Madaxweynaha DFS oo sheegay in dagaalka lagu jiro Al-Shabaab uu gali doono waji cusub
April 15, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ay dowladiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab uu gali doono waji cusub ka dib markii ay xalay kulan degdeg ah ay isigu yimaadeen guddiga ammaanka qaranka ee DFS waxaana uu kulanku ka dhacay Villa Soomaaliya.
Kulanka ay isigu yimaadeen guddiga ammaanka qaranka ee DFS ayaa waxaa shirgudoominayey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaana sidoo kale kulanka joobjoog ka ahaa Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ,Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Pro.Maxamed Cismaan Jawaari ,saraakiil sare oo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM .
Kulanka xalay ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu gorfeeyey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen shalay xarunta Maxkamada gobalka Banaadir halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 29 qof .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay dowladiisa kula jirto Al-Shabaab uu yeelan doono waji cusub waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dagaalka ka qeyb qaataan dhamaantood .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu yiri “Al-Shabaab waa cadow aan wada leennahay waa cadow aan qofna reebeen, aan meel uga soo wada jeesano dagaalka yaan loo kala harin ”
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa heysta fashil dhinaca amniga ah iyada oo taas ay ku macneeyeen raga ku xeeldheer arimaha ciidanka in ay ugu wacan tahay tababar la,aan heysa ciidanka iyo ciidanka oo wili ku xaleysan qaab beeleed .
A/Cawale
Halgan.net