Guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed oo waraysi siiyey VOA[Dhagayso].

April 15, 2013 - Written by Editor

shbashiirNairobi:-Guddoomiyaha  hay’adda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa waxaa uu ka waramay sababah gaarka ah ee Al-shabaab ay u bartilmaamsanayaan culimada dalka Soomaaliya oo inta badan ku midaysan Ururka Al-citsaam Bilkitaabi Wasunaha. Sh Bashir Axmed ayaa waxaa uu ku jawaabay in dadka ay  Al-shabaab bartilmaamsanayaan ay san ahayn oo kaliya culimada Soomaaliyeed balse ay dileen Haldoorkii umada  oo ay ka mid yihiin, Saraakiisha Ciidanka , Aqoon yahanka, Odayaasha dhaqan  iyo weliba wariyaal.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay sababaha ay sidda gaar ah Al-shabaab ugu  bartilaamsanayaan  culimada ay tahay ,culimada oo fahamsan  khaladaadka diineed ee  ay diinta u tiiriyaan ururka Al-shabaab ka dibna ay culimadu ay yihiin kuwa fahmi kara ama dadka Soomaaliyeed u sheegi  kara wixii diinta islaamka wax loogu dhimi karo.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ku baaqay in arrimaha Soomaaliya taladeeda loo daayo iyaga  si iyagu ay arrimadooda u xaliyaan khilaafaadkooda  beesha caalamkana looga baahan yahay oo kaliya wixii tababaro ama mucaawino oo dowllad ama shacab la siin jiray, Sheekh Bashiir Axmed ayaa xusay in arrinka ka taagan dalka Soomaaliya  oo ah in haldoorka umada la dilo oo ay ugu horeeyaan culimada diinta ama in wax dowllada ah in la dhiso la diido ay faraha kula jiraan gacmo shisheeyo ayna adeegsanayaan dadka arrimahaas ku howlan ha is ogaadeen ama yeysan is ogaanine.

Guddoomiyaha  hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad oo wax laga wiidiiyey shir dhawaaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa dhinac garsoorka ayna soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kale duwan iyo weliba Puntlland ayaa waxaa uu sheegay in la isla gartay in ay muhiim tahay in la helo Garsoor cadaalada ah oo aqoon u leh diinta Islaamka , isagoo sheekhu sheegay in kalimada wacdi ah uu ka jeediyey madashii shirkaas.

Ugu danbayntii ayaa Guddoomiyaha  hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad waxaa uu uga digay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama beelaha ,maamulada hadda jira in ay ka dhex abuurmaan khilaaf is is qab qabsi arrinkas oo sii fogayn karta  xalka Soomaaliya , waxaan uu ku waaniyey in ay la ilaaliyi midnimada umada si dadka cadawga u ah aysan uga faa’iidaysan.

Hoos ka Dhagayso waraysigii idaacada VOA la yeelatay Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/ev1rvaqkyj/shbashiir15-04-2003.mp3″]

Halgan.net/VOA

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online