Dagaal xalay ka dhacay degaanka Cadaada ee Gobolka Bay

April 10, 2013 - Written by Editor

ciidanBaydhabo:-Waxaa xalay ka dhacay degaanka Cadaada oo u dhexeeya degmada  Awdiile  iyo Berdaale ee Gobolka Bay  iska horimaad hubaysan  oo u dhexeeya ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowllada Federaalka Soomaaliya ay weerareen degaanka Cadaada oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalka xalay ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray 2-da dhinac balse Sarkaal u hadlay ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay degaanka la wareegeen ciidankoodu wax khasaaro weyna aysan soo gaarin ciidan kooda. Guddoomiyaha  degmada Berdaale ee Dowllada Federaalka Somaaliya oo isagana ay saxaafadu la xiriirtay ayaa sheegay jiritaanka dagaalkaas waxaana uu sheegay in ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ay qabsadeen degaanka Cadaada ee dagaalku ka dhacay.

Dhinaca kale ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Al-shabaab ee Gobolka Bay oo ku saabsan dagaalka xalay ka dhacay degaanka Cadaada  iyo wax ka jira in ciidankooda laga qabsaday degaankaas iyo guulaha ay sheegteen ciidanka dowllada Federaalka Soomaaliya oo ee Gobolka Bay oo ay kaabayaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online