Xarun lagu Xanaaneynayo Caruurta darbi Jiifka oo laga hirgeliyey Muqdisho.[Daawomasawirada]

October 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Sabtidii oo ku beegnayd 19/10/012, Magaalada Muqdisho ee Caasida Dalka waxaa laga furey xarun lagu xanaaneynayo caruurta darbi Jiifka ee ku dacdareysan Suuqyada, Qashin gubka iyo Laamiyada, waxaana iska kaashadey hirgelinta xaruntan Hay’add maxaliya oo lagu magacaabo Hay’ada horumarinta Bulshada iyo samafayaal reer Sacuudiya. Xaflada furitaanka ee Xaruntan waxaa ka soo qeyb galey Marti sharaf badan oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota Dowlada, hay’ado Caalamiya iyo kuwa Maxaliya iyo sidoo kale bahda Saxaafada oo isugu jira kuwa Caalamiya iyo gudaha.

Furitaanka Xafadala Mas’uuliyiintii kale duwaneyd ee ka soo qeyb gashey waxey ka yidhaahdeen hadalo u badnaa bogaadin iyo dhiiri gelin iyo sidoo kale iney qeybtooda ka qaadanayaa  horumarinta xaruntan iyo wax u qabadka ubadka dacdareysan ee looga faa’iideynayo. Xilligan xarunta waxaa lagu furey 80 ilmo oo wiilaal ah waxeyna ka kooban tahey qeybta hurdada iyo waxbarashada, waxey sidoo kale ku leeyihiin cunno fiican sadexda wakhti.

no images were found

Waxaa goobta heegan ku ah Maamul iyo macalimiin u taagan wax barida iyo dhaqan celin loo sameynayo caruurta xarunta ku xareysan. Inta badan caruurta xaruntan ku xareysan oo laga soo aruuriyey goobaha qashin qubka iyo suuqyada waxey u badnaayeen kuwa caba koolada iyo daraagiska qeybahooda kale waxaana laga dheehan karey daruuf xoogan oo dhan walba oo ka muuqatey.

Waxaa lagu wadaa xaruntan iney wax ka badasho nolasha, caafimaadka iyo garaadkooda aqooneed caruurtan lagu xareeyay ee lagu xanaaneynayo, waxaa sidoo kale lagu wadaa tiro marba marka danbeysa iney sii korodho. Xaruntan waxey noqoneysaa tii ugu horeysay ee rasmiya ee laga hirgeliyo Magaalada Muqdisho, waxeyna Mas’uuliyiintii kale duwaneyd ee goobta ka Hadley ku taliyeen in la hor mariyo cid walba oo gacan ka geysan kartana baaq ayey u jeediyeen dal iyo dibadba.

Halgan.net
Muqdisho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online