, cid ku dhex dhuuman kartaana aysan jirin, waxii markii hore shuhubo ahaa ayaa saas loo fashiyaa, haduu warkaan dhab yahay, gabar buu u sooo dirsadaa ar ma adeerkiis abihis la dhashaa anoo caamo ah ayaan maanta naftayda cidna ku aamini karin alaaba waa hogaan dhan oo Islaame, walee diintaan dadkeedi Allaa u keenin angana isagaan isu dhiibney.

  18. Walaa xawlah walaa quwwata ilaa billaah…

    Weligay ma aanan rag waayahan dambe fashal ka badan midkaan oo kale, bal eega walaalayaalow ilaah baan idinku dhaarshaye nin darajada la sheegayo ka joogay ururka (Al-qacidda) waa Anwar Cawlaqiye, uruka sheegta maanta inay iyagu yihiin kuwa kaliya ee xambaarsan qiyaadada muslimiinta ee xaqqa ah ninka darajadaas ka joogey ee hadana sidaas sida aadka u fudud sirtiisii oo dhan u dayacneyd, ma lagu aamini karaa oo xaq ma tahay in ay sheegtaan hogaanka muslimiinta iyagoo sidaas masaakiin u ah oo aan xataa qiyaasi karin waxa daaha gadaashiisa yaalla..

    waxaan aad iyo aad ula tacajabay markaan arkay warqadii hogaanka ururka Alshabaab soo qoreen sanadkaan horraantiisii ee ay ku soo saareen bayanka ay ku sheeganayaan in aanay soomaaliya dhexdeeda cid kale oo shabaab ka ahayn ka istaagi karin ,oo aanay sheegan karin magac jihaad, waxaanad la socotaan in dhawrkii 2dii sano ee ugu dambeysey almost madaxyaweyntii Alqacidda ee alshabaab ku jirtey la laayey oo sida muuqata rag iyaga ku dhex jira uun ay dilkooa ka dambeeyeen, waxaa ka sii daran inta aan la ogeyn ee aan warbaahinta laga sheegin ee sida wararka hoose sheegaan hogaanka ciidamada ama ragga haldoorka ah ee ciidamada alshabaab ku jira ee isagoo la dilay uun la arkay ay carrada ka badan yihiin, oo lagu sheegayo uun in qorigoodii ku qarxay, inbadan oo alshabaab laftoodu toogteen iyagoo si cad u sheegaya inay jawaasiis ahaayeena iskaba daa oo lama tirin karo.

    Hadii marka sidaas iyagiiba u dayacan yihiin oo caqli iyo cilmi oo dhamba ay ka dhigteen qori lala ordo oo kaliya oo la yiraahdo ummad dhan baan ku xoreyneynaa iyadoo waxyaabihii kale ee lawaazimta ahaa aan la raadsanin saw taasi ma ahan luggooyo cad oo ummad masiirkeedii oo dhan majhuul la gelinayo…? waxaan oran karaa hadda ayaa la garawsan karaa waxyaabo badan oo soomaaliya ka dhacaya oo diin loo tiirinayo inay yihiin kuwo aan diin shaqo ku lahayn oo jihooyin kle lagasoo maleegayo, waxaase nasiib darro ah in kuwa maanta sheeganaya qiyaadada muslimiinta si kastoo wax loogu sheego amaba indhahoodu shaahid uga noqdaan waxyaabo badan oo ay ku lunsan ihiin in ay haddana kusii indho cad yihiin khaladkooda kelmadda kaliya ee ay wehshadaan isla markaasna luggoysayna ay tahay in shicaar laga dhigtey “ALQAAFILATU TASIIR…WAL-KILABU TAMBAX” taasoo macnaheedu yahay “horey u socda oo ha soo laabanina cid kastaayi ha iska dhawaaqdee” macnaha dhegeha fur gashada oo cidna ha maqlina xataa hadaad khaldantihiin, taasoo ah miisaan khaldan waayo islaamku waa naseexo oo qof kastoo xaq kuu sheegaa waa xaq iyo la dhegeysto hadii kale berri ayuunbaad meel cida ah soo kuududsan goor xeero yo fandhaal kala dhaceen.

    Bal hadda eega ninkaasi Morten sida u uga garsurtey nimankaas cabqariyaasha isku sheega waa alqaacidee, xataa wuxuu si aad ah u dhexgalay arrimahodii hoose, oo uu sida wabigii u dhexdabaashay, haddana kaaga darane uu usoo bandhigay vediyoogii ku saabsanaa arrimaha khaaska ee ku sheekaysanayeen labadaas qof, iyo sidoo kale sida uu ugu dhiiradey soo bandhigidda lacagta uu qaatey, ma shaki baa ku jira marka in Alqacidda fashilantahay..? haday sidaas u fashilan yihiinna ma meteli karaan ummad dhan oo muslimiin ah oo ka badan 1billion..? jawaabtu waa maya. waxaanu leenahay marka ina godane iyo kooxdiisa marin habawsan ha baabiinina caruurta yaryar ee soo korysa ee aad dabka ku gureysaan, iyo shacabka soomaaliyeed ee sidii xoolihii udxiyada loo qalayey aad dhiigooda u daadinaysaan, ilaahayna sida looga bartey qof kasta oo xadgudub iyo dilmi sameeya mar ayuunbuu soo qaban hadii dhegaha ita la fureysto lagu socdo indho la,aantan

Leave a comment

*