Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo Khawaarijtu amaTakfiirku goormay is qabteen?
April 22, 2013 - Written by Editor
Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax waxa laga dharagsan yahay taariikh nololeedkiisii gabi ahaan, wuxuu ku barbaaray barashada diinta Islaamka, wuxuu waxku bartay bartamaha iyo koonfurta somaaliyeed, waxbarasha sare wuxuu kaga soo baxay Jaamacah Islamiyah Madiina Kuliyada shareecada. Culimada ay isku waqtiga ahaayeen waxay ku sheegaan inuu ka mid ahaa hadiiba uusan ugu horeyn culimada towxiidka iyo caqiidada saxda ah Soomaaliya ku soo dabaalay wadanka, maadaama ay suufiyo gacanta ku haysey. Shiikha waxa aad loogu xasuustaa duruustii uu ka bixin jirey Masjidii ceel hindi. Shiikh Abdulqaadir (AHUN) wuxuu caan ku ahaa in uusan marnaba la gaban aragtidiisa diineed xataa haddi naftiisa loogu imaanayo, xiligii Maxamed Siyaad ayay ahayd markuu ka hor yimid culimadii la laynayey waqtigaasna loo taxaabay xabsi mudo saddex sano ku dhow. Xabsiga markuu ka soo baxay wuxuu la kulmay iyadoo xarakadii takfiirku ay fidinayaan manhajkoodii guracnaa ee lagu gaalaysiisanayey umada soomaliyeed, wuxuu sheekhu aad uga hortagey manhajkaas cajalado iyo muxaadarooyin wacyi galin ah ayuu qabtay, halkaas oo la oran karo colaada sheekha loo qabo ayaa ka bilaabatay.
W/Q Abdirashid Mohamoud