Booqashadii Saacid ku tagay Maxakamada G.Baanadir iyo Isbitaal Madiina

April 15, 2013 - Written by Editor

27Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo taliyayaasha ciidamadda ayaa booqasho ku tagay maxkamadda gobolka Banaadir oo ahayd udub dhaxaadkii  qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii la socday ayaa sidoo kale booqasho ku tagay isbitaalka Madiina oo lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku soo qaadeen maxkamadda gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ka dib markii uu soo dhamaystay booqashooyinka iyo shirarkii is daba jooga ahaa oo uu la qaatay xubno ka tirsan golaha Wasiiradda iyo taliyayaasha ciidamadda

“Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee kooxaha nabad diidku shalay soo qaadeen waa mid calaamad u ah cadowtinimada baahsan ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa  ehelada dadkii shalay ku geeriyooday weerarkii waxashnimada ahaa, waxaana Ilaahay uga baryeeynaa inuu caafimaad siiyo kuwii ku dhaawacmay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay sida ay dawladda uga go’antahay sidii looga hortagi lahaa meelaha ay ka soo qaadaan weerarada noocaan ah.

Sidoo  kale Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ciidankii badbaadiyey qaar badan oo ka tirsan dadkii meesha ku sugnaa markii ay mashaqadu ka dhacday.

no images were found

“Dawladu waxay hambalyo u diraysaa ciidankii ka hortagay inay dhacdo khasaaro intaas ka badan, dawladuna waxay gudoon siin doontaa abaal marin ciidankaas oo si geesinimo leh ku galay goobta iyadoo ay ka soctay xiligaas qaraxyo iyo tacshiirado is daba joog ah, waxaana dhanka kale dawladdu baaritaan ku samaynaysaa sidii ay ku suurta gashay in kooxaha argagaxisadu si fudud usoo galaan maxakamadda gobolka Banaadir” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada oo gaaraya 58 qof ay todobo ka mid ah ay xaaladoodu liidato dawladduna ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii ay u heli lahaayeen kaalmo caafimaad oo dibadda ah, ayna sidoo kale dawalddu ka xuntahay wixii dhacay maxkamadda gobolka, iyadoona la ogyahay in dhibaatooyin intaa ka badan ay ka gaystaan kooxaha argagaxisadu wadamo ciidan ahaan iyo qalab ahaanba ka horeeya Soomaaliya.

 

Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.

—DHAMAAD-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
Office of the PM
           
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online