Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar Jacfaan oo ka badbaaday isku day dil qorsheysan
April 15, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdulle Jacfaan, ayaa wuxuu maanta ka badbaaday isku day dil ah ka dib markii qarax miino lala eegtay gaarigiisii oo marayey Isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa.
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ka soo laabtay marka weerarka lagu qaaday banaanbax balaaran oo lagu cambaareynayo weerarkii shalay ka dhacay xarunta Maxakamada gobalka Banaadir banaanbaxaasi oo ay soo abaabuleen Maamulka Degmada Heliwaa.
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdulle Jacfaan oo warbaahinta la hadlay weerarka lagu khaarajin lahaa ka dib ayaa sheegay in uu badqabo balse uu burbur soo gaaray gaarigiisa.Waxaa sidoo kale uu sheegay in qaraxa ay ka badbaadeen ilaaladiisa .
Weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdulle Jacfaan iyo cida ka danbeysa ayaa waxaa uu ku eedeeyey Cumar Jacfaan kooxda Al-Shabaab wuxuuna ku tilmaamay weerarka lagu qaaday mid naf la caari ah .
Cabdi Yare
Halgan.net