Dowlada Puntland oo cambaaraysay weerarkii shalay ka dhacay xarunta Maxkamada gobalka Banaadir
April 15, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Dawladda Puntland waxay si rasmi ah u cambaaraynaysaa weerarkii waxshinimo ee ururka argagixisada Al-shabaab uu maalintii shalay ku qaaday xarunta garsoorka ee Dawladda Federalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Maamulka iyo shacabka Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Soomaali yeed, gaar ahaan eheladii dadkii ku geeriyooday weerarkaas waxayna EBBE uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo inta dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.
Puntland waxay weerarkaas u aragtaa mid argagixiso isla markaasna looga gol leeyahay in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed.Sidaa awgeed ayaa Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Soomaaliyed in ay meel oga soo wada jeestaan siddii loo soo afjari lahaa, kooxaha argagixisada ah ee hortaagan nabadda, xasilonida iyo horumarka ummadda Somaliyeed.
Halkaan ka akhri warsaxaafadeedka Puntlland
Libah Jore
Communications Office
The Puntland Presidency