Banaabaxyo Roobdoon ah oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.[Masawiro]

May 20, 2014 - Written by Editor

Photo0286Boosaaso:-Boqolaal kamid ah Dadweynaha iyo Masuuliyiinta Boosaaso ayaa isugu soo baxay Banaanbax Roob doon ah oo ka dhacay Garoonka kubada cagta ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo lagu tukaday Salaad Eebe Raxmadiisa looga baryay.Masuuliyiin iyo Qaar ka mid ah Culimada ugu waaweyn Puntland oo ka hadlay Salaadii Roob doonta ahayd ayaa ugu baaqeen dadka in ay iscafiyaan iyagoona kula dar daarmay Cibaadada Alle.

Culimadii goobta ka hadashay ayaa waxa ka mid aha Sh Daahir  Aw-cabdi , isagoo aad ugu booriyay inay iscafiyaan, dunuubta lagalayna laga toobadkeeno. Sidoo kale waxa culimadii ka hadashay ka mid ahaa Sh Axmed Daahir, oo isaguna ku dheeraaday in baryada ilaahay la badiyo , sheegayna in sababta roob la,aantu ay tahay dunuubteena.

Waxaa kale oo xusid mudan in goobta ay ka hadleen masuuliyiintii Gobolka bari gaar ahaan Gudoomiyaha degmada Xasan C/le Xasan Iyo Gudoomiyaha Gobolka bari C/samed Galan.

no images were found

Dadka ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday Alla bariga ay Maanta u yimaadeen gaar ahaana ay Eebe uga baryayeen Raxmadiisa. Roobdoontan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadoo Qaar kamid ah Deegaanada Puntland ay maalmihii u dambeeyay ka curteen Roobabkii guga.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online