Dowro Sharci ah oo Ka Furantay magaalada Johannesburg(Masawiro)

April 5, 2013 - Written by Editor
DSC04007Johannesburg:-Waxaa maalintii jimcada oo bisha ahayd 05/04/2013 ka furmay magaalada JOHANNESBURG dowro sharci ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga dacwada ee majliska ALBAYAAN dowradaas oo loo qabtay xaflad furitaan oo lagu martiqaaday qaar ka mid ah odayaasha hogaanka u ah soomaalida koofur afriko, xafladaas oo ka dhacaday masjidka IMAAMU SHAAFICI EE JOHANNESGURG,
Xafladaas u ah furitaanka dowrada waxaa ugu horayn lagu soo dhaweeyay SHARIIF WEHLIYE oo kamid ah odayaasha hoogaanka soomaalida, shariif ayaa tilmaamay in ay ku faraxsanyihiin haday yihiin odayaasha in ay furaan dowradaan oo lagu martiqaaday, waxaana uu shariif uu tilaamay in culimada laga faa,iidaysto dowradan ay soo jeednin doonaan, waxaana uu xusay in ay tahay fursad qaali ah oo dadkan jooga johannesburg ee soomaalida ah u soo hoyatay, waxaa kaloo asagana furitaanka ka hadlay DICTOOR YAASIIN oo ka mid ah aqoonyahanada soomaalida ee jooga koofur afriko iyo odayaashaba,  waxaa uu ka sheekeeyay in la dhaqmida dadkan aan la noolnahay ay u baahantahay aqoon iyo cilmi, waxaana uu tilaamaamay dictoorka in dhaqan suuban lagula dhaqmo umadaha aan la noolnahay islamarkaasna laga faa,iidaysto dowradan qiimaha badan oo ay culimada waqti iyo dhaqaalo badan kaga baxay, waxaa kaloo odayaasha ka mid ahaa oo hadlay SH C/LAHI oo tilmamay in ay muhim tahay in culimada laga faa,iidaysto, waxaa kaloo uu sheekh c/lahi ka hadalay muhiimada ay leedahay midnimada ummmada iyo in lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo, waxaana uu si gaar ah sh. c/laahi u amaanay majliska albayaan dadaalka ay ugu jiraan markaste hormarinta dadka diintooda iyo dantooda kale.

no images were found

waxaa kaloo kalmad ka soo jeediyay xafladii furitaanka SH. AXMED DHEERE oo ah xoghayaha guud ee majliska dacwada ALBAYAAN oo ku dhawaaqay in dowradii ay furantahay, waxaa kaloo oo uu sheegay in dowraad badan ay jiri doonaan hadii allah yiraahdo, hada ka horna ay jirtay dowraad la qabtay oo aysan midan ugu horaynin, waxaana uu ugu baaqay ummada in ay ku dheganaadaan diintooda iyo dhaqankooda suuban oo aysan la falgelin wadankan dadkiisa gaalada ah oo ay xajistaan diintooda kana faa,iidaystaan dowradan qiimaha badan gaarsiiyaana dadka wadankan diinta islaamka iyo wanageedaba.
Waxaa ugu danbaystii ka hadlay xaflada maxamed aadan c/lle oo ah madaxa dacwada gobolkan gauteng oo ah xafiiska soo qabanqaabiyay dowradan qiimaha badan waxaana uu sheegay jadwalka dowrada iyo in laga faa,iidaysto culimada cilmigooda u soo huray dowradan hadii allah yiraahdo.
Dowradan oo cinwaankeedu yahay DADKA KULA DHAQAN DABEECAD WANAAGSAN, hadalkaas oo ah hadalkii nabi muxamed (scw) waxaa ka soo jeedin doono duruus culimo kala duwan, waxayna socon doontaa insha allah 3 beri oo ah jimcada,sabtiga, iyo xada oo bisha ay tahay 5ta ilaa 7da bishan 4aad.
Darsigii ugu horeeyay oo baxay waxaa uu baxay maanta jimcada ah bacdal maqrib waxaana uu ahaa cinwaanwaankiisa  MUCAAMALADA LABADA ISQABTA, waxaana soo jeediyay SH. C/NAASIR CISMAAN MAXAMUUD.
Darsiga labaad waxa uu bixi doonaa insha allah sabtiga beri ah bacdal casar oo ay bisha ay tahay 06/04/2013 waxaana soo jeedin doono insh allah, SH. QAASIM CABDI HAYAAN wxaana uu ka hadli doonaa insha allah AKHLAAQDA RASUULKA (SCW)
DARSIGA sedexaad waxa uu bixi doonaa isla sabtiga beri ah bacdal maqrib waxaana soo jeedin doona, SH.QORANE CABDI, oo ka hadli doono KAALINTA AKHLAAQDA WANAAGSAN QOFKA MUSLIMKA AY KA JOOGTO.
Darsiga afraad waxa uu bixi doonaa insha allah axada bacdal duhur waxaana soo jeedin doono SH. CALI IBRAAHIM CALI waxana uu soo jeedin doonaa insha allah, SIFAADKA QOFKA MUSLIMKA AH .Darsiga u danmbeeya oo ah darsiga 5aad waxaa soo jeedin doono SH. C/SAMAD SEED, waxaana uu yahay cinwaanka darsiga  WAXBARASHADA IYO MUHIMADA AY U LEEDAHY QOFKA MUSLIMKA AH IYO SIDA AY U BEDESHO AKHLAAQDIISA
insha allah waxaa la soo gabagabeen doonaa DOWRDA axada bacdal maqrib, waxaana loo qaban doonaa xaflad balaaran oo lagu soo gabagbeen doono insha allah.
WAXAA DIYAARIYAY
MAXAMED AADAN C/LLE
MADAXA DACWADA GAUTENG
JOHANNESBURG
TEL 27834023137

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online