Garoonka Diyaaradaha ee Afmadow oo dayactirka lagu sameeyay

April 23, 2013 - Written by Editor

GE DIGITAL CAMERAAfmadow:-Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose oo mudo ka badan 5sano xirnaa ayaa shalay dib loo howlgaliyey ka dib markii maamulka Degmada oo kaashamaya ganacsatada deegaanka  iyo dadweynaha ku dhaqan Degmada Afmadow ay dayctir ku sameeyeen.

Guddoomiyaha Degmada Afmadow, C/qaadir Aadan Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay in dayactirka lagu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow waxaana uu xusay in ay qeybweyn ka qaateen ganacsatada  Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

C/qaadir Aadan Cismaan Guddoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay gurmad u fidiyaan shacabka degan iyo kuwa ku soo barakacay Degmada Afmadow.

Maamulka Degmada Afmadow ayaa sidoo kale Dayactir ku sameeyey isbitaalka guud ee Degmada waxaana ay codsi u direen hay’adaha caalamiga ah ee samafalka bixiya in ay Isbitaalka la soo gaaraan dawooyin .

Guddoomiyaha Degmada Afmadow, C/qaadir Aadan Cismaan ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Afmadow uu haatan shaqo bilaabay uuna diyaar yahay in ay diyaaradaha ku soo dagaan.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online