Xaflad Khitaamka Quraanka Kariima ah oo ka dhacday Masjidka Ramadaan ee Boosaaso.[Masawirada]

April 25, 2013 - Written by Editor

DSC00475Boosaaso:Mu’asasada AL-Minhaaj ayaa caawa soo agaasintay xaflad heer sare ah oo lagu khatimaayay tafsiirkii Shiikh C/raxmaan Bukhaari ee ka socday Masjidka Ramadaan ee magaalada Bosaso .Tafsiirkaan oo ahaa tafsiiirkii lixaad oo ah mid sanad walba la dhamayo bishaan oo kale waxaana la bilaabay 16/09/ 2012 ilaa 20/04/2013 .Xafladaan oo ay kasoo qayb galeen Culamaa’uddiin , Maamulka Mu’asasada Alminhaaj ,Maamulka Jaamacada Bariga Afrika , Shirkada Golis , Salaam Bank iyo Ardaydii tafsiirka dhagaysan jirtay oo qaybtood caawa ay Mu,asasadu gudoonsiisay Ijaaza cilmi ah iyo Abaal Marino.

Xafladaan furid ka dib waxaa kalmad kooban oo warbixin ah qaatay Shiikh Max’ed Cabdi oo ah masuulka Masjidka Ramadaan asagoo ka war bixiyay , Heerarkuu masjidku soo maray , una mahadnaqay dhamaan ciddii ka qayb qaadatay dhismaha masjidka iyo hawshaan ka dhex socota oo ay culimadu ugu horayaan .

no images were found

Warbixintaasi ka dib waxaa hadalo dhaxal gal ah kasoo jeedshay madasha dhamaan ciddii ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Boorka Jaamacada Bariga Afrika Shiikh Yuusuf C/casiis , Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Faraceeda Gobolka Bari Shiikh Faarax Max’ed Cajab , Shiiikh C/raxmaan Bukhaari oo ahaa shiikha akhrin jiray tafsiirka la soo khatimay , C/raxmaan Dayax oo Shirkada Golis iyo Salaam Banka ka socday ,Cusmaan Max’uud Xaaji Dirir Maamulka Gobolada ee Mu’asasada Alminhaaj iyo Arday ka mid ah arday tafsiirka dhagaysan jirtay Dr Max’ed Samatar Jeegahool .

Xafladaan oo caawa looga gol lahaa in lagu Maamuuso ardaydii tafsiirkaan dhagaysan jirtay ayaa lagu gudoonsiiyay lixdii arday ee ugu taxanaha badnayd ee cilmigaan xambaartay lixdii sano ee uu socday oo la gudoonsiiyay Abaal Marin iyo Ijaaza Cilmi ah oo ah inay cilmigaan sii gudbin karaan , waxaa kaloo abaal marin lagu doonsiiyay 36 arday oo ka mid ah ahaa ardayda ayagu dhagaysan jirtay balse wali aan ijaaza gaarin .

Isku soo wada duub oo xafladaan ayaa caawa kusoo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehan karo dadaalka ay ugu jirto Mu’asasada Alminhaaj Dacwada , Dhiiri galinta Ducaada iyo Dhalin yarta .

 

Siciid Maxamed Diiriye
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online