DFS oo ka hadashay howlgalo ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho
April 30, 2013 - Written by EditorMuqdisho :-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFS C/shakuur Cali Mire ayaa ka warbixiyey howlgalo ay ciidanka DFS ay maanta ka sameeyeen magaalada Muqdisho ,howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa hakad galiyey isku socodka wadooyinka magaalada Muqdisho.
Ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray isgoysyada xaafadaha magaalada Muqdisho waxaana ay howlgalada ku soo qabteen dadweyne aan tiradooda la cayimin
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFS C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in howlgalada saaka ay ciidanka DFS ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay sugida amaanka wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan xog ay heleen in weeraro ama qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka fulin rabto gudaha magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay sugida amaanka iyo ka foojignaanta waxyaabaha lidka ku ah amaanka magaalada Muqdisho.
Ciidamada DFS ayaa waxay maanta howlgalada ka sameeyeen Degmooyinka Hodan, Hawl Wadaag, Wardhiigley iyo Degmada Kaaraan waxaana ay gacanta ku soo dhigeen tiro dhalinyaro ah oo aysan DFS aysan shaacin.
A/Cawale
Halgan.net