Taliyaha ciidanka DGPL ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid oo la hadlay saxaafada

April 16, 2013 - Written by Editor

AfguduudBoosaaso:-Saraakiisha ciidanka dowllada Puntlland ee aagga Galgala ayaa beeniyey in wax dagaal ah oo u dhexeeya ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidanka daraawiishta Puntlland uu ka dhacay Buuraha Golis iyo degaanada ku xeeran. Taliyaha ciidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame  oo la hadlay saxaada ayaa sheegay in ciidankoodu ay sugayaan amaanka ayna qaadeen howl galo dhinac amniga ah balse aysan jiri dagaal ama iska horimaad ay la galeen ciidanka Al-shabaab bilihii la soo dhaafay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame   ayaa yiri “ waa been ma jiraan wax dagaalo ah oo dhacay, ciidamadu howlahoodii bay wataan waxayna ku sugan yihiin fariisamahooduu loo asteeyey.” Taliyaha ciidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame oo wax laga wiidiiyey in ay jiraan fariisamo ay ku suganaayeen ciidanka daraawiishta ee Puntlland in ay ka soo baxeen ayuu wuxuu arrinkaas ku tilmaamay wax aan jirin oo ah been abuur.

Col. Jaamac Siciid Warsame  ayaa yiri “ Waxaan nahay ciidan dowlladeed wax nala dagaalamayana dagaalkoodu waa tuugaysi mana awoodaan in ay ciidanka ay dagaal kala horyimaadaan.” Taliyaha ciidanka daraawiishta dowllada Puntlland ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame  oo wax laga wiidiiyey halka ay ciidanka Al-shabaab ka helaan taakulaynta ayaa waxaa uu xusay in ay ka hellaan Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay joogaan madaxdoodu balse waxaa uu eedeyn u soo jeediyey maamulka Soomaalilland oo uu sheegay in ay ku tuhunsan yihiin in ay saanadu u soo marto ururka Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online