Wasiirka Maaliyadda DFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.[masawiradda]

April 25, 2013 - Written by Editor

DSC02856Muqdisho:-Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta DFS Mudane Maxamuud Xasan Sulaymaan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qayb galeen shirkii Hay’adda Lacagta Aduunka IMF oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maray kanka.Hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa horaanta bishaan shaacisay in ay aqoon santahay dowladda Soomaaliya, ayna wada shaqyn buuxda la yeelan doonto Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya si dib loogu dhiso hanaankii maaliyadeed ee dalka.

no images were found

Wasiirka ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade, isagoona faahfaahin ka bixiyey kulamadii uu la soo qaatay madaxda Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF).“ Magaalada Washington waxaa uga soo qayb galnay shirkii sanad laha ahaa ee Hay’ada Lacagta Aduunka, waana markii ugu horaysay oo Soomaaliya ka qayb gasho mudo 22 sano ah, taasina waxay yididiilo weyn u tahay horumarka baaxada leh oo ay rabto in ay ku talaabsato dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirku.

Siidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ku howlantahay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dowladda si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, taasina ay wax weyn ka tari karto in dowladdu ay hesho kaalmooyin caalami ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa intii uu xilka hayey waxaa uu dadaal dheer u galay sidii wada shaqayn dhan kasta ah u yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, wuxuuna ku guulaystay in Soomaaliya ay xubinimadeedii Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) ay dib ula soo noqoto, kana qayb gasho shirar caalami ah.

Xafiiska Wasaaradda Maaliyada
wmaaliyaddasom@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online